BAAQ KA YIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA
 

 



GARSOORKU WAA WADNAHA DALKA EE HA LA ILAALIYO.
Waxaan canbaareynayaa falka foosha xun ee lagu dhaawacay garsoorka dalka. Ma aha mid keli ku kooban xaakimka gardarada loo weeraray Xaakim Duraan, wallow dhibtu gaa r ugu dhacday isaga iyo qoyskiisa, Waa mid nabar toos ah oo halis ah lala beegsaday garsoorka dalka oo ah wadnaha qarannimo ee ummad kastaa u ilaaliso sida wadnaha loo ilaaliyo


Garsoorka waxa loo sameeyey inuu ka garnaqo falal dambiyeedka maalin walba dalka ka dhaca. Waxa uu leeyahay hab iyo dariiq loo maro cidda wax ka tirsanaysaa. Waa jaranja ro midba mid u gudbinaayo oon marna loo baahnayn in garsoore loo arko cadow la ugaa dhsado. Waxay tahay arrin bilow ah oo halis ah. Sinnaba uma aha caqli gal in ciddii ku qa nci weyda garnaqsigu ay iyadu gacmaha ka hadasho. Waxa yaala nidaamka racfaanka o o cidda aan ku qancin xukunka u furan, soconaysana ilaa Maxkamadda Sare, kolkaas wa xa xaraan ah oo reeban in sinnaba xaakim maxkamadeed lagu wax yeeleeyo hawsha uu qaranka u hayo. Haddii xukaamtu cabsi gasho waxa la waayi cid dambiilayaasha xukunt a, waxa meesha ka bixi nabadda, waxa heli fursad qaswadayaasha, waxaana dalku gali fawdo iyo meel xun oo cadowgeenu inala rabo.


Waxa waajib ah inaynu dhacdadaas dhan uga soo wado jeedno ooynu canbaareyno ka na caawino xukuumadda sidii loo heli lahaa dambiilayaaha falkan ku geestay.
Waxaa iyana habboon inaan la reereynin oon warxun-sheegu iyo balaayo-beerku ka fa a’ideysan xumanta qof iyo kooxi leedahay in la beeleeyo oon la dhaafin cidday ku kooba ntay. Ma garanayno dambiilayaasha, waxa se inagu waajib ah inaynu dhammaan ka haw l galno sidii loo soo qaban lahaa cid kasta ooy yihiin, mid gudo jooga iyo dabadjoogba.
Ma laha sabab si kale loo maareeyo, xumaanta ay geysteen waa mid lid ku ah nabad gel yada guud ahaan, si gaar ahna nabar xun u geesatay qarannimada dalka. Waa mid inoo ga baahan dhammaan inaynu noqono baadhayaal ooynu ugaadhsano cid kasta oo dhaa wacaysa midnimadeena, wadajirkeena, iyo qarannimadeena.


Waxa iyana waajib ah in la ixtiraamo hay’adaha amaanka, oo loo arko in askartu tahay, kuwa ilaalinaaya nabadda, kuwo u soo jeeda habeenkii, qarafaha iyo duurka ku noolaada iyagoo ka durugsan ehelkooda. Iyana waxa la gudboon dulqaad, iyo dhab adeeg ay ku h antaan waajibaadkooda qaran. Wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshadu waa ba dbaadada bulshada, kala-xidhiidh-furkooduna waa mid horseedi karta qas iyo qalalaase. Aan ixtiraamno cidda naftooda u hurtay daafaca iyo ilalinta qarannimada dalkeena.


Aan noqono ummad aan kala aar goosan, is cafida, isu caqli celisa, ninka qaldan wax u sh eegta, hadduu joogsan waayana gacanta qabta oo sharciga mariya. Yaan qalad qalad lagu sixin, ee caqligu ha taliyo. Wax walbana ha laga hormariyo nabadda guud, wadajirk a iyo midnimada bulshoweynta.


Alle hayna garansiiyo cadaaladda iyo macaanka nabaddu leedahay. Alle haynagu toosi yo dariiqa xaqqa ah iyo tubta toosan. Amiin
 

 


Ahmed Hassan Arwo

Eci.advisor@gmail.com
http://www.facebook.com/groups/SLFIRST/
http://samotalis.blogspot.com/
http://samotalis.blogspot.com/