Baaq
Deg-deg ah : Cuqaasha & Odayaasha Oodwayne

Ka dib markii aanu derisnay xaaladda guud ee dalku maraayo, markii
aanu maqalay dhawaaqyo kasoo baxaaya xoogag kasoo horjeeda
geedi-socodka dimuqraadiyada , markii aanu dareenay shirqoolo loo
maleegaayo jiritaanka Somaliland, waxaanu halkan shacab-waynaha
Somaliland u cadynanaa arrimaha soo socda:
Waxaanu si buuxda u taageeraynaa muddada kumishanka Qaranku u qabaty
inay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Mudaynta iyo qabashada
doorashada waxa loo egmaday oo qudha kumishanka Qaranka.
Madaxda Xisbiga Kulmiye waa inay
si dhakhso ah uga noqdaan mowqifkooda guracan , oo khal khal iyo
jaahwareer gelin kara Somaliland .
Guddomiye Faisal Cali Waraabe waa
inuu mowqfkiisa mad-madowga ka saara, si cadna u taageera goa’anka
kumishanka , kana digtonaada inuu boholoha Kulmiye ku dhaco.
Waxaanu ka digaynaa shir beleedka laga wado Burco.Waxaanu ku
boorinaynaa kooxda yar ee salaadiinta ah inaanay siyaasada ku melmin.
Waxaanu Reer Somaliland u
sheegaynaa, inaanu Oodwayne qaxooti danbe diyaar u ahayn, cidii
abaabulaysana gacan bir ah ay wax kaga qaban doonaan.
Waa Bilaahi towfiiq. / Fadhigooda Oodwayne./ 10/3/2009
Chief Caaqil Abdi Xuseen Libaax Muuse.
Chief Caaqil Mataan Xaaji Xuseen
Chief Caaqil Darood Xaaji Ahmed
Chief Caaqil Cabdillahi Jama Nuur
Chief Caaqil Nuux Kaahin
Chief Caaqil Warsame Sheikh Abdi Hugur
Chief Caaqil Abdillahi Nuur
Chief Caaqil Warsame Ismail
Chief Caaqil Cabdi Aw Magan
chief Caaqil Cali Nuur kediye
chief Caaqil Mohamed Dahir
Oday Xaaji Xasan Cali Egal
Oday Ismail Warsame Guhaad
Oday Cabdi Jama Muse
Oday Nuur Kaarshe Rooble.
Khadar Jama
khadar.jama@yahoo.com
|