Baaq gurmad deg deg ah

 


 


13/11/13


Ujeedo :- In loo gurmado dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay Dabkii State house iyo Roobabkii ka day maalmihii ugu dambeeyey Geeka Afrika gaar ahaan Somaliland



« Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba ,waxaa wax lala yaabo ah in ,iy adoo ay shacabka ay soo gaadheen qasaare naf iyo maalba leh,oo ay geesteen Dabkii qabsad ay Degaanka « State House » oo ka tirsan Xaafada shacabka iyo Daadadkii ka dhashay Roob abkii maalmihii ugu dambeeyey ka dayey guud ahaan Geeska Afrika ,gaar ahaan Somaliland,in Xukuumada Somaliland ay ilaa hadda ka dhegaha ka furaysatay qaylo dhaanka Shacabka ee soo geedhaysa dhamaan Gobolada Somaliland.

Qasaaraha ilaa hadda Shacabka soo gaadhay waxaa ka mid ah :-

1. Waxaa intoodii badnayd gubatay Degaanka « State House »,oo ka tirsan Xaafada Shacabka ,waxyarna u jirta Madaxtooyada Somaliland.

2. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Somaliland ka day Roob mahiigaan ah ,kuwaas oo dhibaato u gaystay dadka danyarta ah ee ku nool Gobolada Somaliland.

3. Waxaa goay qaar ka mid ah Wadooyinka Somaliland ,taasina waxay keentay in ay kala xidhmaan qaar ka mid ah Gobolada Somaliland.Waxaa ilaa hadda ku xayiran meelo badan Gaadiid aad u fara badan,oo sida meeceeshado kala duwan.

Haddaba waxaanu ugu baaqaynaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland,gaar ahaan Ganacsatada iyo Qurba jooga in ay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadka danyarta ah ee ay aafeeyeen Dabka iyo Daadadku.







ALLAA MAHAD LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman