BAAQII KA SOO BAXAY SHIRKII
LONDON UGA SOCDAY QURBO JOOGTA BEESHA AYUUB WAYNE, MAGAALADA LONDON
EE CARIGA INGIRIISKA

London
(TNN)-Sida horeba loogu shaaciyay warbaahinta ayaa waxa shir ugasocday
magaalada London ee cariga ingilriiska qurbo joogta
Jaaliyada Beeshs Ayuub lagasoo bilaabo
26/06/2011 ilaa iyo
mido sa dex cisho ah
ayuu shirkasi ka socday magaalada London. shirkaasi oo beeshu kaga
arinsanaysay dana heeda gaarka ah haday tahay mid bulsho iyo mid
siyaasadeedba, shirkan oo aykasoo qaybgaleen dha maanba qurba joogta
beesha ayuub qaybaheeda kala duwan haday tahay siyaasiin,
aqoonyahano, dh alinyarada iyo dhamaanba waxgaradka beesha kuwaasi oo
kaga soo qaybgalay siyaabo kala duwan sida goobjoogayaal iyo
aaladaha kale ee warfidinada sida Internetka iyo khadadka
telefoonada iyaga oo kasookala hadlaayay meelo kala duwan oo dunida
dacaladeeda kamid ah sida Europe, North Ameriac Carabaha iyo
Austerelia . Shirkan oo daba socday shirarkale oo gaar gaar ahaa oo
kadhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Ayaa ujeedada shirkan ugu
wayn waxa aytahay inay beeshu isaga timaado oo ay kawada tashato
talaabada iyo go'aamada ay ka qaadi doonto qaanbka ay dawlada cusubi
ula dhaqantay beesha, kaasi oo ay kasoo sareen waxgaradka beeshu
go'aamo wax ku oola oo ay ugu horayso inay lagama maarmaan tahay
Shirwayne balaadhan oo besha ah kana dhaca dalka gudihiisa dhawaan.
Beeshu waxay saluug wayn ka muujinaysaa saami qaybsiga golaha fulinta
dawlada cusub ee uu hogaa minaayo Mudane Madaxwayne Axmed Maxamed
Maxamuud (siilnaayo) taasi oo beeshu xad gudub way n iyo deelqaaf u
aragto kamam nuucida (Band) golaha wasiirada, oo beesha laga
mamnuucay inay ka mid noqoto golahaas wasiirada. Hadaba beeshani oo
beelaha kale uga dedaal badnayd dedaalkii iyo hal gankii siyaasadeed
ee la soo maray eeuu madaxwayne Siilaanyo ku kasbaday kursiga dalka
ugu mudan, kaasi oo beeshu dhamaanba hoo iyo hiilba uhurtay sidii
Madaxwayne siilaanyo talada talka ku hanan lahaa. dhamaanbana beeshu
codkeedii 100/100 ay siisay madaxwayne siilaanyo, halka ay beela ha
ka le kukala qaybsanaayeen xusbiyadii kale ee kagarab tartamaayay
Kulmiye. Taasoo beeshu ay codkeed ii hore usiisay doorashadii tanka
horaysay. Balse markii Madaxwayne siilaanyo ku guul daraystay
door ashadaa hore ayaa dawladii markaa jirtay beesha ay ku ganaaxday
inay codkeeda siisay siilaanyo iyo xusbigii Kulmiye taasna ay
ku mutaysatay inaan haba yaraatee loo fidinin wax gargaara oo ah
dhicana adeegyaa bulshada. sida Schoolada, biyaha, nadaafada,
dayactirka wadooyinka, caafimaadka iwm.
Wakaalada biyaha ayaa ah
meesha ay siyaasiyiinta dalku ka cadaadiso beeshan oo mar walba
biyaha ka hortaagan Xaafada Xaaji Cabdi Ismaaciil (X Isha boorame)
tiiyoo xaafadu sugaysay Siilalyaa idiinku horeya biyo sacab lagu
dhuro balse ay noqotay dhado roob noqon wayday, Si kastaba ha ahaatee
be esha ayaa u dhabar adaygtay inta siilaayo uu ka qaban doono talada
dalka taasoo beeshu ay lahayd maruun baad ka cabi doontaan sasabane
marnaba may ka filanayn Madaxwaynaha hada talada hayaa ina uu ilaabi
doono halganka dheeraa ee beeshu u gashay manay sugayn ina tacabkooda
uu ka dhigi doono hal bacaad lagu lisay.
beeshu waxay cambaaraynaysaa oo ay diidantahay cadaalad xumada uu
madaxwaynuhu kula kacay beesha Ayuub, beeshu waxay u aragtaa
saamiqaybsiga golaha fulinta eelaga reebay ina laduudsiyay xaqoodii
muwaadinimo kaasoo ufasaxaya qofkasta oo muwaadin reer Somaliland ah
ina uu xaq u leyah ay kaqayb qaadasha haromrinta dalkiisa iyo dadkiisa
waxna uu dooran karo lana dooran karo. Sidaa daraadeed beeshu waxay
uturjumatay amaba aytahayba kamaqnaanshaha golaha wasiiradu ina
Mada xwayne Siilaanyo ubadheedhay ina uusicad uxaqiro aqoonyahankii
beesha kuna yidhaa hadaad tihiin beesha deegaanka Sayla malihidin
aqoonyahan siyaasi iyo saaxibal caaqil kaqayb qaanan kara dibu
dhiska dalka Jamhuuriya Somaliland taasi oo gef iyo meel kadhac ku
ah beesha iyo wax garadkee da.
Hadaba shacbiwaynaha reer Somaliland
hadiii aan dib ugu celiyo ama aynu milicsano waxaad xasuusat aan inay
kamid ahayd ololihii doorashada ee Madaxwayne Siilaanyo ina hadii uu
talada dalka qabto soo dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh oo dad
aqoon usaaxiiba ay hogaamiyaan beesha oo ka mid aha yd lafdhabarta
xusbiga kulmiye lahaydna rag aqoon iyo khibarad siyaasadba kulansay
ayaa Mawaxway na ha hada talada hayaa ugu jawabay beesha, malihidin
aqoonyahan, malihidin waxgarad ma lihidin siyaasi ma lihidin dad
xadarad abuuri kara kuwaasoo wax ka qaban kara harumarinta dalka kana
qayb qaadan kara isbadalka siyaasadeed ama kobcinta dawladnimda ee
loo baahanyahay ina Somaliland ka hana qaado, taasna maaha mid beeshu
aqbashay aqbalina doonto. Gudntii iyo gabagabadii ayaa Qurbo joogta
beesha Ayuub shirkii ay qabsatay waxay ka soo saartay go'aamadan
hoos kuxusan ooka koob an dhawr Qodob oo muhiim ah.
Markii aanu eegnay xadgudubka wayn ee beesha kaga yimid dawlada
cusub oo habayaraatee aanwaxb aba la iskaga tirin milgihii beeshu
lahayd, markii aanu aragnay sida gardarada leh ee cadaalada kafog
eeloola dhaqmay beesha oon marnaba laqadarin karaamadii ay lahayd
lagana dhigay wax ololaha doorasho lagaga gudbo hadhoowna
lagamaarmo, markii aanu falanqaynay sida madax waynuhu aanu dheg
jalaq ugu siin cabashooyinkii isdabajooga ahaa ee kasoo yeedhaayay
beesha qaybaheeda kala duwan markii aanu yaqiinsanay inaanay ahayn
gefka beesha loogaystay mid udhacay siqalada balse uu ahaa ilaa
hadana yahay mid loo badheedhay, markii aanu odorosnay waxa ay ku
jirto danta beesha iyo tan wadankeena Somalilandba inay lagama
maarmaan tahay ina aanu kasoo saarno qodobadan hoos kuxusan kuwaasoo
u dhigan sida soo socota.
1: Beeshu waxay utaagantahay inay marwalba ilaaliso Midnimada ,
Qaranimda iyo Amniga jamhuuriyada Somaliland shirkanina aanu ahayn
haba yaraatee mid lid ku ah qaranimadeena dalkeena iyo dadkeena
2: Waxay beeshu go'aan wadajira ku gaadhay inay dawlda
kucambaaraynayso gardarada iyo cadaalad xumada ay kula kacday
muwadiniinta reer Somaliland
3: Waxaa beeshu go'aansatay inay isugu timaado shirwayne balaadhan
oo beesha ah kana dhici doona dalka gudihiisa kaasoo si qoto dheer
oo balaadhan laagu lafa guri noono danta besha iyo ta qaranka
Somalilandba
4: Ina beeshu cabasho kamuujinayso inta ay kamaqantahay golaha
fulinta waxkasta oo herkaa golaha wasiirada kasokeeyaana aanu
noqonayn mid qancinkara hamiga siyaasadeen iyo rabitaanka beesha
5: Inaanay beeshu udulqaadan doonin waxkasta oo deel qaafa ama gef
iyo meelkadhaca oo kaga yimaad dawlada uuhogaaminayao Mudane
Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xukuumad kasta oo
talada dalka qabata
6: Inay beeshu dareen cadho leh ka muujinayso qaabka ama hanaanka ay
dawladu ula dhaqantay beesha marka la eego habka saami qaybsiga
golaha fulinta oo ah kan ugu heerka sareeya
8 waxaanu cambaaraynaynaa Wakaalada biyaha oobeesha kaxidhay biyihii
biyaha oo ah nolosha aadamaha
XUBNAHA UGU MUHIIMSANAA EE KA SOO QAYB GALAY SHIRKA
Mudane Cabdixakiin Camuud Axmed Chairman Ahna Afhayeenka Shirka
Xildhibaan Cabdi daahir Camuud
Xildhibaan Faysal Axmed Kabadhe
Mudane Xuseen Xaashi Muuse Gudoomiyaha Qurbo joogta UK ee ayuub
Mudane Aadan Mahad Cumar Gudoomiyaha isku xidhka qurbojoogta beesha
iyo ta Gudaha
Dr Maxamed Xaashi Faaraxa
Eng Axmed Xasan Yuusuf
Eng Xamse Maxamed Xasan
Dr Muuse Sheekh Muxumed (Denmark)
Colonel Xareed Maxamed Cumar
Mudane Faysal Cabdilaahi Muxumed ( Germenay)
Mudane Axmed Sugaal Gudoomiyaha Qurbo joogta Beesha ee USA
Mudane Aadan Cismaan Jaamac Gudoomiyaha Qurbo Joogta Beesha ee
Canada
Mudane Xasan Cali Dalaqay Afhayeenka Beesha ee wadamada Khaliijka
GUDIGA QABAN QAABADA SHIRKA
Mudane Cumar Cabdilaahi Maadeeye
Mudane Axmed Ismaaciil Xuseen
Mudane Maxamed Xuseen (Nacnac)
Mudane C/salaam Mahad Cumar
Mudane Maxamed Axmed Cabdilaahi
Mudane C/salaan Maxamed Cumar
Mudane C/fataax Xasan Axmed
Mudane Siciid Axmed Kabadhe
Mudane Maxamed Cabdi Maxamed
Mudane Maxamed Cismaan Aadan
Mudane XasanKayd Xasan Abaar
Chairman ahna Afhayeenka Shirka
Cabdixakiin Camuud Axmed
London, UK
|