Bal Ila Taliya Oo Face Book-ga, Ma Iskaga Tagaa? Hamud Duale

 



Weligee cad quudheed, kola qaadan maayoo, qalanjada faraha dheer wax la qaybsan maayee................

Waqtiga isbedeley, warbaa la socdee, warbaa la socdee.

Balaayo kac guur amma kac guurso, ayay ku tidhaa. Balaayo aan kaa qoslina balaayo ma ah. Aniga oo baraad la’ oo baraha Internet-ka iyo jaarun xaruntayd, ayuun baan geedi dheer u lalabay. Waa la I aroorshey, waxaa la iga wacay face book iyo xerta, bahda ama madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland.

Maalin aan sidaa u sii fogeeyn, ayaa waxaan ku arkay xaadhima internet-ka , ogeysiis lagu shaaciyey, oo ah in xaadhin libaaxyo hurdaan, oo cusub, la furay.

Xaadhinta libaaxyada oo ah Bahda amma Madash Wada Tashiga iyo Toosinta qaranka oo furtay buuga fool ka foolka (Face book) oo lagu wada xidhiidhi karo.

Degdeg ayaan awrkaygii ina Goray, baabuur ma lihiye, hogaanka ugu soo qabtay oo keeneeyey. Waan tu’iyey, waan qarqarsiyey, waanan foodh foodhyey. Waxaan ku maaweeliyey, intaan rarayey “Ma jaboo, ma jiiraaloo”

Heeryada ayaan ku laalay. Agab, saabaan iyo sahay wixii aan u baahanaa, geedigan aan keligee u qalqaalay ee aanan cidna kala tashan; ayaan guradiisi ku hubsaday. Caynka iyo baydana waan ku giijiyey, kamaan iloobin dabgeliskii, ilayn haddii kale, sida dawladaha Afrika ayuu dheel dheeliyiye. Dawladaha Afrika waxay saluugaan dabageliska dimuqraadiyada oo ah “Political Pressure Groups.” Waana sobobta keenta gacan ka hadal.

War la’aan baa col haday ee, inkasta oo aan Sheekh Cabdil Qaadir cuskaday, awrkii hayinka ahaa wuu I canaadey; oo wuu diidey in uu kaco. Samay samay iyo juu midna wuu iga aqbali waayey.

Aakhirkii, awrkii wuxuu ku reemay: “Waa xaggee, ma colbaa inna galay?”

“Waa madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, col innama gelin” ayaan ugu warceliyey.

Wuxuu ku guuxay, isaga oo faruuryaha lulaya: “Bi’waa aadamiyoo, gaar ahaan somaliyoo. Oo anigaba ilamaad tashana, maxaad ku kordhin kartaa Madasha wadatashiga ee Somaliland.”

Wuxuu intaa sii raaciyey: “Soodigan I afduubaya. Soo xaq iyo xurmo iskuma lihin, maxaad iila tashan weydey.”

Waan yaabay, dood dheer ayaa na dhex maratay. Hadhaw ayaan faahfaahinteeda idiinku soo celin. Guud ahaan awrkii waxaanu ku heshiiney in aanu safarkaa galno, wanaanu dhaqaaqanay.

San wadeenada (guide lines) buuga fool ka fool (face book), ma aqaan jin iyo insi, waxay yihiin cidda ka shaqaysaaye, ammaradoodii ayaan u hogaansame.

Waxaa la igu yidhi si socdaalkaygu u hirgalo, abtirsoo ayaad tahay. Magacaag, Magaca awoowgaa, ciddaad u dhalatay, goortaad dhalatay iyo halka aad ku nooshaya sheeg baa la yidhi. Hawraarsan baan idhi, waanan fuliyey amaradaa. Buuxiyey goobihii loogu talagalay, oo ka gudbey.

Markaan dhammeeyey, waxaa la igu yidhi geli haybtaada(Email Address) iyo faruur xidhkaaga(Pass word). Dhib ka mudan meysid baan idhi, oo Labadiiba caynka iyo bayda ayaan u giije, inkasta oo aan la yara raftay, ilayn badaw baan ahaye.

Ooddii ayaa la iga rogey. (Welcome to the Face book) soo dhawaw, minanku, minankaaygii waaye, ha is martiyeen, ayaa hadal la iigu soo koobay. Way macnasan yihiin haddaad amaradooda raacdo, duulka ka shaqeeyaa buuga fool ka fool.

Waxaa haddana la ii weydiiyey ma faq(private) ayaad rabtaa mise baal furan (public). Kuma hakane, markiiba waxaan doorbiday baal furan, si safarkayga loola wada socdo oo aanu qarsoodi u noqon.

Irridihii, ayaa is wada balaqay. Ma aqaan malaa’iig iyo shayaadiin wax hogaaminayee, markiiba waxbaa soo shuruug yidhi, cagtiibaa igu badatay, booqashooyinkii ayaa xad dhaafay. Sheekh iyo shariif, lab iyo dhidig meesha waa lagu dhan yahay.

Laba erey ayaa goor walba I hortaagan, kuwaas oo kala ah “Confirm” iyo “invite”. Mid walba dhag, dhag baan ka siiyaa.

Waxaa noqotay khasab in aan qalo badan sii dhex maro, maxaayeelay gurigaan aan ku socdo ee madasha wada tashiga, waxaa ka sokeeya oo hortii la degey guryo badan oo kale.

Cagtii horaba, juq waxaan u soo idhi dugaaga jala butaynaaya. Saa waa mooryaantii Muqdisho oo kortay oo dalacaday. Shaadhad diimeed oo kala duwan xidhatay, qabyaaladna aan ka tagsanay, dawladaha reer galbeedkuna kala fadilaan, si doontoodu u qumanaato.

Waa mooryaantii oo cal iyo bey leh. Waa mooryaantii oo qaar ka mid ah, beesha caalamku, caleema saartay, oo federal sheeganaya, qaarna daadufeysey iyo dad ka soo jeeda beesha caalamka oo kheyraadka qaranka bad, berri iyo uur ku jirataba in loo saxeexo doonaya, iyo dadweynihii gobolada oo qaylinaya: “Qabta, qabta, qobtoleeyaa, xaja, xaja, xadhka u yeela.”

Intaan hadalba iga soo bixin, awrkiibaa diday, oo ka Acuudu bilieystey, oo yidhi: “Hal la qalay sideed lagu soo qamaamoo, qalalaasihiiba ninba qurub haleelo, qosol wuxuu ka joogaa, qubanaha danbeeyee, buuraha qotada dheer, ka arkaaya qiiqee, qarka soo jafaaya.”

Anna waxaan ku sii ladhay:“Weligee cad quudheed, kola qaadan maayoo, qalanjada faraha dheer wax la qaybsan maayee.”

Aniga ayaa kooxdaa warkooda idiin faahfaahin doon, iga war suga.

Cagtii xigtana mise waa qabyaaladii oo dhex butulaqaysanaysa, oo la waabwaabinaayo. Buugii fool ka fool ee casriga ahaa, ayay dhex muuta muutenaysaa. Meesha qolo, qolo ayaa loo degen yahay. Tooyashada ayaa igu badatay, sibiq ayaan ku dhaafay. Wixii na kala qabsaday gadaal baan idiinka sheekayn, sabir yeesha.

Waxaan kale oo aan orod ku dhaafay qalanjooyin iskala lulaya, is kala haadinaya, is kala hufaya, iskala jiidaya, qaar jimicsanaya, qaar is janjeedhinayaan, qaarna intay toobab soo xidheen tal iyo xiisaan leh, xarago la tiicaaya. Qaar daymada xishood kale, luquntooda dadbaaya.

Maxaa suleekhooyin jooga, sedex goor is kala jabinaaya, sinta bidix isqabanayya, sanqaroorka taagaaye, dhexdu qabasho le’eeg tahay, oo aad moodo in ay leeyihiin siddii qadiijo warsame, intay qosol digix ka siinaaya : “siddi qabax”.

Maxaa wadhnaa meesha, qaar luquntooda dheer; lagu qoray cabaadhyo, oo la moodo midhihii macaleesh, sareen dhillin, heed la feedagay, oo aad indhaha la raacraacayso.

Waxaase ugu badnaa oo goobta joogey, kurar intay garbahooda dhan daaheen, indho jacayl ku oo soo eegaya.

Kurarkani here ahaayee mooyee , calaf doon ahaayee mooyi, dhoof doon ahaayee mooyi, tahriib doon ahaaye mooyi, qurba joogi u carrab laaladisaa mooyi, Jacaylkoodii tahriib ku maqana mooyi. Garan maaya aniguye, laakiin waxaad moode, in ay badankoodu ku luuqaynayeen: “ Haddba walalacdaadii la ii soo widhwidhiyoo, wehelkaygiiyoo I waadaalisee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee.”

Isku soo wada duuboo, wax kale kuma garatidey, xuural cayntii Aakhiro, ayaad moodaa, in ay meesh iskugu timid. Gabadh madoobi waa dhif iyo nadir. Mar baan is moodey in jannaddii ugub ee Cabdi Adan Qays sheegaayey, anoon jirab u soo marin, sahal la i dhex jooje.

Been idin ku haasaawin maayee, anigu waan ku daaley jeedaal, Isha qoodheeda ayaan ka qooraansiyey, haddaan denbiga iska dhawro.

Waxaan weydiiyey, mid ka mid ah kooxdan, bahada wada tashiga halka ay degan yihiin.

Waxaa la iigu jawaabey: “Adeero, go straight, turn left, then right, you cann’t miss them”, shaw innantan aan la hadlay waa ree London.

Waxaan ku hakaday markay salaan gacanta ii taageen, carmaliyo jaawi shidanayaa iyo uunsi. Cusbur iyo casar leged dhabanada ku duugey, murduuf qaadana dhilanaaya, oo haddana cibaadeysanaya. Oo sheekha baqamaala caamada ee TV-yada kiraystay, sadaq u dhiibaaya si uu hawada duco ugu soo mariyo, oo carruurtooda xabsiyada Ingriiska ku jirta uga soo saaro.

Markaan arkay waxaan ku idhi: “Waa la idin salaamay.” Degdeg waxay igu jawaabeen: “Lagaa qaad”. Way garteen in aan haasaawihii dadkii hore hayo, oo way ku farxeen. Is afgaranay. Awrkaa iga diidey mooyaane, mar baan damcay in aan iskala dego oo aan madasha wada tashiga ka gaabsado.

Waan idiinka sheekayn doonaaye midbaaba igu tidhi, aan is baananee buul ma leeday. Sidii sharciyada dalkan Ingriiska wax looga bedeleyba “Single mothers”, hawl weyn ayaa ku soo korodhay. Faafaahinta kooxdan dib ayaan idiin ka sheekayne, sabir yeesha.

Cagtii xigtey, misooliye waa madashii mafrashyada, oo aad yaabayso guuxooda iyo sarwaxankooda, haddana kala shakisan oo waxaan dantooda ahayn, ku xiiqay oo ka doodaaya. Shaw annaa hurdaye baryahaaba, buuga fool ka fool, ayay ka dhex botorinayeen.

Kuwaasina sheekooyinkoodii ugu xiisaha badanaa, ee na dhex maray, hadhoo ayaan idiin balbalaadhin, sabir yeesha.

La soco qaybaha danbe