Baarqabyada sedex xusbi qaran waxaa dhaama Koran bohon ah oo bilista xaawaley, maatida iyo dimuqraadiyada u hogaansan

 

 

           

 

Furashada ururo cusub iyo in dib loogu tartamo habkii lagu noqon lahaa xusbi qaran dad badan ayaa aami nsan oo doonayaa meel kale oo ay uga diga rogtaan sedexda xusbi ee baarqabyadu kala yeesheen. Si loo baraq jabiyo nin kastoo is afuufa, oo gudihii xusbigiis ka takooray doorasha xor ah oo xalaal ah  iy o in uu ku dhaqmo distoorkii xusbigiisa, barnaamij xusbiyeedkii iyo hanaankii geedi socodka  dimoqraadi yada, waa in ogolaashaha ururada la soo dedejiyaa.


Qaar kale ayaa aaminsan in furasho ururo cusub iyo in dib loo tartamaa ay tahay waajib distooriya oo aan sina looga gudbi Karin. Waxay aaminsan yihiin haddii Axdi qarameedka badh la daadufeeyo badhna lagu d haqmo waa alla ka koodnimo. Waxay aaminsan yihiin in la fuliyo distoorkii shacbigu u codeeyey ee ansaxiy ey wuxuu inna farayo, haddii kale qodobkaa la bedelo oo markale loo codeeyo ka lagu bedelayo.


Koox kale oo aan labadaa kor ku xusan midna ahayni, waxay ku doodayaan Xusbiga Kulmiye markii uu x il doonka ahaa wuxuu ballan qaaday in ay lagama maarmaantahay furashada ururo iyaga laftooda la  tarta maa oo xiitaa kala wareega xusbi qaranimada ay markii hore ku guuleysteen. Waxyaabihii loogu codeeyey taas ayaa kow ka ahayd, sidaa daraadeed waa in uu fuliyaa axdigii uu shacbiga la galay.


Sedexda kooxoodba waa gartood oo waa xaq in tartanka loo furaa ururada, si looga badbaado  aafooyink a ka dhallan karan baarqabyada isbidaya in ay keligood xusbiga ka taliyaa, qaranka ka taliyaan ee curyaa minaya geeddi socodka dimoqraadiyada.


Waxaa soo dhan ka sakow, Sedexda xusbi qaran Kulmiye, UCID iyo UDUB waxba aragtiya siyaasadeed o o kala duwan ma laha. Magacyada hogaamiyayaashooda ayuunbaa kala duwan. Xusbiyadan waxaa ku  baho obey kooxo gaar ah iyo ma tabcadayaasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin bulshada Qarba-joogta, maalqabe enka, bulshooyinka magaalooyinka iyo Aabbaanada shirkadaha shisheeyaha iyo hay’adaha sama falka. W axaa hogaamiyayaal ka ah qurba-joog. Waxaa maalgeliya faraqa haweenka qurba-joogta oo h addana xa ga saami qaybsiga raggu ka badsado.


Baahida ururo loo qabaa ma yar. Meesha waxaa ka maqan ciddii matali lahayd danaha bulshada inteedii k ale. Bulshada Raacatada iyo beeraleydu cid u dooda golaha wakiilada kuma laha. Waa tabcadayaashii wax soo saarka ku foognaa. Waxaa dulman oo ururo u baahan mawaadiniinta dhabta ee danyarta ah ee  maga alooyinka ku nool. Waxaa loo baahan yahay xusbiyo garaadka u hiiliya oo aabahay goblanta ka kora.


Haddii tartan la ogolaado, waxaa hubaal ah in aan cidina cubudhin oo qori miciin moodin sida garabka Buu hoodle. Waxaa hubaal in baarqayada sedexda xusbi qaran cod lagu soo hogaan bari lahaa oo laga door b idi lahaa Koran bohon ah oo caano iyo biyo ma daadsha ah.


 

 

 

   Haamud Duale