Waxaynu ka warqabnaa in jaamacada badani ka hana qaadeen, guud ahaan, intabadan ee gobolada jam huuriyada Somaliland intii dalka lagu jiray, kuwaasi oo hirgalintooda ay si wada jir ah ay iskaga kaashade en Dawlada Jamhuriyada Somaliland iyo Jaaliyadaha ka soo jeeda deegaamada ay ka hawl galaan jaama cadahani .Tusaale ahaan, jaamacada Camuud oo ahayd jaamacadii ugu horaysay ee laga hirgaliyey dalka sanadii 1997,waxaa aas aaskeeda si wada jir ah iskaga kaashaday aqoonyahayka iyo jaaliyada dibada e e gobolka awdal kuwiiyoo kaashanaya, gacan weyna ka helay( Allah ha u naxariistee) Dawladii Marxuun Maxamed Xaaji Ibrahin Egal. Sidoo kale, Aqoonyahayka, iyo
Jaaliyada Dibada ee Gobalada Maroodi Jeex, Togdheer iyo Erigavo
kuwii yoo kaashanaya Dawlada Jamhuuriyada Somaliland ayaa iyana ku
guulaysteen inay ka hir galiyaan Jaa macado wax weyn ka taray
Baahiyaha waxbarasho ee deegaamadaas kor ku xusan . Waxaa si gaar
ah, xusid u mudan in dawladihii kala dambeeyay ee jamhuuriyadani
Somaliland ay si hagar la’aan ah muruq, maal iyo maskaxba ugu hureen
jaamacadahani kor ku xusan, kab miisaaniyad rasmi ahna ay ku
leeyihiin dawlada dhexe . Hadaba waxaa wax aad looga yax yaxo ah, sharcigana baal marsan in Badhasaabka Gobalka Saxil Maxam uud Ali Saleeban (Ramaax) , uu kulo kaco fara galin qawan Jaamacadan duruufaha intaa leeg ku gadaam an yihiin. Waxaa uu maalintii Adaxii ee 17/04/2011 , dul keenay kuliyada ciddan tiro badan oo arga gax galiyey ardaydii iyo macalimiintii , oo ku guda jira haw lahoodi waxbarasho, islamarkana shir jaraa’id ku sheegay in uu maamulkii jamacada ee marwo Fadumo Hormoodka u ahayd kala diray. Hadaba, waxaa arin mucjisa ku noqotay guud ahaanba dadka degan gobalka saxil, su’aalo badana mask axdooda kaga tagtay halka uu ka keenay awooda intaa leeg ee uu ku sheegtay in uu kala diray Boardkii Jaamacada geed iyo geed dheerba u koray hirgalinteeda, maadama oo aanu isaga iyo badhasaab ka hor eeyaytoona magacaabin. Dadka qarkood waxay is waydiinaya ‘Tolow ma waxa uu hunguri ka galay dhaq aale la sheegay in hayado reer galbeed ahi ku kaabayaan jaamacada dhawaan?’ Hadaba , su’aalahan iyo qaar kale
oo badanba waxaa dadku jawaabtooda ka sugayaan Badhasaabka Go balka
Mudane Mahamed Ali Saleebaan
(Ramaax). Guntii iyo Gababadiina waxaan
u soo jeedinaya Badhas aabka gobolka in u faraha kala baxo hawlaha
Jaamacaddan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaya wax garad ka, dhalinyada
iyo Aqoon yahanka gobalkaba inay ka hadlaan arintan. Ugu dambayntii
waxaan ugu baaq ayaa madaxweynaha iyo madaxda gobalkuba in aanay
faraha ka laban arintan ee ay sida ugu dhakhsah a badan uguna suurta
galsan uga bad baadiyaan jaamacada burburka horta leh ee uu
horseedka ka yah ay Badhasaabka Gobalku.
|