CANBAARAYN KULUL
IYO TACSI

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, Maxamed Cali Muse , ka dhaman hawl wadeenada shabakadda wararka ee  Long Live Somaliland ,waxaan tacsi u diraynaa dhamman umadda Somaliland meel walba ooy Jogaanba , gaar ahaan waxaan  tacsiyadaynaynaa dhamaan dadkii eheladoodii ku geeriyooden kuna dhawacmeen falalkii arga gaxisonimada , cadaawadda , nacaybka iyo axmaqnimada ahaa, ee loo geystay shacbigayaga iyo dalkayaga Soomaliland.


Ilaahay waxaan weydiisnaynaa In Intii geeriyootayna Ilaahay naxaristii janno fardawsa ka waraabiyo , Intaa dhaawaca la jiiftana in Ilaahay caafimaad deg dega u soo celiyo.


Shacbiga Somaliland :

Walaalyaal waad aragtaan sida habeen iyo maalin cadawgeenu gudaha iyo ka dibaduba, aay ugu hawlan yihiin sidii jirtaan keenna , himiladena,   sharafteenna, nabadenna,dadkeenna iyo dalkeennaba loo baabiin lahaa.
 

Waxaa Innagu wajib ah In aynu gacmaha Is wada qabsanno ,oo wixii Inna midaynaya ka wada shaqeynno,wixii Inna kala qaybinayana meel uga soo wada jeed sanno,nabaddana kala shaqaynno ciidanka nabad sugidda Somaliland ee habeen iyo maalin u taagan difaaca waddanka.
 

Waxaa kale oo walaalayaal waajib Innagu ah, In aynu dhallaanka,  hooyooyinka ,waayeelka iyo maatida qaxootiga ku jooga dalkeenna aan daryeello oon wax dhibaato ah aan loo geysan. Ilaahay baana naxariistiisa inoo fidinaya markaan dhexdeenna Isku naxariisanno.



Cadawga Somaliland :


Somaliland dalkeeda , shacbigeeda , nabdeeda , geedi socodka habka dimuqraadiga ay ku talaabsatay , karaa madeeda , sharafteeda, Jiri taankeeda , gooni Isu taageeda, horumar keeda iyo aqoonsigeedaba marnaba ma  hor joogsan kartaan , haddaad fool xumo walba ku kacdaan .

Waxaanan idin xasuusinaynaa , in casharkii lama Ilaawaanka ahaa ee SNM idiin dhigtay, ay idiin xigi doonto dhir baaxo aydaan ka soo waaqsan , oo niyad jab, burbur hor leh  iyo halaag idinku reebta .

 




Wa Bilaahi Tawfiiq

Maxamed Cali Muse
Tafatiraha Guud
www.longlivesomaliland.com