WAR-SAXAAFADEED

Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Hargeysa
Og: Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (Sonsaf) Hargeysa
Og: Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta (APD) Hargeysa
Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Hargeisa
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hargeisa
Og: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Hargeisa
Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka Hargeisa
Og: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa
Og: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeisa
Ujeeddo: Codsi dib-u-eegid Qaraarkii Fasiraada ee Maxkamadda
Dastuuriga ah
Mudane Guddoomiye
Markii aan tix-raacay go’aanka axsaabta qaranka ee ay kalsoonida
buuxda ii siiyeen in aan go’aan ka gaadho Mashruuca Saami-Qaybsiga
Kuraasta Golaha Wakiillada, ka dib markii ay ku adkaatay in ay talo
middaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan.
Markii aan tixgeliyey Warbixinta Akaademiyada Nabadda (APD) iyo
Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSAF), oo si
cad u muujiyey codsiga Bulshada Gobollada Somaliland, kaas oo ku soo
ururraya baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qeexo
Saami-qaybsiga Kuraasta Aqalka Wakiillada doorashada ka hor,
warbixintaas oo tilmaantay gobolna in aanuu ku qanacsanayn tirada
kuraasta uu wakhtigan haysto, sidaa darteedna ay muhiim tahay in loo
helo xal waara.
Markii aan arkay qoraallada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo
Warbixinta Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Aqalka, oo si qeexan u
faahfaahiyey tabashada Gobollada Dalka ee Saami-qaybsiga Kuraasta
Golaha Wakiillada, kuna taliyey in talo qaran laga yeesho.
Markii aan arkay Dastuurka Qaranka Qodobka 8aad xubintiisa 1aad iyo
2aad, Qodobka 22aad iyo Qodobka 90aad.
Markii aan qiimeeyey Qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay Doorashadii Golaha
Wakiillada ee 2005-kii, kaas oo jidaynayey in Saamiga Kuraasta
Golaha Wakiillada ee hadda lagu kala fadhiyo hal mar oo keli ah
doorasho lagu galo, wixii ka danbeeyana tiro-koob guud dalka laga
qabto.
Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo
siyaasiyiinta Gobolka Awdal ee ku saabsan saamiga uu hadda
gobolkaasi ku leeyahay Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda
Somaliland.
Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo
siyaasiyiinta Gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ku
saabsan saluugga awood qaybsiga talada dalka iyo saamiga ay hadda
gobolladaasi ku leeyihiin Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda
Somaliland.
Markii aan ku qancay cabashada Dumarka iyo Dadka laga tirada badan
yahay ee ku saabsan Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada, taas oo u
baahan in loo sameeyo qorshe u gaar ah.
Markii aan yaqiinsaday in qaabka saami-qaybsiga Kuraasta Golaha
Wakiillada haddii doorashada lagu galo sidii hore, ay caqabad ku
noqon karto shirarka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta qaran ee aan
ku martiqaaday wax-garadka iyo waayeelka bulshada deegaanada Sool,
Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ka dhici doona Magaalada Burco
25/10/2016-ka.
Markii aan shaki la’aan isku qanciyey in muddada kooban ee ka
hadhsan Xilliga Doorashada Golaha Wakiillada, iyo Ahmiyadda
Siyaasadeed ee ay Qarankan u Leedahay in la helo saami-qaybsi lagu
wada qanacsan yahay oo si sharciga waafaqsan u daboola cabashooyinka
hadda taagan aanay suurtagal ahayn in lagu dhamaystiro xilliga
doorashada ka hadhay oo dhan 7-bilood, iyada oo loo baahan-yahay in
la helo wakhti ku habboon oo lagu xalliyo mushkiladan.
Markii ay ii cadaatey in haddii Doorashada Golaha Wakiillada lagu
galo qaabka saami-qaybsiga ee hadda jira, ama la sameeyo
saami-qaybsi cusub oo aan laga baaraan-degin ama aan taladiisa la
balaadhin oo u muuqda mindi roortayn, in taasi ay keeni karto muran
iyo buuq hor leh oo sabab u noqon kara in uu galaafto doorashada
kale ee barraxan, taas oo micnaheedu yahay in labada doorasho uu ku
yimaado dib-u-dhac, laf-jab qarankan ku ah.
Markii aan ka duulay sida ay iiga go’an tahay shakhsi ahaan in aan
dalkan ka suurta-geliyo doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loogu
talo-galay.
Markii aan dersay Go’aankii Golaha Guurtida ee jideeyey in labada
doorasho (Wakiillada iyo Madaxtooyada) hal mar la wada qabto
28/03/2017 iyo Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda
Somaliland ku ayidday labada doorasho ee isku-lamaan.
Markii aan xaqiiqsaday in ay tahli kari waayeen Mudanayaasha iyo
Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu diyaarinta Xeerka Doorashada Aqalka
ee uu bud-dhigga u ahaa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu,
xilligii ku habboonaa muddo xileedkii dheeraa oo uu goluhu lahaa
mas’uuliyadda sharci-dejinta koowaad. Aniga oo dareensan in markii
ay golaha ku adkaatay in uu iskaga aragti noqdo qabyo-tirka xeerkan,
gaar ahaan xal u helidda Saami-qaybsiga kuraasta uu isa soo
dhaafiyey oo uu ii soo gudbiyey.
Markii aan xog-ogaal u noqday in Doorashada Golaha wakiillada ay
hortaal caqabad farsamo oo aan yarayn, taas oo salka ku haysa
Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo u
baahan in la dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeelad
leh.
Markii aan qiimeeyey in ilaalinta midnimada iyo wada jirka Ummadda
Somaliland ay tahay waajib hoggaamiye ahaan i saaran, taas oo mudan
in aan muhiimada ay leedahay darteed ka hor mariyo wax kasta, iyadoo
ay iga go’an tahay in aan ka tago dal mid ah iyo dad midaysan.
Waxaan go’aamiyey;
1.in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga
gobollada ee hadda jira.
2.in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga
Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada,
iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool iyo Sanaag
Bari.
3.in qiimayn iyo tixgelin lagu sameeyo saamiga kuraasta Golaha
Wakiillada ay ku yeelan karaan Dumarka iyo Dadka laga tirada badan
yahay.
4.in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku
soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala
duwan iyo daneeyayaasha sharci.
5.in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si
loo helo muddo ku filan hawlaha go’aanada sare ku xusan, iyadoo
Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada
Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.
Haddaba, ka dib markii aan soo saaray go’aamada kor ku xusan, waxaan
u gudbiyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si uu uga guto
waajibkiisa dastuuriga ah, maadaama ay iyagu hore ugu codeeyeen in
la isku lamaaneeyo labada doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada,
isla markaana go’aan ku soo saareen.
Mudane Guddoomiye, waxaan si xushmad leh kuugu war-gelinayaa in
Golaha Wakiilladu iyaga oo tixgelinaya sababaha aan u cuskaday
dartood ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 17/09/2016, go’aan Lr.
GW/KF-31/708/2016 kala qaadista Doorashada Golaha Wakiillada iyo
Doorashada Madaxtooyada, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo
dhigayo, Doorashada Madaxtooyadana wakhtigeeda lagu qaban doono.
Sidaa darteed, waxaan Maxkamadda Dastuuriga ah ka codsanayaa in ay
dib-u-eegis ku samayso Qaraarkii Fasiraadda ahaa ee Maxkamadda
Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015,
iyada oo ka duulaysa, isla markaana tixgelinaysa sababaha kor ku
xusan.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|