Baahintii Gudaha Telefishanka HCTV Oo Joogsatay Ka Dib Markii Ciidamada Amaanka Xoog Ku Galeen Xafiisyadii Suuq-Gaynta Iyo Warlaliska.

 



Hargeysa,14 Jan,2012 (TNN) - Ka dib markii Saacado ka hor ay Ciidamada Amaanka Somalila nd xidheen Xafiisyadii Telefishanka Horn Cable Tv ayaa waxa wakhtigaasi sii shaqaynayey q aybta baahinta Gudaha Magaalada Hargeysa, balse wakhti yar ka hor ayaa waxa hawada ka baxay Baahintii hawada ee Telefishankaasi.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Telefishanka Horn Cable Tv oo aanu wax ka weydiinay hawl gal ada ay Ciidanka Amaanku ku xidh xidheen Xiifyadii Magaalada Hargeysa ee Telefishanka aya a noo sheegay in ay Ciidamadu yimaadeen Xafiisyada Telefishanka, isla markaana amreen in la xidho Shaqaaluhuna ka soo dareeraan, ka dibna ay markii dambe dalbadeen Ciidan dheera ad ah, kuwaasi oo xoog kaga soo dareeriyey Xafiisyadii Shaqaalihii ka shaqaynayey, waxaa na ay Ciidamu Xidheen Agaasimihii Telefishanka Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), iyaga oo Ciidan ku amreen in la xidho baahinta Telefishankaasi.

Warar Xogogaal ah ayaa Shabakada Timacade News u sheegay in loo tuhun san yahay in ay xadhiga Telefishanka ka dambeeyaan Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan iyo Afhayee nka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay Xukuumaddu ka xanuunsatay ee Telefishanku baahiyey a yaa ah Khudbad uu jeediyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin markii uu xilka wareejinayey taasi oo uu kula dar daarmayey Madaxweynaha haatan talada haya, waxaana hadaladaasi Madaxweynihii hore ee Somaliland ka mid ahaa ““Waa maalin qiimo w ayn u leh shacbiga reer Somaliland, waa taariikh taabogalka noqotay oo hirgashay geedigii aynu soo wadnay muddada dheer. Waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, Waxa kale oo aan halkan (Madaxtooyadda) ku soo dhawaynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii Madaxw eynenimo ee aanu ku tartamaynay, waxaanan ugu wareejinayaa si niyadsami ah, farxad leh oo kalsooni ah,”

“Siddeed sanno ayaan xilka soo hayay, sanad ku meel-gaadh ah iyo todoba sano oo kale, w aan garan karayaa culayska xilkani uu leeyahay iyo dhibaatada hoos taala madaxweynaha maanta hawsha igala wareegaya, anaa xogogaal u ah, waxaan leeyahay, anigu waan isdaba taagayaa gacana waan ku siinayaa, shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay madaxweyn aha xilkiisa haddaynu la garab qabano ayuun buu ka soo baxayaa, haddii kale wuxuu qabtaa wuu yaraanayaa, markaa aynu u midawno inaynu isdaba taagno. Wuu dhamaaday tartankii axsaabtu, guul buu ku dhamaaday, wax ka hadhay ma jiro, inaynu dalkeena u wada shaqay no dhamaanteen, inaynu gacmaha is wada qabsano oo aan meel uga soo wada jeedsano oo aynu taabogalino qaranimadeenan curdinka ee aynu muddada soo wadnay, Illaahay mahadii na maanta anigu waxaan ku faanayaa dimoqraadiyadii aan hirgalinteeda bilaabay, laakiin uu lahaa madaxweynihii iga horeeyey qorshaheeda iyo barnaamijkeeda iyo ku talogalkeeda, ani guna waan hirgaliyay markuu geeriyooday, Maanta waxa taariikh cusub Somaliland u ah, wa xaan isleeyahay aniga iyo Axmedba labadii madaxweyne ee xilka la kala wareegaya ayaanu nahay, sababta oo ah aniga madaxweynihii iga horeeyey wuu geeriyooday, isaguna markii uu la wareegaayey xil uu la wareegay muu jirin, Axmedna waxay u tahay nasiib wanaag ma anta dal dhisan oo nabad ah oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maa nta la wareegayo. Waxaynu soo marnay waxyaabo badan, maalintii uu geeriyooday (AHN) madaxweyneheenii hore ee aan isugu yeedhay labadii guddi joogto ee golayaasha (Baarl amaanka) iyo golihii xukuumadda, markii aanu isu nimi waxaanu is waydiinay maxaa talo ah madaxweyneheenii wuu geeriyoodee? Cabdiqaadir Jirde (guddoomiye kuxigeenkii hore ee golihii hore ee Wakiillada Somaliland) ayaa Distooska akhriyey, waxaanu yidhi ‘adaa madax weyne ah’, lagumana murmin ee sidii ayaanu isku raacnay, isbedelka markaa dhacay ee la isla aqbalay Somaliland wuxuu ahaa mucjiso iyo waxay ku faanto, la inaguna majiirtay bees ha caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay labaduba,”
 

 

 



Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland