Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Boqosho Shaqo Ku Yimid Dalka Sweden

 

 
Badhasaabka Gobolka Gabiley Mudane Mohamed ahmed Xabiib, ayaa maalintii Isniinta ee Toddobaadkan ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee Stockhom, Sweden.

Waxa Badhasaabka ku soo dhaweeyay Madaarka madax ay ka mid yihiin Wakillka Somaliland u fadhiya dalka Sweden mudane Eidarus Sh Adan, Gudoomiya dalada guud ee jaaliyadaha Somaliland mudane Zakarie Hassan Waes , xubin ka socota ururka bada cas Mudane Abdirahmaan Jama Ismail ”Jamaal” gudida qaban qaabada soo dhaweynta mudane Said Abdillahi iyo Mohamed Abdilaahi iyo dadweyne kaleba.

Badhasaabku waxuu ka mahad naqay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Sweden, intaa kadib waxa madaxdii halkaa joogtay iyo dhamaan shacbiwaynaha ku dhaqan dalka Sweden u soo gudbiyey salaan iyo hambalyo uu uga siday Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Mudane Mohamed Habiib waxuu si kooban uga waramay xaallada guud ee dalku maryo iyo ujeedada safarkiisan oo uu ku soo koobay, la tashi qurba jooga iyo sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta iyo wax u qabadka Gobolka curdinka ah ee Gabilay iyo guud ahaanba dalka. badhasaabku marka ay hawsha uu socda u dhamaato, waxa uu boqon doona waddamo kale.

Mudane mohamed Habiib waxa uu qorshaysan in uu kulamo la yeesho jaaliyadaha dalka Sweden, si uu ugu soo bandhigo ujeedada safarkiisan iyo arrimo kale oo muhiiima, taas oo madaxda goobta joogtay idiin soo gudbindoonaan waqtiga iyo goobaha lagu kulmi doono.

 

 


Source: Tvsle.net