Badhasaabka Gabilay Oo Ka War-bixiyay Socdaalo Uu Dhawaan Ku Soo Maray Wadamo Yurub Ah,Iyo Qaraxyadi

 

Badhasaabka Gobolka Gabilay Maxamed Axmed Aw Cabdi [Xabiib] ayaa ka warbixiyey natiijada Sodaal uu dhawaan ku tagay wadamo Yurub ka mid ah, isla markaana ka hadlay qaraxyadii ka dhacay 29-kii October Magaalada Hargeysa, hawlaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka iyo xaaladda Gobolka Gabilay, waraysigaasina waxa uu u dhacay sedan:

S: Guddoomiye Sidee ayey dadweynaha ku dhaqan gobolka Gabilay ugu diyaar garoobeen diwaangelinta codbixiyayaasha oo dalka dhamaati ka bilaabantay?

Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Maxamed Axmed Aw Cabdi oo ka hadlayey qaraxi ka dhacay Somaliland ee ay dadka badani ku dhinteen waxa uu yidhi “Marka hore waxaan dadka reer Somaliland ka tacsiyadeynayaa eheladii, qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday masiibadii ka dhacday dalkan Somaliland, gaar ahaan Caasimada, arrinkaasi waxa uu ahaa mid loogu talagalay in lagu mijaxaabiyo Dalkan Somaliland oo qaranimadeena aynu maanta ku taamayno oo inagoo maanta ku abtirsana dalka ugu nabada fiican Geeska Africa,”

“Markaa waxaan leeyahay dadweynaha reer Somaliland aynu taxadirno oo digiin ha inoo ahaato oo maanta qasrigeeni Ilaahay inoo badbaadiyey inay arrintaasi digniin inoo noqoto oo aynaan yar iyo weynba aynaan moral jabin oo aynu gacmaha is-qabsano, oo ciidamada amaanku waxba maqaban karto. Markaa waxaan Shacbiga reer Somaliland u soo jeedinayaa yar iyo weynba inuu qofba halkiisa ka noqdaa askari nabadgelyada ilaaliya.”Ayuu yidhi Maxamed Axmed Aw Cabdi

Mr. Xabiibi waxa uu sheegay inay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa ay ka danbeeyeen ururka Al-shabaab, waxaanu yidhi “Markaa waad ogaydeen in Chanel-ka Al-jasiira laga soo saaray oo inay qirteen dad argagixiso ah oo ah Al-shabaab ah inay ka danbeeyeen, markaa waa inaynu yar iyo weyba waa inaynu difaacnaa oo aynu ilaalinaa.

Gudoomiyaha Gobolka Gabilay waxa uu ugu baaqay Shacbiweynaha reer Gabilay inay isdiwaangelyaan , waxaanu yidhi “Waxa lagu jiraa diwaangelintii oo ka soo dhamaatay laba gobol, annagu ka gobolka ahaan [Gabilay] ka sadexaad ee ku-xiga ayaanu nahay Inshaa Allaahu tacaala waxaan rajeynaynaa wiigan maahee wiiga kale ee bilaabmaya inay dabayaaqadiisa diwaan-gelintu inoo bilaabmi doonto ayaan rajeynayaa, markaa dadweynaha Gabilay ku nool waxa n u soo jeedinaynaa in si weyn looga qeyb-qaato, taasi waa takaliya ee maanta aqoonsigeena sugeysa ee jinsiyadeena sugeysa ee lagu kala saari karo dadka wax ina yeelaya iyo dadka reer Somaliland, markaa waxaan leeyahay waa in si balaadhan looga qeybqaato oo sidii hore ka badan , waxaan rajeynayaa inay shacbiga reer Gabilay inay badnidii muujiyaan.”

Wareysiga oo sii socdaana waxa uu yidhi “Markaa waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha reer Gabilay inaanay dalkooda ajaanib ku noqon oo ay diwaangelinta si fiican uga qeybgalaan.”

Mar u Shacbiga reer Gabilay Si khaasa ula hadlayey waxa uu ku boooriyey oo uu yidhi “Waxa igu maqaalo ah inay doorashooyinkii hore dadka qaar iska qayili jireen xiliga ay socoto oo la seexan jiray oo ay dumarka iyo caruurtu ay ka soo qeybgali jireen. Gobolka Gabilay ha ka mid ahaa gobolada Cusub awalba waxa la odhan jiray lixda Gobol iyo Gabilay, markaa annagu waxaanu doonaynaa inaan Goboladii hore la tar-tano.”

“70 goobood ayaa laga diwaangelinayaa, Gobolkuna waxa uu imika ka kooban yahay sadex degmo, gabilay oo Xarunta ah Wajaale iyo Aley-baday, tuulooyinkuna waa 31 tuulo, oo aanay ku niyad jabin waxyaabaha dhacay oo aan dar-dargelin ah.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolaasi Gabilay.

Mr. Xabiib oo ka hadlayey carqabadihii ka horyimi markii diwaangelintu ka bilaabantay Gobolada Saaxil iyo Awdal, waxa uu yidhi “Marwalba carqabadii ka Dhacday Saaxil way ka duwanaanaysaa tii ka dhacday Awdal, waayo aragnimo ayaanu ka qaadanaynaa wixii goboboladaa hore ka soo dhacay oo waanu saxaynaa, waxaana dhacday kuyuuyadii dadku iska diwaangelinayey inay ciyaal ku buuqeen, taas oo kale waxaan kaga digtoonaanaynaa oo anagu waxaan diyaarinaynaa in goobkasta iyo sideeda qof ee wax diwaangelinaya aanu ku kabno cuqaal.”

Sidoo kale mar uu ka jawaabayey Gudoomiyuhu Su’aal ahayd, Socdaal uu dhawaan ku tagay qaar ka mid aha wadamada Yusub, waxa uu yidhi “Wadan ayaan soo maray Sweden, Norwey iyo Ingiriiska waxaan ku baraarujinayay dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaana dadweynaha Gabilay, gobolkan oo ah mid cusub loo soo jeesto cidii wax ka qabanayasa, hawsha ugu badan ee aan sii taabanayey waxay ahayd Jaamacadabaa dhawaan Madaxweynaha Somaliland digreeto ku soo saaray sidaa daraadeed waxaan u raadinayey dhaqaalo ay ku dhaqaaqdo, taasna wax ayaa iiga soo qabsoomay”.

 



Hadhwanaagnews