Baarlamaanka
Ingiriiska oo Dood Xaasaasi ah ka Yeeshay Dhibaatooyinka Soomaaliya
iyo Aqoonsiga Somaliland
“Ma aaminsani in aqoonsiga
dawladda Ingiriisku siiso Somaliland ay xal u noqon karto
madaxbannaanideeda iyo jiritaankeedaba, laakiin waa arrin xalkeedu u
yaal Afrika”
Lord Malloch-Brown
“Budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Somaliya waxay leeyihiin
halisteeda,waana in la iska kaashado si loola tacaalo”
Lord Howell
“Xalku wuxuu ku jiraa Ingiriiska oo aqoonsada Somaliland, meeshana
aan laga saarin”
Lord Steel
Baarlamaanka
Boqortooyada Britain, ayaa shalay yeeshay dood aad u ku lul oo lagu
lafoguray dhibaatooyinka baahsan ee ka jira Soomaaliya iyo
qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Dooddan oo Aqalka Odayaasha ee loo yaqaan House of Lords ee
Ingiriisku ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ka yeesheen,
ayaa sida lagu baahiyey bogga wararka ee baarlamaanka Britain ku
leeyahay Internetka waxa mudanaayaasha ka qaybqaatay aad u
lafogureen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo sida loogu baahan
yahay in dawladda Britain aqoonsi buuxa u fidiso Somaliland, halka
xildhibaanno kalena arrinta aqoonsiga iskaga soo riixeen dhinaca
Midowga Afrika.
Lord Steel oo ka soo jeeda degmada Aikwood ee dalka Ingiriiska oo
dooddaas ka qaybqaatay, ayaa miiska soo dhigay in marka la eego
xasillooni-darrada iyo dawlad la’aanta muddada dheer ka jirtay
Soomaaliya uu xalka keliya ee meesha yaallaa yahay dawladda
Ingiriiska oo si rasmi ah u aqoonsata Somaliland.
“Mudanayaal, marka la eego dawlad la’aanta muddada dheer ka jirta
Soomaaliya miyaanu kiiska iminka meesha yaal ahayn in dib looga
fikiro guud ahaanba su’aasha meesha taal ee aqoonsiga Somaliland oo
ahaa maxmiyad ka tirsanaa Ingiriiska, xalkuna wuxuu ku jiraa
Ingiriiska oo aqoonsada Somaliland, meeshana aan laga saarin,” ayuu
yidhi Lord Howell.
Wasiirka Ingiriiska u aqaabilsan Arrimaha Dibadda iyo
Barwaaqo-sooranka Mr. Lord Malloch-Brown, kana tirsan aqalka
odayaasha oo isna dooddaas ka qaybgalay ayaa yidhi; “Mudanayaal,
waxaad ka warqabtaan in shirkii Jabuuti lagu ballaadhiyey
baarlamaankii Soomaaliya, laguna doortay madaxweyne cusub, xalka
mushkiladda taaganna wuxuu ku jira iyada oo la dhiso dawlad
sal-ballaadhan oo wax ka qabata dhibaatooyinka bani’aadnimo ee
haysta shacabka Soomaaliyeed, markaa inkasta oo dawlada Sheekh
Shariif ay waqtigan la tacaalayso dagaallada ay ku hayaan kooxaha
kacdoonka wada ee hubaysan, waa inay haddana sii wado barnaamijka
dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dawladaha dibadaha.”
Wasiirka oo ka hadlayey qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo dariiqa
loo marayo waxa uu yidhi; “Arrinta Somaliland waa mid joogto ah oo
markasta oo Soomaaliya ku sii durugto dawlad la’aanta iyo
dhibaatooyinka ina hortimaad, mudanayaasha sharafta lehna way
ogyihiin kaalinta innooga bannaan, taas oo ah in aynu taageero
buuxda siino Somaliland, laakiin waxaynu ognahay in qaddiyaddeeda
iyo madaxbannaaninada lagu xallin karo shirarka Afrika yeelato.
Marka u horreysa waa in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan,
dabadeedna loo soo gudbo Midowga Afrika oo halkaa lagaga doodo.
Ma aaminsani in aqoonsi dawladda Ingiriisku siiso Somaliland ay xal
u noqon karto madaxbannaanideeda iyo jiritaankeedaba, laakiin waa
arrin xalkeedu u yaal Afrika.”
Lord Howell oo laga soo doortay deegaanka Guildford ee waddanka
Ingiriiska, ayaa isna shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan dalka
Eratariya oo taageero siinaya Al-shabaab ay galeen Soomaaliya,
taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ta fidnada sii hurinaysa. Waxa
kaloo mudanuhu carrabka ku dhuftay budhcad-badeeda ka dillaacday
xeebaha Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeesheen isu socodkii
gaadiidka badda ee isaga kalagooshayay dacallada dunida.
“Budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Soomaaliya waxay leeyihiin
halisteeda. Waa sax in dawladda Iiraan doonayso in ay marakiib u
dirto Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay ula dagaallamaan
budhcad-badeeda, arrintaasina waxay u baahan tahay in la iska
kaashado si loola tacaalo budhcadda ka dillaacday badaha Soomaaliya,”
ayuu yidhi Lord Howell.
Waxa kale oo iyaguna dooddaas ka afkaarahooda ka dhiibtay mudanayaal
badan oo dhammaantood ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira
Soomaaliya ee ka mid yihiin budhcad-badeedda, argagixisada,
xagdudubyada bani’aadanimo ee loo gaysto bulshada rayidka ah iyo
sida loogu baahan yahay in beesha caalamku wax ka qabato, iyaga oo
xildhibaannada qaarkood miiska soo dhigay sida Soomaalida Ingiriisku
u kala tafaaraaruqsan tahay ee ay ula kala safan yihiin kooxaha ku
hirdamaya Soomaaliya, halka ay jiraan qaar kale oo ka niyad-jabsan
dhismaha dawlad Soomaaliya yeelato oo dalka xaslata.
Jamhuuriya Online
|