Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Soo Afjaray Khilaafkii ka dhex aloosnaa Masuuliyiinta Degmada Togwajaale:-
 

Wajaale (Timacade News) - Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw cabdi (Xabiib) ayaa ku guulaystay inuu soo Afjaro khilaaf mudo Soo jiitamay oo ka dhex aloosnaa Masuuliyiinta Degmada Wajaale oo ay Hormood ka ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Wajaale Maxamuud Wayne iyo Xog-hayaha Fulinta  Cab di Abiib Warsame, khilaafkaasi oo Gaadhay xataa heer shaqaalaha dawlada  ho ose uu Saamayn wayn ku yeesho iyaga oo isku maandhaafsanaa Badalaada  W akiilada Cashuurta ee Degmada Wajaale iyo Arimo kale oo la xidhiidha dhinaca Maamulka Shaqaalaha.

Badhasaabka Gabiley oo kormeer shaqo ku soo gaadhay Galabta Degmada  Wa jaale ayaa Timacade news u Xaqiijiyay in la soo Afjaray Khilaafkii soo kala dhex galay maamulka iyo Shaqaalaha Dawlada hoose ee Degmada wajaale kaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid ku kooban shaqaalaha balse aan sidaa usii  wa ynayn.

Mr.Xabiib waxa uu sheegay inaanu mar danbe soo noqon doonin khilaaf noocan oo kale ah,waxaa kale oo xusay in umada si habsi ah loogu Adeegi doono iyada oo laga Faa,iidaysanayo khayraadka Ganacsiga ee ilaahay ku manaystay  Degm ada Wajaale.

Maxamed Axmed Aw Cabdi waxa uu usoo jeediyay Dadwaynaha ku Dhaqan  De gmada Wajaale inay Nabad galyada ilaaliyaan oo ay isku dayaan inay kor  u  qa adaan Wax qabadka dagmada Wajaale.

Badhasaabka oo Warbixin kooban Soo gaadhsiiyay Shabakada wararka ee  Timacade News ayaa waxa Baaq u soo jeediyay Hayadaha Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ah ee ka Shaqeeya Arimaha Bulshada in wajaale ay u baahan tahay in wax laga qabto dhinaca Adeegyada Bulshada sida Caafimaadka, Nada afada Biyaha ,iyo Wacyi galinta cudurada faafa sida Cudurka Dilaaga ah ( H.I.V Aids) iyo in dadka danyarta ah loo abuuro ilo dhaqaale (income Generation).

Ugu danbayntii waxaa uu Badhasaabka Gabiley mahadnaq Balaadhan usoo  jee diyay Ganacsatada Degmada Togwajaale sidii Sharafta iyo Wadaniyada lahayd ee ay uga qayb qaateen Qaadhaankii Jaamacada Gabiley (Timacadde  University).



Khilaafka masuuliyiinta Degmada wajaale ayaa ahaa mid mudo dheer soo  jiita may tan iyo intii uu xilka la wareegay Gudoomiyaha Degmada Wajaale  Mr.Maxa muud Wayne, kaasi oo hore loogu soo Afjaray Bishii October balse dib u soo  la ba kacleeyay mudooyinkan danbe khalkhal badana ku abuuray Dadwaynaha ku dhaqan Degmada wajaale.



Khilaafka Xog-yaha iyo Gudoomiyaha wajaale ayaa la xidhiidha Isfahan la,aan dhinaca maamulka iyo Habsami usocodka Hawlmaalmeedka Dawlada hoose ee degmada Wajaale, iyada oo dadka qaar ku eedaynayaan Maamulka Wajaale in khilaafkoodu salka ku hayo Qaabka loo maamulayo Cashuuraha iyo Wakiilada Masuulka ahaa oo muran badani ka taagnaa maalmihii ugu danbeeyay.



Si kastaba ha ahaatee waxaa dadwayanaha reer Wajaale Guul wayn u ah in ay ka nastaan Murankii iyo khilaafkii mudooyinkan danbe hadheeyay Maamulka iyo Masuuliyiinta Degmada wajaale kaasi oo maanta si Rasmi ah uu ugu Guulaystay Maamulka Gobolku in Xal waara ka gaadho.


 




C/risaaq Muxumed Aw Daahir (C/risaaq Dhago)
Timacade News Reporter
Wajaale/Somaliland
Timacadenews@hotmail.com