AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-1
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha
Assalamu calaykum. Hor iyo horaan Alle heynaga yeelo kuwa bishan
barakeysa iyo ciidda uu naarta ka xoreeyo. Ciid wacan oo wanaagsan.
Alle ha ka yeelo ayaamahan barakeysani qaa r nabad iyo wanaag muddo
dheer oo fog inagoo caafim qabna inagu soo noqnoqda. CIID MUB ARAK
DHAMMAANTIIN. Amiin.
Waxa dhammaad ah bisii barakeysnayd ee ramadaan, bishii quraanka,
bishii raxmadda, bishii cibaadada, bishii taraawiixda, bishii
dambi-dhaafka iyo toobadda. Waxaan ku bilaabay kheyr iyo salad,
quraan akhris iyo tasbiixi sida islaamku u badan yahay. Anigoo muddo
dheer ku no ola dal aan eedaan iyo dhaqdhaqaaq salaadeed lahayn,
ayaan macaansaday kolka afarta ge esoodba dhowaaq kuugu yeedhaaya
kheyrka iyo salaadda Alle ka yeedhaan. Waa macaan u u garanaayo
ninkaan muddo maqlini. Ruux kale waa u caadi. Kaba daran ee qaarbaa
leh max aa mikarofoonka hoos loogu dhigi waayey. Waa adduun oo
nimcada Eebbe ciday ka maqanta y ayaa qiimaheeda og.
Waxaad arkeysaa masaajidii oo camiran lana soo buuxiyey caagado biyo
ah oo dadka tukan aaya loogu talogalay. Waxaa maqribka iyo cishaha u
dhexeeya 2 saacadood oo ruuxu cunto iyo inta uu maqribka tukanaayo
noqonaysa. Waxa bilabmeysa taraawiix aan degdeg ahayn aadna u
dheereyn ee dhexdhexaad ah iyo quraan si luuq macaan ah loo akhriyo,
oodna daal iyo haamansi lahayn. Waa arrin ruuxi ah iyo dareen qalbi.
Haddaba aan u talaabo dulucda maqaalka iyo socdaalkaan ku booqday
beytka Alle. Waxay aqoontu iyo horumarku, oo Sacuudigu si weyn uga
faa’ideystay, ay keentay in wax walba si hawl yar loo qabto loona
helo. Dhowr cisho ayaan internetka baadhay inaan helo safarka ug u
habboon een ayaamaha barakaysan aan cimradeyda ku beegi karo. Waxaan
helay dayuur ad baxaysa 23ka Ramadaan oo hal qof ka dhimantay.
Waxbaba kuma xidhna ee waxaan buuxiyey magacayga iyo halkaan ka
dhoofaayo iyo halkaan u socdo, deedna waxa ley furay sidaan lacagta
ku bixin lahaa. Waxaan ku baxshay VISA card UK ah. Ticketkii ayaa
email leygu soo diray. Intaas kumaan joogsan ee tigidhkii diyaarad
fuulka ( Boarding Pass) ayaan arkay in isna aan goosan karo
12sacadood ka hor safarkeyga. Xiligaas ayaan baaskii diyaa rad fuulka
buuxsaday ayaa waxa iga yeebisay in telefoonka message ahayn aan ku
helaayo. Taas ayaan qaatay ilaa dayuuradiina telefoonka ayaan u
furaayey. Wax kale oo weydiin ah lama kulmin. Taas waxaan u soo
qaatay siday ahayn jirtay intayada ogayd inay garaneyso sida wax isu
bedeleyn.
Cibaadadu waa niyadda. Kolka aad niyooto ayaa culays kaa hadhayaa.
Sheydaan iyo was waas iyo wasakh adduun ayaad iska meydheysaa. Waxaan
ixraamka ka xidhay guriga iyo magaalada Riyaad. Inagoo qushuuc iyo
labayk alaahum ma labeyka….. qalbaga ka akhriyaaya ayaan dayuuradi
fuulay. Aniga cidi ilama socoto oo keli ayaan ahay, laakiin
dayuuradda inta badan rakaabku waa sideyda oo wey ixraaman yihiin.
Saacad iyo badh dabadeed ayaanu ku degnay madaarka Jidda. Isla
albaabkii aan ka soo baxay ayaan maqalay nin ku
qaylinaya…Xaram..Xaram iyo baabuurtan yaryar ee toddobada kursi
leh..nasiib wanaag waxa ka dhiman laba qof degdeg ayaan u fuulay oon
uga dheereeyey dhowr qof oon isku mar soo baxnay..Rakaabki waxuu
noqday caalamka islaamka..waa Sacuudi, Aniga, Suuri, Masri iyo
Malaysian.
Dariiqu dhowaayo kolkaad tasbiix iyo duco naftaadu laasinto, eed ka
dhoofto waayaha adduunka iyo werwerkeeda. Durtaba gaadhnay Xaramkii
oo agtiisa intaanu ku degnay dhex qaadnay moojadu dad ah oo gees
walba ka imanaaya. Waxaan wataa shandad yar oo dhar aan is leeyehay
ixramka iskaga bedel ay ku jiraan. Waan ka war haya inaan ley
ogolaanayn inaan Xaramka la galo. Waxa kolkaas maskaxdeyada ku jirta
inaan dukaan iska dhigo haddi ley diido. Kolkaan ku dhowaaday
xaramka ayaan arkay boodh weyn oo leh Waa meesha lagu kaydiyo
shandadaha. Maa shaa Alla. halkiibaan dhigtay oo 5 riyaal iyo shan
saacadood ah. Baarakala bi rakhiis…waa 80 pence oo UK ah iyo 5
saacadood. Waa wax ay keentay aqoonta iyo ilbaxnimada iyo hawsha
Sacuudigu ula diyaarka yahay ilaalinta dadka u soo dhoofa cibaadada
Alle ku waajibiyey noqdayna martida Alle.
Sidii anigoo u sooman ayaan casar galay Xaramkii..jidhkeyga waxa soo
gashay nafaqo iyo ruux kordhiyey awoodii jidhkeyga xoog iyo
nafsiyanba. Waxaan raacay leynka cagaaran ee kuu hogaaaminaaya
Kabcada anigoo ka galay albaabka Boqor Fahade kuna xiga albaabka
Boqor Cabdi Casis. Kolka indheheygu qabteen muuqaalkii Kabcada ayaa
jidhkoo dhami dareen galay. Weynida Alle iyo takbiirta kolkaan
qaaday ayaa indhehu I qoyeen..kolkaan u sii dhowaadaba jidhkaa waxa
ku soo kordha lexaad. Dadku garabka ayey isku hayaan. Cidhibtaa
leysku dhufanayaa, garbiska iyo riix, qofna qof eegimaayo oo qushuuc
iyo dareen jeceylka Alle ayaa dad madaxa iyo qalbigaba si wacan u
buuxiyey. Askarta iyo inta nidaamka wadaa, waxaan hadal qabow ahayn
iyo waano ma leh. Askar hanjabaad iyo hadal adeg laga waayey, waa
duul cabsida Alle yaqaan, ogsoon karaamada guriga Alle iyo
martidiisu leedahay. Waa duul tababar gaar ah leh, dulqaadkoodana
aan cidi qiyaasi karin.
Kolkaan dawaafkii soo dhammeystay ayaa maqrib la adimey. Waxa timir
la qaybinayey ley dhiibay dhowr midh kolkaan fadhiisaty ee la adimay
yaan nin agteyda jooga arkay oon timirtii wax ka siiyey. Haddana
biyo ayaa naloo qaybshay. Sidiibaan ku bilaabay inaan sacyigii guto
waa toddoba jeer oo Safa iyo Marwa la dhex soconaayo meelaha qaarna
la ordaayo amba la gucleynaayo. Iyana waan dhammeystay, waxa soo
dhowaatay Cishihii iyo taraawiixdii. Meel loo baxaa ma jirto oo
qofka baxaa siduu u soo noqon ma leh. Sidiibaan ku galay Cishihii
iyo taraawiixdii. Haddaba waxa la yaab leh inaanan marna dareemin
gaajo iyo daal. Waxa afkeyga galay waa laba koob oo biyo ah iyo 3
hal oo timir ah. Waxaan xusuustaa waxaan saanbuusi, quraac, khudaar,
shurbad, shah, keek, timir, casiir, caano, iyo biyo aan afurka cuni
jiray iyo maanta oon sidan ahay, ayaan haddana maanta ka awood
badanay kana gaajo yaray. Ma sha Alla. Waa niyadda gaajadu,
raaxaduna waa tan qalbiga.
Kolkaan taraawiixda dhammeystay ayaan u dhaqaaqay inaan masjidka ka
baxo. Khalqi sida daadka u sinsimaaya oo ax iyo ax toona lahyn ayaan
muddo ku dhex jiray. Waxaan u baxay barxadii debedda mise iyana
waaba masjid oo waliba ay u dheertahay in dadka qaar jiifaan,
hurdaan, qaar cuntu ku cunayaan. Lugtaad qaadaba waa inaad hoos u
eegtaa halkaad dhigeyso. Barxadda waa qabow iyo naacow macaan,
waxaad video ku arki doontaa muruwaxado waayeen oo naacaw biyo qabow
ah hareeraha ku soo afuufaaya barxadda. Waa arrin kale oo horumarku
keenay.
Dhibta manta taagani waa hurdada iyo cuntada. Waxa la dumiyey caro
dhan oo hoteelo iyo dukaamo ahaa. Waxa soo hadhay mool ( Shopping
Mall) iyo hotel ku dhegan barxadda oo aan sinaba ku filnayn baahida
daka. Waa se mid lagaga bixi doono kolka dhismayaasha hadda socdaa
ay wada hawl galaan. Waxa hadaba la helay in leysu dulqaato. Meel
kasta qofku wuu seexan kara, wax ku cuni karaa. Waxaad arkeysaa
dukaan hortiisa iyo ilaa gudihiisa cunto lala fadhiistay. Inta
dukameysanaysaana ka talaabsanayso, ninka meesha lihina aanu waxba
ka qabin. Xaataa waxaad arkaysaa dariiqa cidhiidhiga ah ee baabuurta
oo darafyadiisa bacadle iyo wadhato laga dhigay. Dawlad hoose iyo
mid sare toona ayna waxba ka qabin. Waa diintaana macaan ee ina
faraysa inaynu u dulqaadana dhibta, isu naxno danyartana hoos u
eegno. Dadka niyadda wacan u yimid waxay yihiin kuwa cidhiidhiga
mara ee u dhowaada kabcada, ma aha kuwa Hoteelka masjidkiisa ku
tukada ee awoodda dhaqaale leh. Waa mid ay ku tusayso in lacagtu kaa
fogeyn karto kheyrka haddaadan iska jirin. Waxa se jira rag badan oo
awood dhaqaale leh bal se cimradooda u mara dariiqa danyarta. Waa
sida keliya eed ugu dhowaan karto Kabcada.
Waxaan galay saf dheer oo aan cunto ku iibsado. Anigoo weli saf ku
jira oo 3 sacaadood ku dhowaad ay iga qaadatay ayaa loo kacay salad
tajahud. Waan ka baxay oo hotelka xaramka iyo dugaamada dushooda
ayaa masjid weyn oo ah kan ay madaxduna ku tukato oo isla barxadda
masjidka saran ayaanu galnay waaba masjid aan ka yareen barxadda
debedda ee dadku is buuxdhaafsahy. Kolkaan salaadii dhammeystay
ayaan cunta doontay, hadda saxmaddu wey yartay laakiin wax saacad ka
yar ayey iga qaadatay inaan helo bariis iyo digaag, kolkaan soo
qaatay bal adba hel meel aad la fadhiisato. Waxan arkay qoys reer
Senegal ah oo la cidhiidhsan karo. Nasiib wanaag ayagaaba garaty oo
wiil yar ayey kiciyeen ana halkiisii igu soo dhoweeyeen. Waa meel
raxmad iyo naxariis taalo, qof walba waxuu rabaa inuu ajar
shaqaysto, inuu soo dhoweeyo martida Alle, inoo dulqaato, inuu noqdo
kan lagu qaldamo, intuu noqon lahaa ka qaldama.
Kolkaan cunteeyey, ayaan isla markiiba goostay inaan salaadda subax
ku dhowaado Kabca da. Nasiib wanaag meel wacan oon jidhjiidhna lahayn
oo ah taaga ugu horeeya ee masjidku barxadda Kabcada xadkeeda ah
yaan helay. Waxa kaabad yar oo dhowr qof noo dhexeyso ku tukanaysa
haweeney Shiina ah oo da’ah. Askar iyo wadaadba wey kaxayn kari
waayeen si ay u geeyaan halka dumarku ku tukado. Waxa la yaab ah
qushuucda ruuxaas ka muuqta waxay duco iyo oohin la kala baxday,
deedna waxa ku adkaatay wadaadadii inay saaraan, waxay yidhaahdeen
haddaanu deyno dumarka kale ayaa ku dayanaya. Caala kuli xaal macaa
anagii waxaanu isla garanay in la daayo. Hadalkeedii waxa laga
garatay inay tidhii ilaa cimrigeya ayaan sugaayey inaan ku tukado
meel Kabcadu iiga muuqato. Maantaan hayaa kana tegimaayo… Dumar kale
oo isku dayey kolkii loo xaal waramay wey iska tegeyn.
Ducooyinka Xaramka waxaad had walba ka maqleysaa iyadoo Madaxda
Islaamka loogu duc eynaayo in Alle tuso wanaaga kana dheereeyo
xumaanta. Inagu taas ma nidhaahno. Kolkaas ayaan idhi horta maxaa
inoo diiday inaynu madaxdeeyna u ducayno iyo madaxda Islaamkaba.
Waxaa dalka iyo madaxdaba ugu soo duceeyey in Alle ina tuso xaqqa
iyo wa naaga, inagana fogeeyo xumaanta iyo waxii inoo horseedaaya
naarta. Allow Madaxeynaha iyo madaxda kaleba tus una fududeey halka
danta dadka iyo dalkuba ku jirto, Allow ku garab gal wax kasta oo
wanaaga ah oo ay qabanayaan mid diineed iyo mid duunyaba. Allow
nabadda noo xooji, oo na tus macaankeeda, nagana dheeree colaadda
iyo dabkeed. Allow roob, raxmaad iyo barwaaqo dhaqaale noo fur adaa
rasaaq ah oo khalqigaaga dhergin karee. Allow naga yeel dadka ka
fogaada eexda iyo dulmi talinta, Allow nagu hanuuni cadaaladda iyo
tubta toosan. Aamiin.
Waxaan kolkaan cimrada dhammeystay qaatay mobilkeyga oon ku soo
duubay socdaalkan barakeysan oo ii noqon doona xusuus ma guurta ah.
Guji linka hoose si aad video ahaan u daawatid.
Idina ii soo duceeya in Alle iga aqbalo Cimrada, soonka iyo
salaadda, idinkana sidoo kale heydiinka aqbalo.
Alle heynaga yeelo kuwa uu bishan barakeysan uu naarta ka xoreeyo.
Aamiin.
http://www.youtube.com/watch?v=GhA5nchKX8I
http://www.youtube.com/watch?v=xOVM5AcsaMw
http://www.youtube.com/watch?v=RGFHwNSNCl0
http://www.youtube.com/watch?v=8I57nnotdDA
http://www.youtube.com/watch?v=HoIuhLD1oso
Mahad oo dhan Alle ayaa leh.
Ciid Mubaarak waa kuli caam wa intum bil kheyr.
Ciid wanaagsan oo wacan, waa inoo kulan dambe iyo qaybta labaad.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo
Maalgashiga
Samotalis@gmail.com
http://www.facebook.com/aharwo
http://samotalis.blogspot.com/
|