Baaq Xasaasi ah oo Laga soo Saaray Gunaa nadka Shir Laamaha KULMIYE ku  YEESHEEN London

 


Shirweyne laamaha dibadda ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE uga socday magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa gebogebadiisii laga soo saaray baaq xasaasi ah oo taabanaya dhinacyo kala duwan.


Shirkan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin xisbiga KULMIYE ka tirsan oo hadda booqasho ku jooga waddanka Ingiriiska, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada, Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada xisbiga. Waxaana baaqaas oo ahaa mid aad u dheer uu u dhignaa sidan:


“Xisbiga qaranka ee KULMIYE oo shirku qabtay magaalada LONDON 24 January 2009. Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen guddida KULMIYE UK waxa ka qaybgalay madax ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Guddida KULMIYE UK, taageerayaasha xisbiga ee UK, ergooyin ka kala yimi Woqooyiga Maraykanka, bariga Afrika, qaaradda Yurub iyo Bariga Dhexe.


Ujeeddada shirku waa:


- Dardargelinta hawlaha xisbiga iyo u diyaargarawga doorashada soo socota.


- Xoojinta iyo xidhiidhka xubnaha xisbiga ee gudaha iyo dibadda iyo doorkuu qurbajooggu ka qaadan karo doorashada soo socota.


Madaxdii KULMIYE ee shirka ka hadlay waxay:


- Welwel iyo walaac ka muujiyeen siyaasadda xukuumadda Somaliland ee hadda oo loo arko inuu yahay mid ku tagrifashay awooddii qaranka, kuna tumatay sharcigii iyo distoorkii u yaallay, kuna tacadiday xuquuqdii shacbiga ee asaasiga ahayd oo aanay ixtiraamin xorriyatul-qawlka iyo saxaafadda xorta ah ee ka hirgashay Somaliland.


- Tibaaxeen in KULMIYE yahay xisbi isbeddel-doon ah, waxaanu diyaar u yahay inuu dhiso xukuumad tayo leh oo dhibkeeda iyo dheeftadaba loo siman yahay.


- KULMIYE wuxuu leeyahay siyaasad cad oo ka turjumaysa baahida bulshada. Waxaanu xisbigu wax ka qabanayaa horumarka dhaqaalaha, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, wuxuu sugi doonaa nabadgelyada qaranka. Sidoo kalena wuxu cidhibtiri doonaa musuqmaasuqa baahay ee hadda aafaayey hay’adaha qaranka.


- KULMIYE waa hormuudka dimoqraadiyadda Somaliland, waxaanu guulo kasoo hooyey doorashooyinka dalka ka dhacay. Haddana wuxuu diyaar u yahay inuu ka qayb galo doorashada soo socota, wuxuuna aaminsan yahay inuu ku guulaysanayo doorashada soo socota ee madaxweynaha


Haddaba, shirka oo si fiican loo soo agaasimay ayna ka hadleen madaxda xisbiga ee gudaha iyo dibadduba waxaa gebagebadii shirkaas ka soo baxay warmurtiyeedkan iyo baaqyadan hoos ku qoran:


- KULMIYE wuxuu u mahadnaqayaa dhammaan shacbiga Somaliland sidii fiicnayd ee nabadgelyadu ku jirtay ee uga qayggaleen diiwaangelintii, waxaanuna u aragnaa inay ahayd tallaabo taariikhi ah oo la gaadhay. Waxanaan ugu baaqaynaa shacbiga inay sidoo kalena u diyaargaroobaan inay si nabadgelyo iyo xasilooni leh ugu codeeyaan doorashada soo socota.


- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa in xisbiga talada ee UDUB uu dhakhso u qabsado shirweynihiisii, soona xulaan musharrixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Waxaana ugu baaqayaa in xisbiga UDUB ay ka dhacdo gudihiisa tartan ku salaysan dimoqraadiyad lagu soo xuli doono musharaxiinta u tartami doonta jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenka.


- KULMIYE wuxuu diyaar u yahay in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loo cayimay ee 29 March 2009, mana aqbali doono dib-u-dhac ku yimaadda doorashada.


- KULMIYE wuxuu ku kalsoon yahay Guddida Doorashada Qaranka, waxaanu ugu baaqayaa in xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeeda isbarkani ay dibindaabyada ka daayaan Guddida Doorashada Qaranka oo gacan kasiiyaan sidii ay ugudan lahaayeen xilkan qaran ee loo igmaday.


- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa Guddida Doorashada Qaranka inay dhex u ahaadaan axsaabta tartamaysa oo ay xaqsooraan xisbiyada qaranka ee ku loollamaya maskabka ugu mudan maandeeq. KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa Komishanka Qaranka inaanay u dhega nuglaan una jilcin cadaadiska kaga imanaya xukuumadda si ay uga fushadaan danahooda gaar ah.


- KULMIYE wuxuu canbaaraynayaa xadhigii lagula kacay Cabdirashid Ducaale Qambi iyo Ahmed Cabdi Gadhle oo dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa. Waxaanan ugu baaqaynaa inay xukuumaddu ka waan towda xadhiga xaqadarrada ay kula kacdo xubnaha ka tirsan xisbiga KULMIYE. Waxaanan u aragnaa in marhaddii lagu waayey eedihii raqiiska ee loo soo jeediyey ay xubnahani u xidhnaayeen fekerkooda siyaasiga ah oo ay ahaayeen maxaabiis siyaasadeed. Arrintani ma aha mid la qaadan karo waa na mid ceeb ku ah dimoqraadiyadda Somaliland, kana soo horjeeda shuruucda iyo distoorka qaranka.


- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa in xukuumaddu Somaliland ay ixtraamto kuna dhaqanto sharciga iyo distoorka. Sidoo kalena ay ixtiraamto xuquuqal insaanka, saxaafadda xorta ah iyo cabiraadda fekerka siyaasadeed.


- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa waddamada aan jiiraanka nahay ee Geeska Afrika ee ay ka socdaan colaaduhu in dagaalka la joojiyo wixii dhibaato ah ee jirina lagu dhammeeyo waan-waan iyo wada-xaajood. Waxaan u aragnaa in Geeska Afrika muddo badan ka taagnayd xasillooni-darro iyo macaluul, haddana la gaadhay wakhtigii lasoo afjari lahaa dagaallada aafeeyey mandaqadda, lagana shaqeeyo sidii loo heli lahaa xasilooni si loo gaadho horumarka la hiigsanayo.


- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka inay aqoonsadaan oo garwaaqsadaan tallaabooyinka horusocod ee ay qaaday Somaliland. KULMIYE wuxuu arkaa in la gaadhay wakhtigii bulshadu caalamku ay oggolaan lahaayeen inay Somaliland xubin ka noqoto Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa.


- KULMIYE wuxuu u arkaa in Somaliland oo hesha aqoonsi caalami ahi uu wax wayn katari doono xallilinta dhibaatada ka taagan mandaqadda Geeska Afrika. Somaliland oo iyadu aqoon iyo waayo-aragnimo wayn u leh xallinta khilaafka, waxay gacan ka gaysan kartaa sidii gobollada kale ee Geeska Afrika ee Somaliya kamid tahay loogu heli lahaa xal waara.


- KULMIYE wuxuu ku baaqayaa in Somaliland iyo Somaliya ay noqdaan laba dal oo jiiraan ah oo leh xuduudo caalami ah oo ay ka dhaxayso walaalnino iyo derisnimo wanaag.


- KULMIYE wuxuu aqoonsan yahay doorku qurbajoogga Somaliland ku leeyahay horumarka iyo dibudhiska dalka. Wuxuuna xisbigu arkaa in qurbajoogu ka danbeeya horumarka balaadhan ee ay ku tallaabsatay Somaliland . KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa golayaasha xeer-dejinta in la cayimo xuquuqda qurbajooga oo ay dalka ku yeeshaan xuquuq lamid ah ta muwaadiniinta waddankii jooga ay leeyihiin. Qurbajooggu waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybgalaan doorashooyinka oo waxna doortaan, lana doorto sidoo kalena isu soo sharraxi karaan inay qabtaan mansabka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.


- KULMIYE wuxuu u mahadnaqayaa taageerayaasha qurbajooga oo xisbiga ka caawaya dhinaca dhaqaalaha. KULMIYE wuxuu qurbajooga ka codsanayaa inay laban laabaan kaalmada dhaqaale ee sannadkan si xisbigu u helo dhaqaale uu ku galo olalaha doorashada soo socota.


- KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa shacbiga Somaliland ay taageeraan xisbiga KULMIYE oo ay codkooda siiyaan si uu ugu guulaysto doorashada soo socota ee madaxweynaha. Waxaana KULMIYE u arkaa in danta qaranku ku jirto muxaafid iyo mucaaridba in la helo isbadal siyaasadeed. Isbadalka loo baahan yahay waxaa keeni kara xisbiga KULMIYE oo diyaar u ah inuu adeego bulshada. Markaas si taas loo helo KULMIYE wuxuu uga baaqayaa inay shacbiga Somaliland codkooda siyaasiyaan xibiyada mucaaridka ah ee hormuudka u yahay xisbiga KULMIYE.”



 



Jamhuuriya Online