BAABUURTA KASHIFTAY SAMAALE, XIRSI IYO WASIIR GURAY

 


Waxa la yidhi sir maqabe Allaa u sahan ah. Bulshadan dhoohan ee qabiilku kala qaybiyey ee kii la dulmiyey daafacaayo kii dulmiyey ee suldaankiisa la iibsanaayo, ee xildhibaankiisa la laaluushaa yo, ee askarigiisa la kireysanaayo, Alle ayaa u maqan oo waxay ku badbaada ta Eebbe.

Waxa isa soo taraaya foolxumada ku gaadaaman wasiiro noqday dilaaliin, iyo macalqabad mashr uuca Genel ee batroolka. Waxa soo baxday in Wasiirka Maaliyadda, Kan Madaxtooyada iyo ka Macdantu ku hesheeyeen in ay soo abaabulaan baabuur laga keeno jabuuti oo kiro ah, laguna sheego inay Genel leedahay oo cashuur dhaaf lagu soo galiyo dalka, deedna laga kireeyo Genel, waa shirkadda batroolka dalka ka baadheysa ee Turkiga iyo Ingiriska isagu jirta.

Wasiir Samaale ayaa ka ah xundhurta mashruucan toogeysan.Waxa la sheegayaa Kow, waxuu la hadlay wiilka ay ilmaadeerka yihiin ee Jabuuti uga wakiilka ah Toyota Motors. Waxa leysla gaadh ay in muddo lix bilood ah uu ku soo cehsna karo qiimaha baabuurta oo laga kireysto, deedna inta ka dambeysa uu Samaale ku wareejin doono Xukuumadda, macaashkana ay wadaagi doonaan seddexda Wasiir iyo ganacsadauhu. Waa war culus oo ah sirta ku gaadaaman baabuurta.

Samaale waxa kale oo uu sameeyey cashuur dhaaf aan xaq ahayn oo xataa ayna lahayn shirkad aha ganacsigu sida Genel. WAxa xigtay in lambarka cas la siiyo, taasina ka dhigtay inayna bixin cashuurta jid-narka Road Tax.

Ma dhici kartaa inaynu helno Golaha Wakiilada oo guddi u saara baadhista dhacdooyinkan musuq maasuq ee dul hoganaaya Madaarka iyo Shiidaalka, ma heli karnaa xisbiyada mucaaridka ah oo baadhis ku sameeya arrintan, ma heli karnaa aqoonyahanka tirada badan ee maalin walba qalin jabinaaya oo baadhis ku sameeya.Waa mid u baahan gurmad iyo taageero inaynu helno gunta si aynu u ciqaabno kuwa foolxumadan falay.

Maanta waxa kashifmay Wasiirada ku caan baxay dilaalnimada waa Wasiir Xirsi, Samaale, Xusee n Guray iyo Maxamoud Xaashi. Afartan wasiir tolow Madaxweynahu maxuu ka yeeli. Kollayba wa xa ka muuqata inaanu dareensanayn oo waa kan ku mashquulsan maqas iyo dhoolo-caddeyn, maantana Phd faalsao ah ayaa lagu seexiyey ooy siisay Jaamacad aan bixin Phd..yaaab yaa Golis ma taas ayaa ku dambeysay wiil ku abtirsanaaya odaygii caanka ku aha run sheega iyo xumaan diidka Axmed Xasan ee xisbigii NUF..tanina waa mid buuga u gahashay Prof. Siciid Axmed Xasan waa aakhir samaan oo ninba maalin ayuu dhooqada galaya.
Waa yaab odaygu sidan ma ku fayoob yahay, inta dalka amuurahan culusi haysteen isna waa u taxtaxaash iyo qosol ereyna weli kamuu odhan waxa dhacaaya.

Madaxweyne waan kuu duceeya ee iska garo shahaadada beenta ah ee lagu siinayaa inay tahay dabin iyo mareeg rag wax ku ugaadhsanayaan, adi iyo Xirsi ayey Golis isla mar u labistay bal daa wo sawirka ay bixinayso arrintani, Waa lagula heley adoon dareemeyn. Maxaad uga aamusantay waxa dalka ka taagan, yaa maqaska kugu mashquuliyey, iyana waa dani oo irbad ayey ku seexin ayaan. Toos oo dalka u adeeg, lana xisbaatan bahalada aad awoodda ku wareejisey...
 


Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com.