Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf ku celiyay go’aan uu gaaray

 


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa KMG ah ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu dib ugu soo celiyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf go’aan uu Baarlamaanka horay u gaaray, kaasi oo ahaa in aan dib loo soo celin Wasiirro iska casilay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo Mudanayaasha Baarlamaanka u jeedinayay go’aan ay soo gaareen Sharciyaqaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka uu madaxweynaha ku celiyay go’aan uu Baarlamaanka gaaray oo uu Madaxweynaha ka soo horjeestay.

“Madaxweynaha waxaa rajeyneynaa in uu aqbali doono go’aanka uu Baarlamaanka gaaray, uuna waajibaadkiisa u gudan doono si dastuuri ah”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo horaantii bishan shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu uga soo horjeestay go’aan uu Baarlamaanka gaaray, kaasi oo ahaa in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin Wasiirro is-casilay, wuxuuna sheegay in uu go’aankaas ahaa mid aan waafaqsaneyn Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Haddii Baarlamaanka go’aan gaaro oo aan ku celiyo ileen xaq ayaan u leeyahaye ee uu hadana Baarlamaanka soo celiyo Dowladda ayaa burbureysa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Mudanayaasha uga digay in ay Dalka u horseedaan fowdo iyo qalalaase hor leh.

G’aanka uu maanta gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la eegayaa jawaabta uu ka bixiyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka uu u fasaxayo in uu aqbalo go’aanka Baarlamaanka ama uu ka soo horjeesto.

 

 


Source:Hiiraan