Baahiyi qof kuu daran bay kuu gaysaa
Dhamaan shacabka Somaliland waxa aan ku salaamayaa
salaanta islaamka. Intaa ka dib waxa aan maanta
taabanayaa arrin ku cusub saaxada siyaasada dalkan
jamhuuriyada Somaliland.
Hadaan hoos ugu daadago dulucda maqaalkan waxa
maalinba maalinta ka danbaysa soo ifbax aya dabino
ay siyaasiyiinta xisbiyadu isu daadinayaan,xadhko
dabacsan oo hadana dadban ay aa ku dhex meersan
maamulada xisbiyada.Taasina waxay ku tusaysaa
siyaasiyiinta qaabkaa wax u wadaa inaanay dadka
iyo dalka midna daacad u ahayn.Tusaale hadaan
u soo qaato dha waaqii Mudane Cabdilaahi Saciid
Dheere ee uu ku muujiyay inuu u taaganyahay
jagada gudoo miyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka
ee UCID waxa hadaladiisa ka muuqatay ama sida
mura ayada laga dhex arkaayay inaanu qofka u taagani
isaga ahayn ee cid kale ka dhex hadlayso.
Waayo,ka soo
qaad ama uba fiirso jawaabtii uu ka bixiyay waydiintii
saxafigii waraysanayay ku tuuray,ahaydna: Maxaa kugu
kelifay inaad isu soo taagtid jagada gudoomiyaha xisbiga?
Waxa uu ku jawaab celiyay sidatan: Markaan arkay raggii
saaxiibaday ahaa oo wada musharax ah ayaan aniguna
doonay. Waa wax lagu qoslo,waxa aad moodaa ilmo iska
cayaarayaa oo aan himilaba lahayn.Wayse caddahay
inaanu damac siyaasadeed u gayn ee laga dhigtay
hangool lagu soo qabto laanta geedka ka mudh baxday.
Waxa la yidhi (Nimaan kuu furaynine yaanu kuu rarin).
Maaha wax la yaab leh oo dhacdooyinka siyaasiyiinta
qaarkood ayaan waxba ku salaysnayn.W aana ta
keentay inaan wax qorshe ah xataa dawladahii kala
danbeeyay ee dalka soo maray aanay lahayn ee keenta
had iyo jeer jiho wareer shacabka ku habsada.
Muwaadin kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu damac
siyaasadeed yeesho,qorshe u samaysto damaciisa,una
hawl galo isaga oo daacad ah oo ka madaxbanaan
xayndaabka dabinada danaha gaarka ah ku gadaaman.
Sidaa darteed waxa aan leeyahay Mudane Cabdilaahi
Saciid Dheere waa ayaan darro dadaalkii aad guyaal ka
guyaal ku soo jirtay aad ugu danbayntii cidla kaga kacdo
oo aad u biyo shubatid danayste.
Waxa aan ku soo afjarayaa: baahiyi nin kuu daran bay
kuu gaysaa.
Allaah ayaa mahad leh.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/Somaliland |
|