BAAQ TAAGEERO GUURKA LA JABIYAY QIIMIHIISA
WARSAXAAFADEED

 

 



Ku: Bulshada Somaliland

“ : Xukuumadda Somaliland

“ : Golayaasha Qaranka JSL

“ : Saxaafadda (Madaxa Bannaan iyo Ta Dawladda JSL)

“ : Culimada, Ganacstada, Dhallinyarta, Ururrada Bulashada, iyo Haweenka

“ : Xarumaha Waxbarashada (Jaamacadaha iyo Iskuullada)



UJEEDO: HIRGALINTA HAWSHA FUDAYDINTA GUURKA



Iyadoo aanu taageerayno go’aankii iyo soo jeedintii Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Jamhuuriyada Somaliland ee ahaa in la dhimo kharashka guurka ee dhaafay xadkii dhallinyarta Somaliland ay ku guursan lahayd intooda badani, waddankana shaqo la’aan xooggani ka jirto ayaanu soo jeedinaynaa in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee kor kuxusani inay u hogaansamaan go’aanka guddida Wanaag Farista oo ah :

1. In Guurkii Maalinta Gabaatiga ee Inanta (Gabadha) lays waydiisanayo in la bixiyo $150 (Boqol iyo Konton Dollar) ugu badnaan.

2. In inanta lagu galbiyo ugu badnaan laba baabuur haddii ay sadex baabuur noqdaana waxa la ganaaxayaa 5000,000 (Shan Malyan oo Somaliland shilling ah).

3. Arooska haddii 8:00 PM Habeenimo lagu gaadho waxa la ganaaxayaa 5000,000 (Shan Malyan oo Somaliland Shilling ah)..

4. Fijaannada waxa la keenayaa hal joog oo subaga iyo hal joog oo muqumada ugu badnaan

5. Inanka iyo inanta waxa looga ducaynayaa masaajidada, haddii ay raacaan nidaamkan

6. Dhammaan ciddii khilaafta qodobada kor ku xusan waxaa laga Habaarayaa Masaajidadda



Sidaa darteed, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan bulshada inay arrintan siweyn ula qaataan Culimada Wanaag Farista, kana digtoonaadaan wixii caqabad ku keenaya dhallinyarta waddanka ee noloshooda mustaqbal iyo ta immikaba ka hor istaagaya horumarka.

Haddaba, innaga oo ka fogaanayna Xumaanta iyo Dhiiri galinteeda, waxaa qof walba oo u dhashay dalka Somaliland, danaynaya, una hiilanaya xoogga ugu badan ee ay ku faano oo ah Dhallinyar (Rag iyo Dumar) looga baahan yahay inuu dhiniciisa ka qaato wixii Horumar ah ee dalku ku tallaabsado, si dhaqaalaha waddanka loo kobciyo iyo in dhallinyar badan oo Guur la’aantu haleeshay loogu fudeydiy guurka. Guurku waxa uu dawo ka yahay arrimo badan oo waddankeena culays ku haya sida Sinada, Tahriibka, Dhaqaale Burburka, Amniga, Balwadaha iyo arrimo kale oo badan.

Iyadoo dhallinyarta reer Somaliland sannadkan guulo badani u soo hoydeen ayaanu rajaynaynaa in dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshadu ay taageeraan wixii dan u ah ubaxa waddanka u soo kacaya hadday tahay dhinac dhaqaale, siyaasadeed ama dhaqan.



Allah Mahad Leh

Ururka GUUR KAL-KAAL

Hargeisa, Somaliland

Email: guurkalkaal@gmail.com