Axmed-siilaanyo muxuu ka yidhi haddii dib-u-dhac ku yimaado doorashada?



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed  Ma xamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay Golaha Wakiilladu shalay mareen jidkii saxa ahaa oo ay kala mid noqdeen dunida iyo dadka intooda badan, ka dib markii ay ansixiyeen go’aan ay ku burinayaan laalistii Komishanka iyo  aqbal aadii Madaxweynaha ee diiwaangelin la’aan in doorashada lagu galo.

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-siilaanyo oo shalay waraysi khaas ah uu la  y e eshay Cabdiraxmaan Muuse Cumar oo ka tirsan Taleefishanka Space Chanel isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa waraysigaasi oo dhinacyo kala duwan taabanaya waxa uu u dhacay sidan:

SLSC: Waxa jira muran dhinaca siyaasadda doorashooyinka dalka ah, markaa waxaan jeclaan lahaa bal inaad marka hore ka warbixiso xaaladda dalka iyo mawqifkaad ka taagan tihiin?

J: Waxaan u malaynayaa arrintaa inuu Xisbigu inbadan buu cadeeyay  mawq ifta uu ka taagan yahay, waana mid aan muran ku jirin. Axsaabta  mucaar adka ahina meel cad bay iska taageen iyo ummadda inta badan iyo deeq-bixiyeyaashu go’aankii ay qaateen Komishanka iyo Dawladu ee ay  yidhaahd een keligayo ayaa ku dhaqmayna bilaa-diiwaangelina doorasho ku gelayna. Taa xisbi ahaan, annagu waanu diidnay, labada xisbi-mucaaradbana anaga oo ka midaysan, dunida inala shaqaynaysay ee inaga caawinaysay, waxna inaga taraysay diiwaangelintii oo adduun fara badan ku bixisay oo ah  caala mkii aynu ka sugaynay inay ina ictiraafaan, wax inala qabtaan ee aynu  wa da-shaqaynaynay iyana meel bay iska wada tageen. Waxaad moodaa taa inay maamulka dawladda Rayaale yo xisbigiisu ay cidla ka taagan yihiin oo keligood ay yihiin iyo intii kale.

Maanta waynu arkaynaayoo waa tan  baarlam aankii uu gudbiyay qaraarka uu ku muujinayo isaguna (golaha wakiillada) inuu diidan yahay arrintaa ee uu la saftay ummadda intii kale, markaa waa ummadda intii kale, deeq bixiyeyaa shii, dunidii iyo sharciyaddii oo dhinac ah iyo Ina Rayaale iyo Komishankii oo dhinac ah ayaad moodaa inay maanta arrintaasi tahay. Markaa taana waynu ognahayoo annagu markii aanu berigii dhawayd dibadda joognay, annagiyo Faysal Cali Waraabe waxaanu  adduun ada qaybo badan oo ka mid ah,  waxa anu la kulanay cid ka socota Qaramada Midoobay, EU-da, Ameerikaanka, dha maan waxaanu ka dhaadhicinaynay ama iyaguba aad ula socdeen wadciga dalku marayo. Wadciga dalku maanta marayaana maaha mid lagu farxo, waa mid aan u arko, dee inuu dhibaato iyo khatar aanu ka baqno inagu keeno, Illaahay waxaan ka baryayaa inaanu nagu keenin, waxaananu rajaynaynaa in maanta halkay mareen danta iyo maslaxadda ummadu ay ku jirto. Kaas ayaanu taaganahay, kaas ayaanu ku adkaysanaynaa, kaa ayaanu ku  socon aynaa annagu.

SLSC: Madaxweynuhu wuxuu sheegay in liiska diiwaangelintu aanay kala shaandhaysnayn, isla markaana uu mustaqbalka keeni karo iska-horimaad, markaa lexejecladaa u muuqata Madaxweynaha, adiga ka-guddoomiye ahaan miyaanay kuu muuqan?

J: Madaxweynuhu hadii uu dalka lexejeclo ka qabo toddoba sannadood isagu iskumuu cel-cesheen, Madaxweynuhu hadii uu dalka lexejeclo ka qabo wax walba aniga keligay iyo anigaa sidaa gartay ma yidhaahdeen,  Madaxwey nuhu hadii uu dadka lexejeclo ka qabo doorashuu qaban lahaa,  Madaxwey nuhu hadii uu dalka lexejeclo ka qabo xoolaheedii iyo ummadeedii wixii  baab a’ay buu u ilaalin lahaa, Madaxweynuhu hadii dalka lexejeclo ka qabo  musuq maasuqa xadhkaha goostay, cadaalad-darrada, xabsiga, xadhiga, Adeer waxaasuu wax ka qaban lahaa. Madaxweynuhu waa maanta dunuubta  qar anka ka dhacday ninka loo haysto, wixii dalka ka dhacay ninka loo  hayst aa waa isaga, ninka dimuquraadiyadii lumiyay waa isaga, ninka cadalaadii  lumi yay waa isaga, ninkii dhaqaalihii burburiyay waa isaga, markaa taa isaga waxaasuu ka qabaa yaan la odhanin. Wuxuu ka qabo, wax ka duwan baanu anagu dalka ka qabnaa maanta. Markaa hadii cidi lexejeclo u hayso anagaa dalka lexejeclo naga haysaa, anagaa isu aragna in dadkii maanta nabadgelin karayay, ilaalin karayay, toosin karayay inaanu nahay, waana ka ummadda iyo shacbigu u badan yahay. Hadii uu lexejeclo ka qabo waxa ummadda iyo shacbigu halkay doonayaan ee ay iyagu rabaan ee wakiillaooda, waxga rakeediyo, axsaabtii kale iyo dunidii aynu maanta u baahnayn, inagaa u baahan in nayla gacan-siiyo, inagaa u baahan in ictiraaf nayla siiyo’e ha u hogaansamo wixii danta mmadu ku jirto.

SLSC: Guddoomiye Somaliland mudo dheer ayay soo dhisnayd iyada oo aanay beesha caalamka taageero ka helin, markaa hadii uu Madaxweynuhu yidhaahdo wixii burburinaya dalka beesha caalamka ka ogolaanmaayo, Somaliland-na horay u dhaqaaqday oo iyada isku xisaabtantay, arrintaasi miyaanay idinka qudhiina idiin muuqan?

J: Horta, marka ugu horaysa ummadu waxay qabsatay, iyagaa inteeda badan qabsatay, waynu ognahoo lama odhan karo xukuumadu iyadaa qabatay. Waynagaa dariiqyadii magaalada gudeheedii aragna, waynagaa cusbataaladeenii aragna, haday jaamacado tahay haday wadooyin tahay, haday wax la qabtay tahay, Illaahay ka sokow waa shacbiga reer Somaliland ee wax maanta dawladu ku aano-sheeganayso maaha. Dawladu siaa aan sheegayo waa ta cadaalada burburisay, dawladu waa ta maanta  dekedeh eedii iyo xooleheedii burburisay, dawladu maanta waxay ku faanto may qaban oo taas ummadda ayaa ka markhaati-kacaya oo hadii uu aaminsan yahay (Madaxweynaha) inuu shacbigiisa wax u qabtay, maanta sidaa ay doorasho u dhacdo ee cadaalad ah ee lagu soo shaqaynayay ee laysku ogaa ee ballanka iyo sharcigu ahaa buu ku dhaqmi lahaa. Markaa ha u soo noqdo danta iyo maslaxadda ummada.

SLSC: Waxa jiray 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay warar sheegayay inay shaqsiyaad ka odayaynaya khilaafka siyaasadeed ay guriga kuugu yimaadeen, markaa ma jiraan?

J: Maya, maya, shaqsiyaad iila yimi gorgortan iyo hawlo noocaas ahi haba  ya raatee ma jiraan……..laakiin odayaal booqasho iigu yimi oo caafimaadkayga I waydiinayay way jireen, laakiin siday ummadduba iigu imanaysay bay iigu yimaadeen.

SLSC: Guddoomiye waxa jiray warar sheegayay in mawqifkii aad ka taagnayd arrintu diiwaangelintu uu markii hore ahaa mid ka duwan kaad immika ka taagan tahay, balse markii deeq-bixiyeyaashu ay ku adkaysteen, cadadis badana Somaliland lagu saaray KULMIYE markaa isbedelay, markaa bal taa ka waran?

J: Markii diiwaangelinta aan soo qaadanaynay, mar walba mawqifkaan taagnaa wuxuu ahaa ‘diiwaangelintu shaqo fara badan bay u baahan tahay, diiwaangelintu wax inagu cusub bay inagu noqonaysaa, way wanaagsan tahay baan odhan jiray, waayo waa qurxin, wayna fiican tahay baan weligay odhan jiray; laakiin bay’adeena iyo dhaqankeena iyo bulshadeena dhibaatooyin fara badan ayay la iman kartaa baan odhan jiray.’ Waa tii ummadu ka ada-shaqaysay, waxaynu gelinay kharash fara badan, waxaynu gelinay hawl fara badan, waana ku guulaysanay. Markaynu ku guulaysanay ee waxaasoo dhan gelinay ee aynu dhamaystiranay hawshii in maanta la yidhaahdo aan tuurno immika hadaynu markii hore ka joogi kari waynay, maaha wax maskaxdu qaado. Waynu ka hawlgalay…..waynu ku heshiinay…midhaa ka dhashay, heshiis baa laga gaadhay….laakiin hadii laga guurayo natiijadii ka soo baxday waxay ahayd in laga heshiiyo, balse inay komishankii iyo dawladii yidhaahdaan anagaa keligayo ka guurayna war caqligagala maaha. Komishanku axsaabta dhex-buu u yahay, maaha inay iska sheegaan oo ay yidhaahdaan anagaa ka guuray. Hadii ay ka guureen, anagu kamaanaan guurin, shacbigii, dunidii iyo baarlamaankiina waa nagu raacsan yihiin, halkaas waxaanu u aragnaa inaanu xaqii iyo gartii anagu ku taaganahay.

SLSC: Maanta (shalay) waatanoo golihii wakiilladu go’aan bay soo  saare en,markii hadiiba wadahadalo yimaadaan oo laga heshiiyo in diiwaangelintii natiijadeeda lagu dhaqmo, waxa muuqata in dib-u-dhac ku yimaado waqtigii doorashada loo mudeeyay axsaabtiina mucaaradka ahi sidaad u arkaysaan ama taas diyaar ma u tihiin taas?

J: Hadii doorashadu dib u dhacdo, anagu dib bay u dhacaysaa odhanmaynee, doorashada waqti baa loo qabtay, arrinta doorashada hadii dib u dhac ku yimaado, doorashadu qudha dib-u-dhacaasi ku iman maayee waxa soo baxaysa arrin horeba u taagnayd baa imanaysa. Waxa imanaysa arrintii taagnayd ee ahayd ciddii dalka doorasho gaadhsiin lahayd, waqtigii  Madaxe ynuhu wuu dhacayaa, waanu ka dhamaanayaa waqtigii lagu heshiiyay,  isagu na ballanqaaday, axdina lagu galay, qarankuna uu la ogaa, inaanu kordhis dambe soo dalban ayaa laysku ogaa. Heshiis bay ahayd, caalamku ka  markh a ati ahaa, bulshadu ka markhaati ahayd, markaa arrinta ka darnaanaysa taa doorashadu waxay noqonaysaa, dalka yaa doorasho gaadhsiinaya.



Source: ogaal