Baarlamaankii loo
hanweynaa ma hungaa
laga joogaa?

Marka
aad maqasho Qaran ama dal leh nidaam iyo kala danbayn waxa sal
u ah Baarlamaankooda. Haddii aad aragto dal aan lahayn kala
danba yn ama u xidhan qof ama koox waa dal aan lahayn baar
lamaan. Qaranku waxa uu ka dhismaa hadba sida
uu Baarlamaank oodu u leeyahay awoo d. Lagama
werwero nabadgelyada oo waxa lagu seexdaa laguna soo too saa
in dalka ama Qarankaasi leeyahay Gole, dhexdiisa lagu doodo oo la
raaco dhinaca loo badanyahay.
Dalalka aan lahayn Baarlamaan
awood leh waxa looga baqaa in uu burbu ro dalkaasi. Sagaalkii
sannadood ee ugu horreysay ee ay dhi snayd Jam
huuriyaddii Soomaaliyeed, waxa jiray Baarlamaan. Inkasta oo uu ahaa
mi d qaab aan wanaagsanayn u shaqaynayey, hadana waxa uu itaalka
ahaa baarlamaan laga danbeeyo oo go'aa nkiisu socdo.
Markii ay Milleterigu la wareegeen awooddii dalka waxa la
baabi' iyey B aarlamaankii. "Baga, oo baga, bagaa
Baarlamaankii baguu gaha looga d higay bagaaaaa!", waxa
ay ka mid ahayd heesihii xill igaa la qaadi jiray. Dadka
badankoodu waxa ay naceen baarlam aanka iyo xubnihii kuraasta
ku fadhiyey. Waxaase aan la ogayn haddii uu Baarlamaanku meesha ka
baxo xaaladda la geli karo.
Maanta se waynu ognahay xaaladdii
la galay. Awooddii ku soo uru rtay qof keliya ama koox keliya,
ee la waayey dhan looga baxo. Qo fkastaba roobku meel buu ku
qabsaday. Baarlamaan la'aani waa Q aran la'aan. Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed waxa Qaranimo ugu dan baysay 1969kii. Sannadihii
ka danbeeyey ma ay ahayn qaran, ee waxa ay ahayd Jamhuu riyad
uu hoggaamiyo qof keliyi oo aan laga daba hadli karin. Dalal badan
oo ay ka mid tahay Masar, Itoobiya, Sacuudiga, Jabuuti, Imaaraadka
iyo qaarkaloo badan ayaan ahayn Qaran luga ku taagan. Sababtuna waxa
weeye Baarlamaan awood leh baan jirin.
Aan isweydiinnee ma leedahay Somaliland Baarlamaan? Haa way
leedah ay, sidaasaa qofkastaaba ku warcelin lahaa. Laakiin awood ma
leeyahay? MMMM Maya. Maxaa awooddii ka qaaday? Waxa ka qaaday dadka
oo aan ku baraarugsanayn khatarta ay leedahay Baarlamaan la'aantu.
Dib u jalleec imisa go'aan bay golaha wakiil adu soo sareen oo
aanay xukuum addu dheg-jalaq u siin? lama soo koobi karo.
Igama aha in aan tilmaamayo keliya madaxweynaha Daahir Rayaale ayaa
qalad ku socda. Ee waxa la leexiyey ama la qalday waa nidaam dhan oo
qofkasta dan u ah, haddii ay xukuum adda tahay iyo haddii ay
mucaaradka tahayba. Waxa la afduubay nidaamkii dalku ku gaadhi lahaa
horumarka, kaladanba ynta iwm. Waxa ilkaha laga saaray
Baarlamaankii oo go'aamadoodii ciddii fulin lahayd ay daaqadda ka
tuurtay.
Maanta dalka Somaliland ma laha Baarlamaan. Haddii uu jiro
baarla maan awood leh doorasho la'aan dalku muu ahaadeen laba
sann adood oo dh an. Weliba maantana ma soo cadcadda in
doorasho d h acayso, oo Serverka ayaa la wada eegayaa.
Baarlamaanku waxa uu awood u yeelan lahaa in uu dhiso xukuumad ka
saarta dalka Do orashada. Golaha guurti da waxa aan u
arkaa waa gole muhiim ah, waana golaha kala badbaadiya dalku marka
uu galo muran siyaa sadeed oo jiq ah oo loo baahnaa in goor
horeba Golaha, WAKIILAD U, wax ka qabto. Nasiib darro ma jiro gole
Baarlamaan oo awoodd aas leh. Xubnaha Baarlamaanku waa
awooddii dadka. Waxa ay ku yimaaddeen doorasho sida loo soo doortay
madaxwe ynaha ayaa loo soo doortay. Waxa ay u dhigmaan 84 madaxweyne
oo la raaci lahaa go'aankooda dhanka ay u bataan. Maanta taasi ma
jirto, mana soo muuqato.
Marka sidaasi dhacdo ee ilkaha laga guro Baarlamaan dal uu
leey ahay, waxa kaca dadka oo muujiya rabitaankooda. Taasina mid
dh acaysa maaha, oo nabadgelyada ayaa la dhawrayaa. Qofkii muu
jiya dareen kiisana waa la xidhaa, waayo nabadgelyada ayuu
dhaa wacayaa. Sidaas darteed ayaanuu u jirin Baarlamaan. Mana
muuq ato qaabkii uu Golaha wakiiladu ku soo ceshan lahaa
sharaf tiisii iyo awooddiisii ay dadku siiyeen. Waxaase ka muuqata
in ay sidaa ku qanacsan yihiin oo ay mushaharkooda u xaadiraan.
Intii aan la soo dooran baarlamaanka waxa la odhan jiray marka aynu
helno Baarlamaan la soo doortay baynu ka bixidoonnaa baarl
amaan xumaantan. Balse xaqiiqadii waxa ay noqotay in Golihii
wakiilada ee hore ---uu ka firfircoonnaa ka maanta jooga oo noqday
gole fadh iid ah. Malaa waxa habboonayd in xubnaha Goalaha
Wakiiladu dham maantood is casilaan.
Waxa Qaran la helaa marka uu Baarlamaanku yeesho awoodda go'aamada.
Nabaadiino
Sayid Maxamed
Yuusuf
Sweden |
|