Baasaaboorka Somaliland oo laga dhigayo elaktaroonik adduunka meel
walba laga heli karo
Baasaaboorka Somaliland, ayaa xukuumaddu sheegtay inay ka dhigayso
Electronic, si meel kasta oo.....
Hargeysa (TNN) – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaa qorshaysay inay wax ka bedasho baasaaboorka Somaliland
isla-markaana ay casriyeyso si muwaadiniinta iyo dadka kale
addeegsadaaba uu ugu fududaado.
Baasaaboorka Somaliland, ayaa xukuumaddu sheegtay inay ka dhigayso
Electronic, si meel kasta oo adduunka ah looga heli karo
isla-markaana qofka u baahda in la siiyo uu ka qaadan karo
safaaradaha Somaliland ee dalka dibadiisa ku yaala, si ay meesha uga
baxdo caqabadii ahayd in Hargeysa oo kaliya laga qaadan karo.
Hanaanka xukuumaddu sheegtay inay u casriyeynayso Baasaaboorka ayaa
ah in qofku macluumaadkiisa ka soo diri karo dalka dibadiisa, iyadda
oo marka macluumaadkiisa la helo ay si fudud hay’addaha socdaalku
isagoo samaysan ay qofka ugu diri karaan eemayl.
Sidaasi waxa sheegay Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis
Maxamed Samaale oo shalay khudbad u jeediyey Mudanayasha Golaha
Wakiilada oo uu horgeeyay odoroska Miisaaniyada 2013-ka.
Wasiir Samaale, waxa uu sheegay inay qorsheeyeen inay baasaaboorka
Somaliland ka dhigaan E-pasport isla-markaana Miisaaniyada ugu
dareen kharashkii lagu casriyeyn lahaa “Waxaanu samayn doonaa haddii
ILAAHAY noo suurto-galiyo Somaliland E-pasport oo aanu u arkayno
inuu muhiim u yahay safarka Madaxdeena iyo dhammaanba umaddeena oo
aanu isagan miisaaniyada wax ka galinay”ayuu yidhi
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|