BAALAXOOFTADA
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
“AMA LA I DOOREY AMA DAADKU HA QAADO: WAA HEES WALWAALEDA XISBIGA
KULMIYE EE OLOLAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA; WAA HADDII UMMADDA DALKA
LIHI AQBASHO.”
Iyadoon ololihii doorashadii si rasmi ah weli loogu dhawaaqin ayaa
durba madaxdii Xisbiga Kulmiye waxa ka soo yeedhaya hanjebaado aan
hore looga baran. Cagajugleynta iyo handadaada Kulmiye waxay ku
koobnaan jirtay kuna jihaysnayd xukuumadda dalka ka talisa waana
arrin hore ruqsad loogu siiyey. Laga soo bilaabo bishii Abril, 2010,
Waxa si isdabajoog ah uga soo burqanaya hawlwadeenada xisbigaba
hanjebaado qaawan iyo dardaarwerin si gaar ah ugu wajahan ganacsato
reer Somaliland iyo waxa lagu magacaabo xukuumad wakhtigeedii
dhammaaday ama ku-meel gaadh ah ( Care-taker government/Transitional
government). Waxa ugu dambeeyey wareysi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Axmed Maxamed Maxamuud siiyey Shebekedda warbaahinta ee
hadhwanaagnews bishan May 14, 2010. Wareysiga Guddoomiyaha ayaa
xambaarsanaa digniin culus oo kama dambeys ah oo uu u jeediyey
ganacsade dalka u dhashay oo ku dedaalaya in maalkiisa gashado.
Waxa intaa dheer dhammaan mareegaha warbaahinta iyo Idaacadda
Horyaal ee toos u hoos yimaada Xisbiga Kulmiye ayaa hawl
maalmeedkoodii noqday ganacsade reer Jibouti ah oon dalka u dhalan
ayaa huntidii qaranka si sharci darro ah u boobaya. Waa su’aale:
Jinsiyadda Somaliland ma Xisbiga Kulmiye iyo inta taageerta aya
bixisa? Aragtiyaha noocaas ah ee cid si gaar ah u takooraya ayaa kow
ka ah xagjirnimada Xixbiga Kulmiye ku caanow maalaye dib isugu noqda
oo hab dhaqankiina siyaasadeeda deg deg wax uga bedela, ummaddana
soo hordhiga wax cuntama oon ka ahayn dagaal iyo xoog ayaanu wax ku
muquunin.
QODOBKA 1: DIGNIINTA/HANJEBAADA GANACSATADA DALKA
Muwaadinka maalkiisii dalka kaga fulinaya mashaariic isgaadhsiineed
oo casri ah waxa uu inaga mudanyahay hambalyo iyo bogaadin.
Mashuurcan waxa la damacsanaa in la hirgeliyo sideetameeyadii
xiligii Afweyne Somalia ka talinayey, hase ahaatee dowladdii
soomaaliyeed ayaa toos isu hortaagtay markay shirkadihii mushruuca
waday ay soo jeediyeen in halka geeska Afrika ugu habooni tahay
Berbera. Sidaas ayu mashruucii ku hakaday. Dalka dhaliyadiisii waxa
ragaadisey shaqo la’aan oo waa kuwaa maalin walba tahtiibaya ee
badaha naftoodii ku biimeynaya. Sida warbaahinta dalku shaacisey
mashruucan inta uu socdo waxa shaqo ka heli doona dad ku dhow 10,000
qof; marka mashruuc dhammadana dad aa u tiro badan ayaa shaqo joogta
ah ka helidoona. Taasina waxay suurto gelindoontaa in dhalinyaradu
dalka ku negaato.
Hadaba haddii muwaadin reer Somaliland ihi dib u soo nooleeyey
mashruucan, hantidiisii gaar ka ahayd ku fulinayo, waxaan marnaba
haboonayn in hiif, haaraan, iyo hanjebaad lagala hortago. Waxa kale
oo xusid mudan in aanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye xaq iyo awood
midna u lahayn in uu yidhaa marka xisbigaygu talada dalka ku
guuleysto, heshiisyada xukuumadda xilku ka dhammaaday la gasho
ganacsatada caalamka iyo kuwa wadaniga ahba waxa noqondoonaan waxba
kama jiraan (Null and void). Muwaadinka dalka maalgelinaya ma la
weydiiyey in uu diyaar u yahay in uu heshiiska Golaha Wakiilada
horgeynayo intaan weerarka dhinac walba laga ekeysiin?
Waxaynu aragnaa durba Xaajigii oo seeftii xujaaj Ibn Yuusuf
Al-Thaqafi galka saaray- Xujaaj wuxu badhasaab ka ahaa Ciraaq:
Maalin Jimce ah ayuu masaajid khudbaddii jimcaha ka akhriyey , oo
wuxu Yidhi :
“ Yaa ahlal Al-Ciraaq, yaa ahlul –Alnifaaq, wal kufr; innii araa
ru’usan qad aynacad wa xaan waqtul qidaafihaa; la tacrifuunii mata
addicu cimaamatii.”= “Reer Ciraaqoow inta gaalnimo iyo munaafaqadda
ehelka u noqotaae; waxan arkaa madaxyo bislaaday oo waqtigii la goyn
lahaa gaadhay; marka aan cumaamadda iska rogo ayeydun igaran.”
Hadalkaasi muxuu dadweynaha dareensiinayaa? Wuxu inna xasuusinayaa
qudhaanjadii ka argagaxday ciidamadii Nebi Suleymaan. Suurada
An-Naml waxa jira aayadahan:
“Wa xushira li-Suleymaana junuuduhu min-al Jinni wal Insi wad Dayri
fa hum yuusacuun* Xattaa idaa attow cala waadi Namli qaalat
namlatun: Yaa ayu hal namlu adkhuluu masaakinakum laa yaxdimanakum
Suleymaanu wa Junuuduhu wa hum laa yashcuruun*”
Waxaweeye dadweynoow sida qudhaanjadaa ciidankii Nebi Suleymaan
markay ka fajacaday tidhi: godka inagu hubsada ayaan ciidamada Nebi
Suleymaan cidaadaha inaga dhigine. Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an in
uu sida qudhaanjadaa dal iyo dadba dekan dekan kaga yeelo haddii
sandule lagu dooranwaay. Doorashooyinkii lixdameeyadii ayaa waxa
halhays u ahaa:
“AMA LA I DOOREY AMA DAADKU HA QAADO.”
“WAA HEES WALWAALEDA XISBIGA KULMIYE EE OLOLAHA DOORASHADA
MADAXTOOYADA; WAA HADDII UMMADDA DALKA LIHI AQBASHO.”
Iyadoo weli kursigan la isku maandhaafsanyahay jiro “Sidratal
Muntaha” xaalkiisu waxa uu ku dambeyndoonan cidi ogayn, oo weliba uu
gaadh dable ka hayo nin la yidhaa Dandaaf Golbakiyaan, xagee
kalsoonida intan le’eg laga helay? Tan wax kale ayaa ka salag lehe
bal ummadda reer Somaliland si aad ah ha u feejignaato.
Sideedaba waxa jirta marka nin siyaasi ihi doorasho u heensaysto
waxa hubaal ah in uu ballanqaadyo farabadan hoos ahaan ula galo
hadba cidda uu u arko in dhaqaale ka soo geleyo ee fududeyn karta
hanashada mansabka uu ku taamayo. Waxa kale oo la ogsoonyahay in
ganacsato badan Xisbiga Kulmiye toos u taageerto, waana u xor cidda
ay hantidooda ku taageerayaan. Waxa iyana barbar taala in inta badan
meelmarinta ballanqaadyada noocaas ihi noqdaan hal bacaad lagu lisay
ama laf dhuun gashay oo lagu mergado, haddii Kulmiye ku guuleysto
doorashada iyo haddii kaleba.
Sida ka dhadhamaysa cagajuglaynta Guddoomiyaha Xisbiga waxad mooda
in mashruucan “Fiber-Optic” cid si gaar ah u taabanayo oo arrimo
badan qarsooni jiraan oo xisbiga u qorsheysantahay in maamulka
dhaqaalaha iyo hantida Qarankaba toos gacanta loogu geliyo
ganacsatada sababtoo ah in muddo ahba waxa isasoo taraysa
hadalhaynta arrimahan xoos ku xussan:
1. In dhammaan ilaha dhaqaalaha Qaranka sida Dekeda Berbera,
Cashuuraha Beriga, Bangiyada, iyo dakhliga garoomada diyaaradaha
lagu wareejiyo ganacsatada;
2. In baadhitaanka, soo saarista, maamulka, iyo dhoofinta khayraadka
dabiiciga ah ee dalka siday u dhanyihiin lagu wareejiyo ganacsatada;
3. In dhoofinta xoolaha nool la kooteeyo si tartan xalaal meesha uga
baxo.
Arrimahan qaarkood ayaan sidoodaba u suurto geleyn. Maamulka iyo
ururinta dakhliga Qaranka ayaan sinaba gacanta ugu geleyn
ganacsatada dalka sababtoo ah waxa ka dhalan kara sebiga iyo
dhallaankuba wey garan karaan; sidoo kale khayraadka dabiiciga ah ee
ummadda Somaliland ka dhexeeya gacan ku hayntooda waxa mar walba
iska leh xukuumadda inta la heleyo aqoontii iyo adduunkii hirgelin
lahayd soosaarista khayraadka ku hoos jira beriga iyo badaba.
Dhoofinta xoolaha nooli waa mid soo jireen waana laf dhabarta
dhaqaalaha dalka; ganacsatada xoolaha nool ayaa iska lahayd suuq
geynta iyo dhoofintaba; xukuumaduna waxay lahaan jirta dhowrista
caafimaad qabka xoolaha. Sidaa darteed ayaanay caqli gal u ahayn in
wax farogelin lagu sameeyo ganacsiga xoolaha nool.
QODOBKA 2: IYO DOWLADDA XILKEEDU DHAMMAADAY
Waxaynu had iyo jeer axsaabta mucaaridka ka maqalaa iyaga oo leh
dowladdan mudadii xilkeedu dhammaaday heshiisyada ay cid la gashaa
waxay noqondoonaan waxba kama jiraan marka aanu talada dalka qabano.
Sida hadalka loo dhigayo iyo qaab-dhismeedka dowladnimo ee
Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhaqmo, sida Distoorka Qaranka ku
cad ayaa ah laba arrimood oon marnaba la iswaafajin Karin.
Nidaamka barlamaaniga ah ee Wasiirka Koowaad awooda fulineed
leeyahay, Madaxweynuhuna yahay mid awoodiisu Koobantahay, ayaa lagu
dabaqaa weedhaha dowlad xilkeedii dhammaaday. Sida xildku kaga
dhammaadaana waa ka dib marka ay kalsoonida barlamaanka cod ku
weydo. Isla markaa ayaa lagu dhawaaqaa xiliga la qabanayo doorashada
Wakiilada. Inta doorashada laga gaadhayo xukuumaddaa xilku ka
dhammaaday wax heshiisyo cid lama geli karto; wax mashriic cusub
ahna ma bilaabi karto. Su’aashu waxay tahay: Distoorka dalka
Somaliland meelna ma kaga jirtaa wax lagu magacaabo
Ra’iis-ul-Wasaare iyo wax la mid ihi? Jawaabta oo koobani waa maya.
In kastoo barnaamijka Xisbiga Kulmiye ku jirto in nidaamka hadda
aynu ku dhaqano uu wax ka bedelidoono hadduu talada dalka qabto,
haddase sheekadaasi meesha ma taaloe wakhtigeeda ha sugu oo yaan
laga hordicin.
Distoorka Somaliland waxa ay aad isugu dhowyihiin ka dowladda
Maraykanka. Nidaam kaasina sida uu u dhigan yahay xukuumaddu marnaba
kalsooni kuma weydo cod barlamaanku u qaado. Sidaa darted marka
distoorkeena afti dadweyne lagu bedelo ayaa waxyaabaha hadda
axsaabta mucaaridku ka hadlaysaa hirgelidoontaa; inta ka horeysa
hadba xukuumadda dalka ka jirta heshiisyada ay gashaa waa sharci
ilaa maalinta xukuumaddii bedeleysey xilka kala wareegeyso. Waxana
shardi ah heshiisada laga ansixiyo Golaha Wakiilada.
Waxan ku soo gunaanadaya: Tacab bay dheh kol haddii maanta
Somaliland marayso heer la yidhaa haddaan Xisbiga Kulmiye la dooran
dal jirimaayo.
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Email: asabeyse@hotmail.com
|