BAAQ TAAGEERO AH HESHIISKII XISBIYADA MUCAARIDKA AH IYO MADASHA WADA
TASHIGA

Waxaanu soo dhawaynaynaa shirkii Aayo kata shiga ee 10/8/14 ay
labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid iyo madasha wada tashigu
ay goaano wada jira ah ka soo saareen maraxada dalku maanta
marayo,doorshooyinka fooda inagu soo haya iyo sida xukuumada kulmiye
ugu fashilan tay hanashada amaanka dalka oo halkii abid ugu xumayd
maanta maraya. Waxa arinkaa si cad uga marag kacaya dadkii qurbaha
ka tegay oo wali go,doon ku jira oo meenal u bixi Karin,kadib markii
dawladaha jaarku ee Jabouti, Itoobiya iyo maamul goboleedka Putland
ay xidheen xadadka ay la wadaagaan Somaliland. iyo xil gudasho
la’aanta xukuumada maant dalka ka talisa oo wali habkii iyo
nidaamkii doorasho u dhici lahayd aan haabkeeda haynin.Sidoo kale
waxaa xaqiiqo ah in xukuumadu ay hanan kari wayday madaxdii dalka ku
soo tacabtay ee magaca weyne iyo sharafta ku lahaa kana mid ahaa
ragii dhidibada u taagay gooni isu taaga dalka Somaliland sida Ahmed
Abdi Xaabsade, Fuaad Aadan Cade, iyo ciidamadii qaranka Somaliland
oo sii qulqulaya dhul shisheeye, kuwo kalena la filaayo inay ku daba
jiraan. ka . Halka xukuumadu ay ku mashquul tahay dabinada iyagu
gudahooda isku dhigayaan burburka dhexyaala iyo cabudhinta
saxaafada,iyo iska indho saabka dhibaatooyinka waawayn ee dalka
hadheeyay.
Haddaba hadaanu nahay Xisbiga Waddani UK iyo dhamaan taageerayasha
Xisbiga Waddani UK waxaanu si buuxda u garab taaganahay una soo
dhawaynaynaa go’aankii iyo qodobadii ka soo baxay shirkaas ee ay
qalinka ku wada duugeen labada Xisbi ee Waddani iyo Ucid iyo Madasha
wada Tashiga oo si kal sooni , niyda wanaag , wadan jacay, iyo
dhawrista distoorka iyo shuruucda dalka u yaala u wada gudoonsadeen
go’aankaasi oo aynu kawada dhegsanahay siduu u dhacay.
ALLAA MAGAD LEH
MAHDI JAMA ROBLE
Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Wadani UK
|