Balan-qaadka
Madaxweynaha Ee Qabsoomida Doorashada Waxba Kama Aaminsani, Laakiin"
Siilaanyo
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka
ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo), ayaa sheegay in
aanay jirin wax uu ka aaminsan yahay ballan-qaadka M/weyne Rayaale
ee ah in Doorashadu ay ku qabsoomayso waqtiga Komishanku u cayimay
ee 27-ka September.
Waxaanu ka hadlay aragtida uu ka qabo in Doorashada lagu galo bilaa
Diiwaangelin haddiiba loo baahdo. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah
ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu ka hadlay sida
uu u arko in diiwaangelinta la’aan lagu galo Doorashada. Waxaanu soo
jeediyay in bilaa Diiwaangelin lagu galo doorashada soo socota
haddii aanay Mishiinka kala shaandhaynaya Codbixiyeyaasha ka soo
bixin Maxsuul dhab ah oo dhinacyada Diiwaangelintu khusayso oo dhami
ku wada qanacsan yihiin.
Guddomiyaha oo uu shalay waraysi dheer la yeeshay Weriye Maxamed
Cabdi (Ilig) oo ka tirsan Telefishanka Horn Cable, waxa uu naqdiyay
dhaliil Madaxweyne Rayaale u jeediyay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka.
Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;
S: Guddooomiye, ugu horayn bal nooga waran sida aad u aragto
hadalkii Madaxweynuhu kaga hadlay Shirkiisii Jaraa’id iyo eedayntii
uu Madaxdiina Mucaaradka u jeediyay?
J: Shirweynihii Xisbiga UDUB wuxuu lahaa (Madaxweynuhu) 29 March
dhaafi mayso doorashadu, iyadoo shacbiga iyo umadda oo dhami wada
ogayd inay dhaafayso muddadaas. Markaa, marka uu imikana yidhaahdo
dhaafi mayso 27 September, tolow ma waxaanu nidhaahnaa maxay kaga
duwan tahay tii uu lahaa 29 March bay doorasho ku dhacaysaa. Anigu
markuu sidaas oo kale yidhaahdo , waa marka shakiga badani iga sii
galo inay ka dhab tahay, meeshaana wax kale ka soo socdaan oo hadhow
sabab uga dhigan karo inuu marmarsiiyo kale heli karo. Marka labaad,
markuu ka hadlayay arrimihii uu nagu eedaynayay ee ku saabsanaa
Mudaharaadkii ka dhacay magaalada London, waxaa sameeyay Xisbiga
KULMIYE, taas qofba si buu u eegaa. Isaga (Madaxweyne Rayaale) waxay
ula muuqataa inay Khaa’inal-wadaninimo ku dhawayd in isagoo
Madaxweynihii ah lagu sameeyo oo uu weliba la yaabay in isagoo
London jooga KULMIYE-yahii halkaa joogay loo fasaxay Mudaharaadkii.
Waayo; isagu Mudaharaadka waxa uu yaqaanaa dembi, Qaran-diid iyo wax
xun, laakiin England iyo dunida kaleba waxa looga yaqaanaa xuquuq
shacbigu leeyahay. Markaa, Xisbiga KULMIYE ee uu uga diiday inay
Mudaharaad ku sameeyaan Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, ayaa
London looga ogolaaday wax aad u culus bay ku noqotay. Markaa,
waxaanu leenahay Madaxweyne Daahir Rayaalow, Mudaharaadku wuxuu ka
mid yahay Xuquuqda aasaasiga ah ee mushtamaca iyo Axsaabtu leeyihiin…Adigu
waa digii naga xukumay in aanu Mudaharaad samayno mid aanu khasbanay
mooyaane, waadigii naga xukumay in aanu Hoteelada ku shiro, diiday
in aanu meelnaba isa soo taagno, Xafiisyadayada hortoodana ku dhahoo.
Markaa, taasi waa aragtida aad ka haysato Xorriyatul-qawlka, sidii
aad Suxufiyiinta u xidh-xidhaysay, Adhiileyaasha u xidh-xidhaysay.
Waxaad u aragtaa dadka iyo dalku hanti aad adigu leedahay inay
yihiin, hanti adigu aad leedahayna maaha….Arrimahaa la xidhiidha
heshiisiinta (qodobadii Xeer-b eegtidu soo saartay ee Madaxweynuhu
kaga hadlay Shirkiisii Jaraa’id), umaddu way ka dheregsan tahay
mawqifka aanu ka taaganahay haddii aanu nahay labada xisbi Mucaarad.
Horta, mar uu hadlo oo uu yidhaahdo waan yeelay, hadalkiisii shalay
(doraad) baa iigu horeysay, intii ka horeysayna Afhayeen baa u
hadlayay oo lahaa Madaxweynuhu wuu yeelay. Afhayeenku nalama joogin
markaanu saddexdayada Murashax wada hadlaynay, taana waanu soo
dhawaynaynaa inuu yeelay. Laakiin, waxa qudha ee aanu leenahay waxa
weeye, waxani waa wax ay umaddi leedahay oo Qaran dhan ka dhexaysa.
Waxa la yidhi Xalaal dharaad cad baa la qashaa, Daahir Rayaale-na
Annagu waxaanu kula talin lahayn in aanu ka war-wareegin arrintaas
(saxeexa go’aamada)….Waxaanu u aragnaa in Madaxweyne ahaan hawshaa
daadihinteeda iyo dhamaystirkeeda looga baahanyahay, saxeexo, soo
dhaweeyo, kalsooni abuuro oo uu umadda oo dhan ku wada abuuro iyo
mushtamaca dibadda jooga ee Dhaqaalaha inaga bixinaya ee leh ‘waar
heshiiya’. Waxaa u ekayd inuu yidhaahdo wixii kalsoonid umadda ku
beeraya Anigaa hormood ka noqonaya. Laakiin, hadduu mar walba wax ay
is leeyihiin way soo baxsan doontaa ka fekero, maanta waxa loo
arkayaa markuu taas ka hadlayo ee uu leeyahay Distoorka ma raacsana
(Madaxda Mucaaradku), qodobkan 83-aad ee ka hadlaya Guurtidu inay
muddo-kordhin ku samayn karto Madaxweynaha, inuu taas u meel dayayo.
Balse, waynu ognahay oo waxay ku xidhan tahay duruufo gaar ah,
waxaanan leeyahay duruufahaa ha inoo sahadinin. Haddiise Illahay
inaguma keenee ay taasi timaado, Distoorku meeshii waa yaalaa oo
haddii aynu kan saxeexno, loona baahdo arrintaas taas wax is
hortaagayaa ma jirto, laakiin yaynaan sahadsanin oo aynaan inagu u
yeedhanin duruufta caynkaas ah (Nabadgelyo baahsan iyo masiibooyin
dabiici ah – oo dib u dhigi kara doorashada). Laakiin, waa inaad
waxan yeeshaa, si umaddu ugu kalsoonaato oo rabitaanka umadda, dadka
kula leh Hoggaanka dalka, dadka kula leh doorashooyinka iyo kuwa
kula leh mustaqbalka dalka inaad tixgeliso ayaa loo baahanyahay.
Shirweynihii Xisbiga UDUB wuxuu lahaa (Madaxweynuhu) 29 March dhaafi
mayso doorashadu, iyadoo shacbiga iyo umadda oo dhami wada ogayd
inay dhaafayso muddadaas. Markaa, marka uu imikana yidhaahdo dhaafi
mayso 27 September, tolow ma waxaanu nidhaahnaa maxay kaga duwan
tahay tii uu lahaa 29 March bay doorasho ku dhacaysaa. Anigu markuu
sidaas oo kale yidhaahdo , waa marka shakiga badani iga sii galo
inay ka dhab tahay, meeshaana wax kale ka soo socdaan oo hadhow
sabab uga dhigan karo inuu marmarsiiyo kale heli karo. Marka labaad,
markuu ka hadlayay arrimihii uu nagu eedaynayay ee ku saabsanaa
Mudaharaadkii ka dhacay magaalada London, waxaa sameeyay Xisbiga
KULMIYE, taas qofba si buu u eegaa. Isaga (Madaxweyne Rayaale) waxay
ula muuqataa inay Khaa’inal-wadaninimo ku dhawayd in isagoo
Madaxweynihii ah lagu sameeyo oo uu weliba la yaabay in isagoo
London jooga KULMIYE-yahii halkaa joogay loo fasaxay Mudaharaadkii.
Waayo; isagu Mudaharaadka waxa uu yaqaanaa dembi, Qaran-diid iyo wax
xun, laakiin England iyo dunida kaleba waxa looga yaqaanaa xuquuq
shacbigu leeyahay. Markaa, Xisbiga KULMIYE ee uu uga diiday inay
Mudaharaad ku sameeyaan Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, ayaa
London looga ogolaaday wax aad u culus bay ku noqotay. Markaa,
waxaanu leenahay Madaxweyne Daahir Rayaalow, Mudaharaadku wuxuu ka
mid yahay Xuquuqda aasaasiga ah ee mushtamaca iyo Axsaabtu
leeyihiin…Adigu waa digii naga xukumay in aanu Mudaharaad samayno
mid aanu khasbanay mooyaane, waadigii naga xukumay in aanu Hoteelada
ku shiro, diiday in aanu meelnaba isa soo taagno, Xafiisyadayada
hortoodana ku dhahoo. Markaa, taasi waa aragtida aad ka haysato
Xorriyatul-qawlka, sidii aad Suxufiyiinta u xidh-xidhaysay,
Adhiileyaasha u xidh-xidhaysay. Waxaad u aragtaa dadka iyo dalku
hanti aad adigu leedahay inay yihiin, hanti adigu aad leedahayna
maaha….Arrimahaa la xidhiidha heshiisiinta (qodobadii Xeer-b eegtidu
soo saartay ee Madaxweynuhu kaga hadlay Shirkiisii Jaraa’id), umaddu
way ka dheregsan tahay mawqifka aanu ka taaganahay haddii aanu nahay
labada xisbi Mucaarad. Horta, mar uu hadlo oo uu yidhaahdo waan
yeelay, hadalkiisii shalay (doraad) baa iigu horeysay, intii ka
horeysayna Afhayeen baa u hadlayay oo lahaa Madaxweynuhu wuu yeelay.
Afhayeenku nalama joogin markaanu saddexdayada Murashax wada
hadlaynay, taana waanu soo dhawaynaynaa inuu yeelay. Laakiin, waxa
qudha ee aanu leenahay waxa weeye, waxani waa wax ay umaddi leedahay
oo Qaran dhan ka dhexaysa. Waxa la yidhi Xalaal dharaad cad baa la
qashaa, Daahir Rayaale-na Annagu waxaanu kula talin lahayn in aanu
ka war-wareegin arrintaas (saxeexa go’aamada)….Waxaanu u aragnaa in
Madaxweyne ahaan hawshaa daadihinteeda iyo dhamaystirkeeda looga
baahanyahay, saxeexo, soo dhaweeyo, kalsooni abuuro oo uu umadda oo
dhan ku wada abuuro iyo mushtamaca dibadda jooga ee Dhaqaalaha inaga
bixinaya ee leh ‘waar heshiiya’. Waxaa u ekayd inuu yidhaahdo wixii
kalsoonid umadda ku beeraya Anigaa hormood ka noqonaya. Laakiin,
hadduu mar walba wax ay is leeyihiin way soo baxsan doontaa ka
fekero, maanta waxa loo arkayaa markuu taas ka hadlayo ee uu
leeyahay Distoorka ma raacsana (Madaxda Mucaaradku), qodobkan 83-aad
ee ka hadlaya Guurtidu inay muddo-kordhin ku samayn karto
Madaxweynaha, inuu taas u meel dayayo. Balse, waynu ognahay oo waxay
ku xidhan tahay duruufo gaar ah, waxaanan leeyahay duruufahaa ha
inoo sahadinin. Haddiise Illahay inaguma keenee ay taasi timaado,
Distoorku meeshii waa yaalaa oo haddii aynu kan saxeexno, loona
baahdo arrintaas taas wax is hortaagayaa ma jirto, laakiin yaynaan
sahadsanin oo aynaan inagu u yeedhanin duruufta caynkaas ah
(Nabadgelyo baahsan iyo masiibooyin dabiici ah – oo dib u dhigi kara
doorashada). Laakiin, waa inaad waxan yeeshaa, si umaddu ugu
kalsoonaato oo rabitaanka umadda, dadka kula leh Hoggaanka dalka,
dadka kula leh doorashooyinka iyo kuwa kula leh mustaqbalka dalka
inaad tixgeliso ayaa loo baahanyahay.
S: Guddoomiye; Madaxweynuhu markuu adiga iyo Guddoomiyaha UCID
idinla hadlayay, wuxuu ku celceliyay inaad Sharciga barataan,
akhridaan oo Shuruucda dalka u taala aydaan garab-marin, inta idinku
aad u aragtaan inay idin khusaysana aydaan ka qaadan, markaa taas
maxaad ka leedahay?
J: Waxaan leeyahay, meesha Daahir Rayaale Sharciga ku akhriyay, ka
bartay ee nagaga badiyo, Aniga iyo Faysal-na aanu ku garan waynay,
isagaa sheegi doona oo taas Anigu hadda ka hadli maayo. Daahir
Rayaale hadduu aqoon, Tacliin iyo waxbarasho noogu faanayo, isagay
jirtaa oo waxba imika taas ka odhan maayo. Laakiin, waxaan leeyahay
Distoorka waanu akhrinay, waxa ku yaalana waanu naqaanaa, Sharciga
waanu naqaanaa, Bani-aadamka sida loola dhaqmo waanu naqaanaa,
xurmada iyo sharafta uu dadweynuhu leeyahay, waxa uu galo iyo waxa
uu guda-na waanu naqaana, calaamaadka iyo facaa’ilka Diktaytoradana
waanu naqaanaa, Keli-talisyada waanu naqaanaa, kuwa dadka booba
waanu naqaanaa, kuwa dhaca waanu naqaanaa, kuwa Xuquuqda
Bani-aadamka ku tunta waanu naqaanaa, kuwa Xoolihii umadda dhacay
waanu naqaanaa, waxaana Sharcigooda in aanu naqaano iyo in aanaan
aqoon mar uun bay cadaan doontaa.
Waxaan leeyahay, meesha Daahir Rayaale Sharciga ku akhriyay, ka

S: Waxaad hore u soo jeediseen in wax ka bedel lagu sameeyo
Komishanka doorashooyinka, laakiin Madaxweynuhu wuxuu yidhi ma jirto
cid bedeli karta Komsiahnka, taas sideed u aragtaa?
J: Horta, bedelaada weli mawduucaa hadalkeedii rasmiga ahaa maanaan
gaadhin, guddigan dhex-dhexaadintuna waxay soo jeediyeen in
arrintaas ay ka wada hadleen saddexda Xisbi iyo Golaha Guurtidu –
inti magacaabaysay inay ka wadahadlaan oo Ergadu annagay nagu soo
wareejisay, laakiin weli marxaladaa maanaan gaadhin oo waa tan aanu
arrinta saxeexeedii iyo fulinteedii dambe ka hadlayno. Markaa,
waxaanu ka qabno marka halkaa la gaadho ayaanu wax ka odhan
doonaa…Cid kasta oo hawshaa doorashooyinka ku lug lahaydba, umaddu
way aragtaa oo indhaha haddaan laga qarsanayn dhaliilo faro badan
baa ka yimi – Interpeace baan ka maqnayn, cidii farsamo ahaan ku
shaqada lahayd baan ka maqnayn, Komishankaan ka maqnayn oo wixii
Diiwaangelinta hawlo ka gelayay baan ka maqnayn. Markaa, dhaliilo
faro badan baa ka yimi hawshaa, xudunta cida u ahaydna waa
Komishanka, markaa Komishanka haddii la yidhaahdo yaan la dhaliilin
macquul maaha. Balse, Komishanka iyo cid kasta oo hawsha haysa waa
la dhaliilayaa oo Komishanku dhaliil bay leeyihiin oo taas muran
kuma jiro…Afkaar badan baa jirta oo annaga qudhayada ayaan dareemo
fara badan ka qabna, cid halagu daro baanu nidhi, hala kordhiyo
baanu nidhi, hala bedelo dad qabtaa way jiraan. Laakiin, hadalku
wuxuu ku kooban yahay waqti xaadirkan dhaqaajintoodu (haddii la
eryo) doorashooyinka uun bay dhibaato ku keeni kartaa. Markaa runta
marka loo dhaco dareemadaa kama maqnin, dee dhaliishuna way jirtaa.
Horta, bedelaada weli mawduucaa hadalkeedii rasmiga ahaa maanaan

S: Xukuumaddu waxay ku doodaysaa in arrinta dib u dhigtay doorashadu
tahay Seerfarka kala shaandhaynaya Codbixiyeyaasha, isla markaana
loo baahanyahay in hawshiisa la sii wado. Markaa, maxay tahay rajada
aad ka qabto 15 Juun ee Madaxweynuhu sheegay ama 27 July ee guddigu
soo jeedisay uu Server-ku ku soo saaro natiijo kama dambays ah?
J: Runtii, arrinta Diiwaangelintu waa arrin aynu Sharciga ku
qoranay. Diiwaangelinta si loo hirgeliyo hawl faro badan baa inaga
gashay, Qaranka ka gashay, Deeqbixiyeyaasha ka gashay oo dedaal aad
u badan baa gashay oo dhinac walba leh, waxayna ahayd wax loogu
talogalay inay doorashadeena hagaajiso oo qurxiso. Laakiin,
ayaan-daro sidaa cid waliba u sheegtay dhibaatooyin aad u fara badan
baa ka yimi Seerfer-ka iyo shaqadiisa….Waxaan intaas oo dhan la
qabaa haddii waqti munaasib ah la gaadho, hadday cadaado ama markay
muuqatoi in aanu Seerfer-ku fulin karayn ama aanay ka soo bixi
karayn wax la aqbali karo, la aqbali karo, midho-dhal ah oo
doorashada si cadaalad ah ugu adeegi kara oo shacbigu inaga qaadan
karo haddaanu ahayn, in laga maarmo oo bilaa Diiwaangelin lagu galo
ayaan u arkaa.
Runtii, arrinta Diiwaangelintu waa arrin aynu Sharciga ku qoranay.
Diiwaangelinta si loo hirgeliyo hawl faro badan baa inaga gashay,
Qaranka ka gashay, Deeqbixiyeyaasha ka gashay oo dedaal aad u badan
baa gashay oo dhinac walba leh, waxayna ahayd wax loogu talogalay
inay doorashadeena hagaajiso oo qurxiso. Laakiin, ayaan-daro sidaa
cid waliba u sheegtay dhibaatooyin aad u fara badan baa ka yimi
Seerfer-ka iyo shaqadiisa….Waxaan intaas oo dhan la qabaa haddii
waqti munaasib ah la gaadho, hadday cadaado ama markay muuqatoi in
aanu Seerfer-ku fulin karayn ama aanay ka soo bixi karayn wax la
aqbali karo, la aqbali karo, midho-dhal ah oo doorashada si cadaalad
ah ugu adeegi kara oo shacbigu inaga qaadan karo haddaanu ahayn, in
laga maarmo oo bilaa Diiwaangelin lagu galo ayaan u arkaa.
S: Doorashada bilaa Diiwaangelin lagu galo miyaa?
J: Bilaa Diiwaangelin in doorasho lagu galo…..
Bilaa Diiwaangelin in doorasho lagu galo…..
S: Markaa, waa haddii Server-ku xataa hawshiisa dhamaystiro miyaa,
oo waxaad aaminsan tahay in dad badani meesha ka baxaan?
J: Anigu dad badan odhan maayo. Laakiin, waxaan leeyahay ama haddii
bahalka hawshiisa waqtigiisa dhamaan waydo ha noqoto ama iyadoo waxa
ka soo baxaa ay noqdaan wax mushtacama intiisa badan ama dadkii wax
dooranayay ( aanay ku qanacsanayn) – maaha cid gaar ah iyo gobol
gaar ah. Laakiin, ilayn wixii wuu inaga wada khuseeyaaye wax aynu ku
qanci wayno hadduu noqon waayo, waa in aanu iska keen hortaagin
doorashada.
Anigu dad badan odhan maayo. Laakiin, waxaan leeyahay ama haddii
bahalka hawshiisa waqtigiisa dhamaan waydo ha noqoto ama iyadoo waxa
ka soo baxaa ay noqdaan wax mushtacama intiisa badan ama dadkii wax
dooranayay ( aanay ku qanacsanayn) – maaha cid gaar ah iyo gobol
gaar ah. Laakiin, ilayn wixii wuu inaga wada khuseeyaaye wax aynu ku
qanci wayno hadduu noqon waayo, waa in aanu iska keen hortaagin
doorashada.
S: Taas Xisbiga UCID ma u bandhigteen oo isla qaadateen?
J: Xisbi waliba aragti buu leeyahay, Xisbiga UCID-na taas gaar baa
looga waraysan doonaa. Laakiin, mar walba UCID wixii maslaxada iyo
danta dalku ku jirto aad bay u aaminsan yihiin.
S: Diiwaangelinta oo muddadaa faraha badan aad sugayseen, doorashada
dib u riixday in laga tago sidee bay kula tahay?
J: Dee way nagu adagtahay, laakiin hadday isa soo taagto….Halka lagu
socdo haddii ay doorashada u adeegi karta way inoo fiican tahay,
haddii kalena wax inaga khasaaroobay bay noqonaysaa oo ayaan-daro
ah. Laakiin, ayaan doorashada iyo khasaarihii Diiwaangelintu iska
keen raacin.
Dee way nagu adagtahay, laakiin hadday isa soo taagto….Halka lagu
socdo haddii ay doorashada u adeegi karta way inoo fiican tahay,
haddii kalena wax inaga khasaaroobay bay noqonaysaa oo ayaan-daro
ah. Laakiin, ayaan doorashada iyo khasaarihii Diiwaangelintu iska
keen raacin.
S: Laakiin, hadday sidaa u dhacdo saw lama odhan karo way adagtahay
in doorasho xor iyo xalaal ahi dhacdo?
J: Dee awalba doorashada waynu qabanay oo bilaa Diiwaangelin baynu
ku qabanay. Markaa, haddaynaan sidaynu doonayno 100% u noqon, talo
kale oo badan oo looga dhawrsan karo oo la iskaga ilaalin karaa way
jiraan oo intii loo dhawayn karo Caddaalad loo dhaweeyo. Kollay
ku-shubashada qolada dawladda uun baa badisa, waayo iyadaa ilihii
dalka gacanta ku haysa. Laakiin, haddana yeelkeeda sidii la iskaga
ilaalin karo ee looga dhowrsan karo ayaa la iskaga ilaalin doonaa,
balse waxa muhiim ah in aanay doorashadu ina dhaafin.
Dee awalba doorashada waynu qabanay oo bilaa Diiwaangelin baynu ku
qabanay. Markaa, haddaynaan sidaynu doonayno 100% u noqon, talo kale
oo badan oo looga dhawrsan karo oo la iskaga ilaalin karaa way
jiraan oo intii loo dhawayn karo Caddaalad loo dhaweeyo. Kollay
ku-shubashada qolada dawladda uun baa badisa, waayo iyadaa ilihii
dalka gacanta ku haysa. Laakiin, haddana yeelkeeda sidii la iskaga
ilaalin karo ee looga dhowrsan karo ayaa la iskaga ilaalin doonaa,
balse waxa muhiim ah in aanay doorashadu ina dhaafin.
S: Guddoomiye, ma kula tahay in doorashadu ku qabsoomi karto 27
September ee Komishanku u cayimay, Madaxweynuhuna Digreetada ku soo
saaray ee uu balanqaaday?
J: Balan-qaadka Madaxweynaha waxba kuma aaminsani oo waataan
sheegayay oo Shirweynihii xisbigiisa wuxuu lahaa waan hubaa inay
dhacayso 29 March, qoladiisuna waxay lahayd lix bilood baanu dib u
dhigaynaa. Markaa hadalkiisa oo qudha ka soo qaadi maayo, laakiin
Qaran ahaan waa in aynu xil iska saarnaa in aanay waqtigaa
doorashadu dhaafin.
Balan-qaadka Madaxweynaha waxba kuma aaminsani oo waataan sheegayay
oo Shirweynihii xisbigiisa wuxuu lahaa waan hubaa inay dhacayso 29
March, qoladiisuna waxay lahayd lix bilood baanu dib u dhigaynaa.
Markaa hadalkiisa oo qudha ka soo qaadi maayo, laakiin Qaran ahaan
waa in aynu xil iska saarnaa in aanay waqtigaa doorashadu dhaafin.
Wargeysaka Ogaal
|