Axmed-Siilaanyo
Oo Saaxiib Cusub Ka Samaystay Beelaha Samaroon,
Salaankana Ka Tuuray Xiddigii Awdal


Shirkii Golaha dhexe ee xisbiga
KULMIYE uga socday magaalada Burco oo shalay la soo gebagebeeyay
ayaa lagu doortay labada masuul ee xisbigaas uga qayb geli doona
doorashada Madaxtooyada.
Shirkaas Golaha dhexe oo ay fadhiyeen 194 xubnood, ayaa waxa ka
dareeray 63 xubnood oo taageersanaa labada murashax ee ku loolamayay
jagada Madaxweyne ku xigeenka kuwaas oo kala ahaa Cabdiraxmaan Aw
Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami. Hase yeeshe 131 xubnood oo
shirkaas ku hadhay ayaa cod u qaaday labada murashax ee xisbiga u
meteli doona doorashadaas, waxaanay u doorteen Md. Axmed Maxamed
Siilaanyo iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici.
Halaga Daba tago
Md. Siilaanyo, oo hadal ka jeediyay madashii lagu doortay, ayaa waxa
uu ku dhawaaqay inuu u hawlgeli doono sidii looga daba tegi lahaa
saaxiibadiisa shirka ka baxay ee ay hormoodka u yihiin Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu yidhi,
“kuligeena maanta wixii ka danbeeya waxaynu ka wada shaqaynaynaa in
aynu raadino, soo celino walaaleheenii sidii ay doonayeen aanay wax
ugu dhicin ayaanu raadinaynaa, waynu isa saamaxaynaa markale ayeynu
gacanta is qabsanaynaa weynu wada hawl galaynaa.”
Ma Aqbalayno
Hase yeeshe xubnaha shirka ka baxay oo shalay galab shirjaraa’id ku
qabtay magaalada Burco, ayaa sheegay inaanay marnaba aqbali doonin
natiijadii shirkaas ka soo baxday, iyagoo ku dooday inaanu kooramkii
shirkaasi buuxin, “Dorashada maanta dhacday ee halkaasi ka dhacday
waxay ahayd doorasho xaaraana mana aqoonsanin waxii ka soo baxayna
may ahayn wax sharciga iyo distoorka xisbiga midna ku jirta sidaas
oo ay tahay marna ma aqoonsanayno waxa halkaasi ka dhacay waxaanan
kuu sheegayaa Anaga nimankayaga halkan joogay waxanu ahayn 107 ergay
oo halkan joogay muu buuxsamin kooramkii shirku isagoo ay sidaas
tahay ayaa haddana shirkii la afduubay oo la yidhi kooramkii wuu
inoo buuxaa ee doorashada gala.’ Sidaas waxa yidhi Mujaahid
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo isagu u sharaxnaa jagada Madaxweyne
ku xigeenka
Mar la weydiiyay go’aanka ay qaadan doonaan waxa uu yidhi,
Cabdiraxmaan yidhi “Talaabada aanu qaadaynaa waxa weeye imika halkan
waxaanu ku dhisnay gudi gudidaas taladeda ayaanu sugaynaa oo anagu
waxaanu nahay Garab gaara markaa wixii meeshaas ka soo baxay waanu
ka tashanaynaa.”
Waxa kale oo shirkaas jaraa’id ka hadlay Dr. Cumar Cilmi Dixood, Md.
Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna u sharaxnaa jagada Madaxweyne ku
xigeenka, waxaanay labadooduba sheegeen inaanay aqoonsan doonin
natiijadii ka soo baxday shirkii Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE,
“Sidaas si leeg waxaan u arkaa in uu sharci daro yahay wixii ka soo
baxayna suuq madaw yahay.” Sidaas waxa yidhi Md. Cadami.
Mujaahid Ibrahim Dhegaweyne, oo isna shirkaas jaraa’id hadal kooban
ka jeediyay ayaa yidhi “Idinkuba (saxaafadda) waad arkayseen wixii
meesha ka dhacay, shalay waxa la qabtay 14 kaadh oo suuqa lagu soo
sameeyay, shir gudoonkana waad waydiin karaysaan meel iska furana
go,aan laguma gaadhi karo. Haddii xisbiga cadaalad laga waayay
iyadoo banaanka la joogana oo aan tala la qaban cadaalada la helayaa
hadhaw way adkaanaysaa waxa wax lagu heli karayaa xisbiguna xisbi ku
ahaanayaa marka loo dhanyahay taladiisa ee wixii xalaal ku soo
baxana la taageero laakinse talada aan wataaba soconaysa markaa
waxaan leeyahay cida ku faa’iida la arki doonee maanta la kala tagye.”
Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa muddooyinkii dambe la sheegi jiray
inuu bedelay aragtidiisii siyaasadeed ee ku waajahayd gobolka Awdal,
waxaana la hadal hayay inuu Xaaji Axmed saaxiibo cusub oo dhinaca
siyaasadda ah ka samaystay gobolkaas, iyadoo la tilmaami jiray inuu
mad-madow soo kala dhex galay Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ay
jaal ku hayeen halgankii SNM.
Waxaana isfaham waaga Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ka
soo ifbaxay shirkan golaha dhexe ee xisbigaas, markaas oo la arkay
in Guddoomiye Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweyne ku xigeen u wato
Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, oo inkasta oo uu siyaasadda ku
cusubyahay ah aqoonyahan qunyar socod ah.
Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa ay
ahaayeen saaxiibo isku aragti dhow marka la eego dhinaca siyaasadda,
waxaanay soo wada mareen duruufo kala duwan oo ay ugu adkayd markii
ay doorashadii hore ee Madaxtooyada Somaliland ka qayb galleen
iyagoo isu ah Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Hase yeeshe
muddooyinkii dambe waxa ay u muuqdeen siyaasiyiin sii kala durkaya,
waxaana kaalintii Cabdiraxmaan, uu Md. Siilaanyo gashaday Md.
Cabdiraxmaan Saylici, oo uu doorkan u wato inuu u noqdo Madaxweyne
ku xigeen. Sidaas daraadeed waxa la odhan karaa Axmed Siilaanyo,
waxa uu gobolka Awdal ka samaystay saaxiib siyaasadeed oo cusub oo
uu ku bedeshay kuwii hore, waxaanu shalay salaanka ka tuuray
xiddigii gobolka Awdal caanka ku ahayd Md. Cabdiraxmaan Aw Cali
Faarax iyo weliba Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo doorashooyinki
hore ee Somaliland ahaan jiray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka
qaranka.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|