Axmed-siilaanyo oo Garabka Khilaafku ka Dhexeeyo ugu Baaqay inay Qaataan Go,aamada Ergada Dhexdhexaadinta

 

"Waxaanu walaalahayo u soo jeedinay inay go,aamadaa aqbalaan oo aannu hore ugu tallaabsano wixii danta iyo maslaxadda ummadda iyo xisbigu ku jirto"

Axmed-siilaanyo

Hargeysa (Togdheernews26Sept)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa ugu baaqay garabka kale ee xisbigooda khilaafku kala dhexeeyo inay aqbalaan oo ay u hoggaansamaan go,aamadii ka soo baxay guddigii dhexdhexaadintu xalka u arkeen.

Md. Axmed-siilaanyo oo xalay u warmayey Telefishanka Qaranka, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in garabka uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ay qaadanwaayaan natiijadii ka soo baxday guddiga dhexdhexaadinta oo labada dhinacba ay siiyeen kalsooni buuxda. Waxaannnu ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkooda oo hawlaha xisbiga iyo qarankaba u yaala ka qaybqaataan.

Guddoomiye Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay in aanay habayaraatee jirin laba dhinac oo xisbiga KULMIYE u kala jabay, isla markaana uu xisbigu si buuxda u dhisan yahay, hoggaankiisuna shaqaynayo.

Ugu horreyn Guddoomiyuhu isaga oo ka hadlayey sida ay u ku bilaabantay hawsha dhexdhexaadinta iyo aragtidooda go,aamada guddiga waxa uu yidhi; "Guddigii dhexdhexaadinta ee hawsha ku jirtay ilaa laga soo bilaabo shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay Burco oo go’aamadii ka soo baxay dadka qaar ka cawdeen, si kastaba ha ahaatee wadahadal baanu xisbigayaga dhexdiisa ka galnay, guddi baanu ku heshiinay labada dhinac isla qaateen inay isku kayo keenaan oo ay hawshaa galaan, guddigaasi dhawr jeer way na kulimisay iyagana gooni bay ula kulmeen annaga gooni bay noola kulmeen, kalsoonina waanu siinay in wixii ay gartaan aannu ku dhaqano, sidaad maqasheen guddigii go’aamadoodii way soo saareen waanay na maqashiiyeen labadayadii dhinacba. Guddigaas oo ahaa dad masuuliyiin oo xilkas ah oo nooc kastaba leh, annagu waanu aqbalnay go’aamadii ay soo saareen iyo wixii cannaan ama soo jeedimo ahaa, talo dad xisbi ah baynu nahay, dad hawl badani u yaalaan ayeynu nahay ha noqoto mid qaranka ama xisbiba oo Diiwaangelinii leh oo Doorashooyinkii leh, markaa waxaannuna walaalahayo u soo jeedinay iminka aannu ku guubaabinaynaa in go,aamadaa la aqbalo oo aannu hore ugu tallaabsano wixii danta iyo maslaxadda ummadda iyo xisbigu ku jirto."

Mar la weydiiyey Axmed-siilaanyo waxa ka dhalan kara haddii khilaafka xisbigoodu sii jiro oo qolo waliba ku jiq sii adeegsato waxa uu yidhi; "Xisbigu horta muu kala jabin oo laba garab maaha ee sharci buu leeyahay oo wuu dhisan yahay oo hoggaankiisii uu dhisan yahay, laakiin koox baa wax tirsanaysay, kadibna ergo ayaanu ugu baaqnay inay na dhexgasho, ergadiina go,aan bay gaadhay annagu waanu qaadanay dee waajibku waxa weeye iyaguna inay qaataan, waana ayaan-darro inay qaadanwaayaan aad iyo aad baanuna waanu uga xunahay."

 


 


Togdheernews