Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Tabashada Reer Awdal, Madaxweynahana Ugu Baaqay Inuu Deg Deg Wax Uga Qabto

 


 

Hargeysa (TNN) :-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Muddane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay tabashada Odayaasha Gobolka Awdal, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in sida ugu dhakhasha badan uu wax uga qabto una xaliyo tabashadaas, waxaanu kale oo uu ka ha dlay arinta Suldaan Wabar, oo ku baaqay in loo xilsaaro Salaadiinta kala duwan ee Gobolada Dalk a oo aanay ku jirin salaadiitna Awdal, si ay toos ugu tagaan ulana soo hadlaan, oo aan lagu deg degin si aan dhibaato u dhicin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in UDUB ay godob u hayso golaha guurtida iyo guddoomiyahooda oo aan u gurman waagii uu khilaafkii UDUB burburiyay taag naa.

Ugu horayn Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, isagoo ka hadlaya sida uu u arko tabashada reer Awdal wuxuu yidhi “Arinta Awdal haddii aan ka hadlo Madaxweynaha talo ayaan u soo jeedinayaa,oo waxa aan leeyahay Madaxweyne tabasho tan ka horeeysay ayaa meesha taalay, tabashadaas oo ay isku raacsan yihiin reer Awdal, Guddi ayaad tirtay, waxa ayaa laguu keenay, oo waxa aan ku leeyahay tabashadaas waxa ka qabo, oo iyaga oo qudha maaha ee labada darafba wax ka qa bo tabashadooda, oo Beelaha dhexe iyadii ayaad wax doonayse hadalkeeda meel ku tiiri,oo waad Iloowday Beelihii darafyada baahiyahooda ha la fuliyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey Suldaan Wabar waxa uu yidhi “Anigu waxa aan soo jeedin lahaa oo aan ku baaqi lahaa in 21-Suldaan oo ka kala socda Salaadiinta Somaliland oo dhan oo aanay ku jirin Sadaaliinta reer Awdal, ha loo diro Suldaan Wabar oo halkiisa ugu taga, oo Madax dhaqameed ayaa Madax dhaqameed loo diraa, oo Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta reer Awdal markii aynu is haysanay waa kuwii inoo soo gur maday, markaas Salaadiintaas loo dirayaana waa inay ka soo qaadaan kalmada iyo hadalka ugu dambeeya, si aanu dhiig u daadan, ha loo diro Madax-dhaqameedkaas si aan hadhaw la isku cana anan, si aan Somaliland-ta kale aanay u odhan iyada oo aan taladii waxba lanaga weydiin ayaa daf wax la yidhi,oo waa in Salaadiintaas loo dirayaana ku dadaasha sidii ay u soo kaxayn lahaaye en, maxa yeelay Somaliland Maanta waxa ay u baahan tahay inay wada guurto, maxaa yeelay w axa dhinaca dibada inagaga socda dagaal weyn,markaas in tabashadaas meel la saaro waa muhi im, waxaan leeyahay Madaxweyne arinkaasi wakhti ayuu qaatay ee si deg deg ah wax uga qabo, in Nabadgeliyada la ilaaliyana waa muhiim, Nabadgeliyadana Ninka aan haysan ayaa garanaya, waxa hareeraheena ka dhacayana waa aynu arkaynaa, marka aynu meel u wada guurno ayeynu cadawgeena iska dhicin karnaa, ”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo la weydiiyay sida uu u arko loolankii u dhexeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiiradda Maaliyadda iyo Arriimaha Dibada ayaa yidhi “Arinta u dhexeeysa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi, waa arin Xisbi, waxaana odhan karaa Xisbiga Kulmiye wuu ka nasiib badan yahay Xisbigii UDUB maxa yeelay UDUB, markii ay liicday looma gurman, laakiin XIsbiga Kulmiye waxa u gurmatay Golaha Guurtida, anagu haddii aanu nahay UDUB-tii horena waxaanu godob u haynaa Saleebaan iyo Guurtida, oo anigu walibana wakhtigaas waan u tagay Saleebaan waxaana ku idhi arintaas la wareeg, balse waxba kamuu qaban, Godobna waan u tirinaynaa. Laakiin haddii uu Maanta Madaxweynuhu taagan yahay ee uu yidhi aniga ayaa Doorashada u taagan Sharciyan inagu waxa aynu qaadanay nidaamka Mareykanka, waxaana Xisbigu markaas taageera hadba Musharxa markaas Doorashada u taagan, ee walibana markii hore soo dhiciyey Doorashada.”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo ka hadlaya doorashooyinka soo socda ayaa yidhi “Doorashada waxa ka hadhay shan ilaa lix bilood, mana qabo inay ku dhacayso, taasina waa wax aan caqliga gelin, balse marka aynu ka hadlayno Doorashada Golaha Wakiilada, ayaa Golihii ugu dambeeyey ee ku yimid habka Beelaha, waa kuwii korodhsaday Shano Sanno waa anagii Maxka mada geeynay, Maxkamada ayaana jabisay korodhsiimihii ay korodhsadeen, waxaana la sameey ey Sharci ku meel-gaadh ah, markaas Maanta ma yaalo Sharci doorasho oo Golaha Wakiilada ah, markaas iyada oo aan marka hore laga hadal Doorasho waa in la dhameeya Sharcigii lagu doora naayey Golaha Wakiilada, qodobka ugu horeeyana waxa uu ahaa in iyada oo aan Diiwaangelin la gelin in aan Doorasho la gelin, Maxkamada ayaana xukuntay in Doorashada Diiwaangelin lagu gal o,Diiwaangelintana ha la bilaabo, Golaha Wakiiladu wixii shuruuc ah ee ka dhiman Doorashada oo koogu u horeeya ha dhameeyaan, wakhtiga Doorashada la qabanayana waxa xaq u leh oo jadw alka sameeynaya Guddida Komishanka Doorashooyinka, oo wakhtiga rasmiya ah ee la qabanayo Doorashadana iyaga ayaa sheegaya, wixii korodhsiimaha ahna halkaas ayaa laga duulaya.”
 


Source: Geeska