Axmed-Siilaanyo Oo Hanjabay

 


Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku hanjabay inuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin madaxtooyada ka soo bixi doono haddii ay doorashadu qabsoomi weydo 29 March oo ah wakhtigii loo cayimay.

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay mooshinkii xil ka qaadista ahaa ee uu dhawaan ka badbaaday guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan (Saleban), waxaanu mooshinkaas ku tilmaamay mid lagu tabaabushaynayay sidii ay doorashada madaxtooyadu dib ugu dhici lahayd, "Inay wakhtigeeda ku qabsoonto cidda ay saarantahay waa madaxweynaha." Ayuu yidhi Md. Siilaanyo, oo shalay u waramay Telefiishanka Somaliland Space Channel, waxaanu intaas raaciyay, "Berigii dhawayd iyadoo wakhtigii uu dhacay oo ay dhawr jeer dib u dhacday heshiiska la gaadhay ayaa ahaa in haddii ay arrimaha caynkaas ahi yimaadaan ay noqoto in dib looga shiro oo wax la isaga weydiiyo. Dawladii dawlad ku meelgaadh ah ayay ahayd, qaab ay asxaabtu isla qaateen buu ahaa, waxyaabo badan oo ku xidhnaa oo ay ahayd inay fuliyaan may fulin dawladu. Waxa ka mid ahaa in guddi wada jir ah la sameeyo oo hubisa inaan awoodda qaranka lagu isticmaalin siyaasadda oo aanu xisbiga UDUB u isticmaalin, wax alla wax iska bedelay ma jirto oo waa taas ay gaadhigii dawladda iyo hantidii qaranka lagu isticmaalayo ololaha. Markaas waxaas oo dhan waxaanu u aragnaa in loo gogol xaadhayo in hadhowto wakhti kale sababta loo dhaqdhaqaajiyay guurtiduna ay tahay in la keeno sabab ay kordhini ku timaado, taas ayaanay iska hortaagaysay mid dhacaysana maaha, wakhtigii doorashada aya la doonayaa inay timaado. Haddii ay doorashadu dhici weydo waxa imanaysa inuu Madaxweynuhu meesha ka dhaqaaqo, wixii kale ee umadda loogu tallinayo iyo goleyaasha ay masuuliyadooda qaadayaan sharciyadda ay ku fadhido."

Md. Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay ciidamo Boolis ah oo uu sheegay inay Sabtidii toddobaadkan tageen xarunta xisbiga ee Hargeysa, "Ciidamadaas Booliska ahi sababta ay u tageen xafiiska waa arrin aanaan garawsan waxa geeyayna aanaan garanayn xaqna aan la noogu lahayn." Ayuu yidhi guddoomiye Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay, 'Xaruntayadu waxay leedahay xisaanad, waa xafiis xisbi qaranku uu leeyahay, haddii ay wax dhibaato ahi jiraan waajibku waxa uu ahaa inay Boolisku noo sheegaan, waa arrin aanu dacwo uga qori doono oo aanu taliyaha Booliska iyo Wasiirka daakhiligaba weydiin doono inay tatahay gardaro qaawan iyo foolxumo."


 

 


Wargeyska Geeska Afrika