Badhasaabka Gobolka Gabilay Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Norway

 


Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo Badhasaabka Gobolka Gabilay Mudane Maxamed Axmed Cabdi “Xabiib”, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Oslo ee Dalka Norway.

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 5.10.2008 ka dhacay Hoolka weyn ee shirarka huteelka Anker Huteel oo ku yaal badhtamaha caasimada Norway ee Oslo, kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhammaan Jaaliyadda reer Norway ee Somaliland iyo wefdi balaadhan oo ka soo kicitimay dalka Sweden iyo wefdiga uu hogaaminayay Badhasaabka Gabiley Md Maxamed Axmed Cabdi ''Xabiib.

Dadweynihii halkaas isugu yimid waxaa ka muuqday shucuurtooda dareen farxad leh, sababta oo ah waa markii u horreysay ee abid booqasho ku yimaado Norway badhasaab ka socda Gabiley.

Haddaba muhiimadda booqashada badhasaabka iyo wefdiga la socda oo ahayd sidii uu bulshada reer Somaliland ugu soo bandhigi lahaa qorshaha iyo baahida ka jirta gobolka cusub ee Gabiley.

Badhasaabka Gobolka iyo xubnihii la socday waxay ku nuuxnuuxsadeen in lagama maarmaan tahay in qurba jooga Somaliland kaalin muhiim ah ka qaataan hawlaha lagu hormarinayo guud ahaan dalka JSL gaar ahaana gobolka curdinka ee Gabiley, hadday noqoto dhinaca waxbarasha, caafimaadka, waxsoosaarka iyo beeraha.

Dhammaan badhasabka iyo xubnihii wefigu waxay ku dheeraadeen baahida loo qabo sidii ay arday ka soo baxda dugsiyada sare sanadkiiba oo ah 1200 oo arday sidii loo dabooli lahaa baahidooda si ay u sii wataan waxbarashadooda iyaga oo jooga gobolka, sababta oo ah 240 arday oo ka mid ah 1200 arday ayaa ka hela jaamicad meel ka baxsan Gobolka taasoo kaliftay in 240 qoys sanadkiiba ka guuraan gobolka.

Sidaas darteed maamulka gobolka iyo waxgaradkiisiiba waxay ku dhaqaaqeen in dugsigii Tima-cadde laga dhigo Jaamicad (Gabiley University) lana furo dhammaadka bisha Nofember ee sanadkan.

Haddaba si loo fuliyo loona dhaqaajiyo hawshan waxay wefdigu u qoondeeyeen kana codsadeen 50 000 US $ ( konton kun oo doolar) in reer Norway ugu tabarucaan Jaamacadda Gabiley. Waana markii u horreysay ee codsi ama baaq taakulayn ahi dhinaca gabiley uga yimaado Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan carrigan Norway.

Waxaan Eebbe ka tuugayaa inuu arrintaas inoo fududeeyo. AAMIIN.

Allaa Mahad leh,
Wa billaahi Tawfiiq.
 

 

 


Eng. Ahmed Abdullahi Obsiye
ahmed-ob@online.no
Oslo, Norway