Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Baligubadle

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weftigiisii oo beryahanba socdaal ku marayay gobolada Saaxil, Awdal, Salal, Gabiley ayaa maanta soo gaadhay magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka cusub ee Hawd, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka soo kicitimay magaalada Gabiley, ayaa soo maray degmooyinka Allaybaday, Faro-weyne iyo Tuulooyinka Balicabane io Gumar, waxaanu dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi hadalo uu u jeediyay uu uga xogwaramay socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay mid shacbiga uu ku dareensiinayo ahmiyada ay leedahay hawsha diiwaanglinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socota.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ay gobolka Hawd ku soo dhaweeyeen badhasaabka gobolkaasi mudane Cali Cawil Cabdi, Wasiirada iyo Salaadiinta deegaanka iyo boqolaal ka tirsan shacbiga ku dhaqan magaalada Baligubadle.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa kale oo uu sheegay in gobolada dalku ay ku tartamayaan tiro badnaanta bulshada, isagoo tilmaamay in mashaariicda horumarinta ay mustaqbalka ku xidhnaan doonto sida dadku u kala badan yihiin gobolada Somaliland.

Weftiga madaxweyne ku xigeenka oo xalay u hoyday magaalada Baligubadle ayaa kulamo la yeeshay maamulka gobolka Hawd iyo Salaadiinta iyo Waxgaradka deegaankaasi oo uu kala hadlay sidii dadweynaha gobolkaasi ay ugu diyaar garoobi lahaayeen hawsha
diiwaangelinta ee dhawaan ka bilaabmaysa deegaamadii hore la isugu odhan jiray gobolka Hargeysa.

Sidoo kale weftiga madaxweyne ku xigeenka waxa lagu wadaa in berriay fagaare kala hadlaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Baligubadle.
 

 



Hormood