Axmed-Siilaanyo oo ka
Digay Cawaaqib-xumo ka Dhalan Karta Dib-u-dhac ku Yimaad
Doorashada Madaxtooyada
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka
ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa ka digay
dib-u-dhac ku yimaadda waqtigii loo qoondeeyey qabsoomidda
doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 29-ka
March 2009, taas uu xusay inay ka dhalan karto cawaaqib xumo iyo
iska horimaad.
Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa kaga dhawaaqay aflad ay asxaabta
qaranka iyo Komishanku wadajir ugu saxeexayeen heshiiska
xeer-dhaqameedka axsaabta siyaasadda ee diiwaangelinta
codbixiyeyaasha iyo sidii looga shaqaynsiin lahaa Seerfarka, ayaa ku
tilmaamay in Guddiga Doorashooyinku ay dhib weyn ka soo muteen
hawshii diiwaangelinta, isla markaana ay xil weyn iska saareen
hirgelinteeda.
"Waa markii ugu horreysay ee hawsha diiwaangelinta aynu fulinay,
diiwaangelinta oo aasaas u ah doorashooyinka xorta ah ee hagaagsan,
innaga bulshadeena reer guuraaga ah ee soc-socd walaac iyo shaki
badan ayaa innagaga jiray inay diiwaangelintu dalka ka hirgeli
doonto aad baynu dood uga soo galnay, aakhirkiina aynu goosanay in
diiwaangelintaas galno oo duniduna innaga caawisay,
deeq-bixiyeyaashu gacan weyn oo dhaqaale iyo farsamaba leh ayay inoo
geysteen, laakiin hawsha iyo kharashka qaranka ka gashay ay kun jeer
ku soo labanlaab maysay tii deeqbixiyeyaasha."
Guddoomiyaha KULMIYE waxa waxa uu ka digay dib-u-dhac dambe oo ku
yimaadda doorashada madaxtooyada Somaliland, "Waxaynu ognahay inta
jeer ee doorashadu ay dib u dhacday intay wakhtigeedii dhaaftay,
waxay maanta ummaddu u dhegtaagaysaa oo sugaysaa inay timaad
doorasho wakhtigeedii ku dhacdaa inay timaad. Waynu ogsoon nahay
barigii dhawayd saddex ilaa afar jeer ayey doorashadu dib u dhacday,
ummaddu ma xamilayso mana aqbalayo doorasho dib u dhacda, sababta
ugu weyni waxa weeye waxa iman doonta xaalad cusub oo hor leh,
wakhtigii dhammaaday berigii hore shardiga aynu ku kordhinay wuxuu
ahaa inaan muddada dambe ee doorashada laga gudbin, haddii taasi
timaadna qulqulatooyin hor leh ayeynu galaynaa. Ilaahay waxaannu ka
baryaynaa inay doorashadu waqtigeedii innoogu dhacdo taas ayaan idin
kula shaqaynaynaa [Komishinka]," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Jamhuuriya Online
|