Axmed Yuusuf Yaasiin Oo XukuumaddaKu Eedeeyey Inay Bedeshay Hab dh
aqankii Arimaha Dibada Ee S/land U Yaalay, Soona Dhaweeyey Isku
Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Sameeyey
“Waxa Hore Loo Soo Saaray Shuruuc, Kuwaas Oo La Gaadhsiiyey Dhamaan
Qaybaha Kala Duwan Ee Somalila nd Haday Noqon Lahaydn Caaqilada,
NGO-Yada Iyo Dhamaan Ummaddu, In Nina Tagi Karin Ninkii Tagana Laga
Qaadayo Talaabo Qaran Dumisnimo Ah”
Hargeysa, June 14, 2011 (TNN) – Madaxwayne ku xigeenkii hore ee
Somaliland ah-na ku simaha guddoomiyah a xisbiga mucaaridka ah ee
UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ugu
baaqay inay ka leexatay Istiraatiijadii Somaliland uga taalay
siyaasada Arimaha Dibada, kaas oo tilmaamay in Shuruu ci hore looga
soo saaray in aan laga qaybgali karin meel lagu hayo arimaha
Somalia.
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddan
Siilaanyo ay ka tiro badan tahay xukuumad dii hore, isla markaana uu
u ummadda u sheegi jiray inuu soo dhisi doono xukuumadd tiro yar oo
tayo leh, bal se uu soo dhaweeyey isku shaandhaynta lagu sameeyey
golaha xukuumadda, kaas oo xusay in magacaabista taliyaha booliska
Maxamed Saqadhi Dubad uu yahay nin aqoon dheer u leh arimaha
bilayska, kuna tilmaamay inuu yahay ninka kaliya ee aan Musuqmaasuq
Galin (“0” Corruption).
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin
waxa uu sheegay in xukuumadda mad axwayne Siilaanyo ay jabisay 19
qodob oo ka mid ah distuurka qaranka, isla markaana wax ka badal ay
ku sa meeyeen qaar ka mid ah qodobada distuurka.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay
Wargeyska Haatuf waraysi khaas ah ku siiye y xafiisa ugu horayn
isaga oo ka hadlay siyaasada arimaha dibada ayaa waxa uu yidhi
“Wixii ka dhaxeeya So maliland iyo Somalia waxbaa ka dhaxeey, waliba
iyagaa wax badan inaga haya waxaana hore ayaa caqabado looga dhigtay
marka 1994-kii laga soo bilaabo markii siyaasiyiin badan oo reer
Somaliland ahi ay yaaceen, ay aa la yidhi maxaynu ka yeelnaa
siyaasiyiinta yaacday ilayn cagta ayey ina qabanayaane. Markaa waxa
la soo saaray shuruuc, kuwaas oo la gaadhsiiyey dhamaan qaybaha kala
duwan ee Somaliland haday noqon lahayd Caaqilada, NGO-yada iyo
dhamaan ummada oo dhan, kuwaas oo lagu wargaliyey inaanu nina tagi
Karin ninkii tagana laga qaadayo talaabo qaran dumisnimo. Mida kale
waa in aynu iswaydiinaa goorta ay Somaliland iyo Somalia wada hadli
karaan waa marka ay wax dhistaan, inaga yaanay waxba isku keen
feeraarinin oo aanay inoo odhan Puntland, Juboland, Mareegland iyo
Galmudug. Waxan la sheegayo oo dhami waa Somalia oo kala fur-furantay
markaa waa in Istiraatiijiyadii hore ee fiicnayd la qaataa,
qolooyinkan Somalia isku hayaa naga wakhtigayagii way naga quusteen,
mana quruxbadna inaad iskaga dhex dhacdo arimahooda oo aanay dani
kuugu jirin. Marka marka kaliya ee aynu Somalia la hadli karnaa waa
marka la arko Somalia oo dhisatay dawla d oo leh madaxwayne la soo
doortay, baarlamaan la soo doortay iyo guurti la soo doortay oo la
yaqaano”.
Axmed Yuusuf Yaasiin Ku Xisama Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee
UDUB mar uu ka hadlayey xaalad da guud ee dalku wakhtigan marayo
ayaa yidhi “Hadaan wax yar ka idhaahdo xaaladda guud ee wadanka, da
bcan xaaladda guud ee geeska Afrika waa wax isku xidhan markaa hadii
agtaada dab ka hol-cayo oo mushaa kil ka jiro waa wax saamayn badan
kugu yeelanaya. Khatarahaa hareeraheena ka taagana waxa inala gudbo
on dawlad iyo shacbiba inaynu taxadar badan ka muujino khatarahaas
dalkeena ku hareeraysan. Markaa wax aan xukuumadda maanta talada
dalka haysana u soo jeedin lahaa inay xooga saarto arimaha amaanka
oo run ahaantii ah waxa ugu mudan ee aynu beesha caalamka ugu faani
jirnay. Xaaladeenu ma odhan karo 100% waxaynu ku seexanaynaa nabad
waayo hareeraheenii hadii uu ololayo waa in aynu feejignaan ka muuj
inaa arimaha hareeraheena ka taagan”.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin mar
wax laga waydiiyey sida ay u arkaan isku shaandhayntan madaxwayne
Siilaanyo dhawaan sameeyey, waxa uu yidhi “Isku-shaandhayntan waxaan
qabaa in wasaaradihii hore ee uu laa-laabay madaxwaynuhu ayuun buu
hadana dib u furay markii dantu bad ay, markaa wasaaradihii badnaa
ee anaga nalagu canaanan jiray oo dhan waa la soo wada celiyey oo
waxa ugu danbeeyey wasaarada dib-udajinta iyo reer miyiga oo
wakhtigii xukuumaddani talada dalka qabsatay ay baabiisay. Wasaarada
qudha ee xukuumadayadii wasaaradihii jiray ka maqani waa tii
Dalxiiska oo kaliya, iyad a oo waliba hay’adahan gaarka ah ee faraha
badan ee aanay lahayn xukuumaddayadii. Markaa wasaaradah an badan
waa arimo u yaala dawlad wal oo timaada ilaa inta aynu ka guurayno
qaabka qabiilka ay dawladee nu ku salaysan tahay. Barigii hore waxay
odhan jireen qoladan maamulkani waxbaanu yaraynaynaa laakiin wax
muuqata in xaga dawladda ay naga hay’addo badan yihiin iyagu oo inta
la taliye ee uu madaxwaynuhu leeyahay ayaaba bad ah”.
“Waa kala jaad marka aad kursi ku fadhido iyo marka aad dibada ka
joogto, dadku waxyaabo badan ayey balanqaadayaan marka ay
tartamayaan oo markay helaan adkaanaysa oo waaqicaa hor imanaya,
waxaanan filayaa in intaas ay ka sii badan doonaan. Tayadan iyo
waxanina waxay imanaysaa marka aynu ka baxno qabiilka iyo
gobolaysiga ee ay dadku ka koraan arimahaas oo dhan”.
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf
Yaasiin ahna ku simaha guddoomiya ha xisbigaas, mar uu ka hadlayey
waxa ay kaga mawqif duwanaayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ee
ku saabsan arinta ururada la furayo, waxa uu yidhi “Marka hore
xisbigu waa inuu mawqif yeeshaa, arintan waa tii la iskaga hor yimid
2007-dii wakhtigaasna mawqifkaas ayaanu taagnayn hadana aanu
taaganahay anaga oo danta dalka eegayna. Arintan dhawr jeer oo hore
ayaa la soo bandhigay 1994-kii ayaa la soo bandhigay 2000-na waa la
soo bandhigay, barigaas xataa waxa la diiday musharaxa madaxa banaan”.
Axmed Yuuusuf Yaasiin mar uu ka hadlayey qodob distuuriya oo jabay
mudadii xukuumadda madaxwayne Ax med Siilaanyo, waxa uu yidhi
“Maanta distuurkeena waxa jabay 19 qodob, qodobada jabay hadii aan
kormaro waxa ka mid ahaa qodobka dhaqaalaha dalka oo ah qodobka
11-aad, tirada golaha iyo doorashooyinkiisa oo ah qodobka 39-aad oo
imakana noqday qodobka 40-aad, waxa ka mid ahaa mudada xilka iyo
xilka doorashada oo barigii hore ahaa qodobka 40-aad imikana ah
qodobka 42-aad, awooda iyo waajibaadka golaha wakiiladda oo qodobka
51-aad ahaa maantana ah qodobka 53-aad, kala diridda golaha
wakiilada oo markii hore ahaa qo dobka 54-aad maantana ah
qodobka 56-aad, doorashada xubnaha guurtida iyo mudada xilkooda oo
barigaa ahaa qodobka 56-aad maanta-na ah qodobka 58-aad, tirada
golaha guurtida oo markii hore ahaa qodobka 57-aad maantana ah
qodobka 60-aad, awooda iyo waajibaadka golaha guurtida oo markii
hore ahaa qodobka 58-aad maantana ah qodobka 62-aad, arimaha golaha
guurtida iyo wakiiladu iskaga midka yihiin oo barigaa ahaa qodobka
60-aad maantana ah 73-aad, soo bandhigida mashruuc sharci oo markii
hore ahaa qodobka 61-aad maantana ah qodobka 74-aad, shuruucda lagu
dooranayo madaxwayne iyo ku xigeen oo markii hore ahaa qodobka
67-aad maantana ah qodobka 82-aad. Qodobadaas oo dhami waa kuwo
disuuriyo oo maanta jabay, qodobadaas oo badan oo mihiim ah oo
waliba hada soo socoto hab-maamuuska madaxda qaranka oo ay ka mid
yihiin hawsha gudida cadaaladda iyo kuwo kale-ba dhamaantood waa
kuwo wada jabay, maxaa loo taabtay mudadaas oo dhan ilayn distuurka
waxa loo codeeyey 2001-ki. Waxa go’aan lagu gaadhay in aan la taaban
distuurka, waayo hadii maanta la ina ictiraafo bur bur ayaa inagu
iman kara oo mas-laxado ayaa soo gali kara meesha”.
S: Sideed u aragtaa masuuliyiinta xaga amniga ee ka tirsanaa
xukuumadiinii ee madaxwayne Siilaanyo magac aabay ee uu ka mid yahay
taliyaha ciidanka booliska Saqadhi?
J: Anagu hadii aanu nahay UDUB waanu ka hadalnay shaqaalihii la
eryey ee lahaa agaasimayaasha iyo shaqa alaha kale-ba, mida kale
waxaan jeclahay inaan dadka iyo xukuumadaba u iftiimayo nimankan la
yidhaahdo Xi rfadlayaashu xisbi maaha tusaale ahaan ninka DG-ga
ah ee joogay 22-ka sano isaga ayaa uga khibrad badan shaqada ka
BHD-da soo qaatay hada. Hadii aan soo qaato taliyaha booliska
Saqadhi waxaan ku tilmaami lah aa taliyihii ugu fiicnaa ee bilayska
Somaliland soo mara, waa boolis dhab ah mida kale waa ninka kaliye
ee ah aa ‘O’ Corruption ee dhisay booliska. Waxa uu ka mid ahaa raga
meesha lagaga dhacay ee UDUB ahaan mee sha lagaga saaray, aduunyada
marka ay laba dawladood is badalaan waxa isbadala madaxwaynaha, ku
xige enkiisa iyo wasiirada iyo shanta hay’adood ee madaxa banaan
inta kale waa dad shaqaale ah oo u shaqeeya dawladda. Waxaan
leeyahay odayga (madaxwayne Siilaanyo) ha ka cabsoonine ragii
xirfad-layaasha soo wada celi, sababta oo ah ceeb maaha waayo
qaranka ayaa ku dhismaya qarankana waa la wada leeyahay, wixii
qarankan wax u qabanayeyna in la soo celiyaa waa waajib qaran.
S: Sideed u aragtaa iyada siyaasada arimaha dibadda Somaliland halka
ay marayso?
J: Wixii ka dhaxeeya Somaliland iyo Somalia waxbaa ka dhaxeey,
waliba iyagaa wax badan inaga haya waxana hore ayaa caqabado looga
dhigtay marka 1994-kii laga soo bilaabo markii siyaasiyiin badan oo
reer Somalilan d ahi ay yaaceen, ayaa la yidhi maxaynu ka yeelnaa
siyaasiyiinta yaacday ilayn cagta ayey ina qabanayaane. Markaa waxa
la soo saaray shuruuc, kuwaas oo la gaadhsiiyey dhamaan qaybaha kala
duwan ee Somaliland haday noqon lahaydn Caaqilada, NGO-yada iyo
dhamaan ummada oo dhan, kuwaas oo lagu wargaliyey inaanu nina tagi
Karin ninkii tagana laga qaadayo talaabo qaran dumisnimo. Mida kale
waa in aynu iswaydiinaa goo rta ay Somaliland iyo Somalia wada hadli
karaan waa marka ay wax dhistaan, inaga yaanay waxba isku keen
feeraarinin oo aanay inoo odhan Puntland, Juboland, Mareegland iyo
Galmudug. Waxan la sheegayo oo dhami waa Somalia oo kala fur-furantay
markaa waa in Istiraatiijiyadii hore ee fiicnayd la qaataa,
qolooyinkan Soma lia isku hayaa naga wakhtigayagii way naga quusteen,
mana quruxbadna inaad iskaga dhex dhacdo arimah ooda oo aanay dani
kuugu jirin. Marka marka kaliya ee aynu Somalia la hadli karnaa waa
marka la arko Som alia oo dhisatay dawlad oo leh madaxwayne la soo
doortay, baarlamaan la soo doortay iyo guurti la soo doortay oo la
yaqaano.
Source: Wargeyska
Haatuf
|