Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka Digay Khatarta ku Hoos Jirta Shirka Soomaalida ee London, Kuna Baaqay in Guddi Xaqiiqo-raadis ah loo Diro

 


Hargeysa (TNN)- Madaxwayne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay khatarta ku hoos jrt a shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo ku baaqay in loo diro guddi xaqiiqo-raadis ah oo si dhab ah u soo ogaata waxa lagaga wadahadlayo.

Md. Axmed Yuusuf waxa uu sheegay in shirkaasi uu leeyahay khatar dhaawaci karta qaddiyad da madaxbannaanida Somaliland iyo horumarkeeda. Sidaa darteedna waxa uu ku baaqay in ta lo qaran laga yeesho ka qaybgalkiisa, isla markaana loo saaro guddi hordhac ah oo si si dhab ah u soo ogaata ajandihiisa oo uu sheegay inuu markii hore ku saabsanaa arrimaha budhcad-badeedka iyo argagixisada, balse hadda la doonayo in xal loogu heli mushkilada Soomaaliya. Waxaannu ku taliyey in Somaliland shirkaa ka qaybgasho oo keliya haddii madashu tahay Som aliland iyo Soomaaliya, balse aanay marnaba Somaliland shir lagu casuumayo maamul-goleed yada faraha badan ee Soomaaliya.

“Annagu Madaxwaynaha waanu iska aragnay arinkaasi, aadna waanu u gorfaynay, waxaanan filayaa in Madaxwaynuhu taagan yahay mowqif nala mid ah oo ah arinkaasi (Shirka London) in lagu gallo talo Qaran oo loo dhan yahay, la isla eego shirku muxuu yahay, ajandihiisu muxuu yahay, yaa imanaya, iyadda oo taladeedu midaysan ay markaa meel wax dhigto, waliba Madax waynuhu isaga ayaa soo jeediyay inuu tallo qaran ka galayo.

Waxaanan qabaa in arrinkaa ul dheer la iskaga eego, waxaanan ku talin lahaa haddii odeyga (Madaxwaynaha) uu culays saaran yahay inta aan aynaan Qaran ahaan ku taggin, u sii dir guddi meesha gacanta sii galiya oo inaga sii horeeya oo gunta waxa yaala sii eega, haddii kale waxaynu ku dhacaynaa gal-dheer,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay shabaka dda wararka ee Ramaasnews.

Ku-simaha Guddoomiyaha UDUB, waxa uu sheegay in siyaasadda dawladda Ingiriiska eek u waj ahan qaddiyadda Somaliland isbeddel ka muuqdo marka loo eego wakhtigii xisbigoodu talada hayey, “Waa arin balaadhan oo lagaga hadlayo xalka Soomaliya oo aanay ku jirin Somaliland, waxa la yidhi waxa lagaga hadlayaa Budhcad-badeed iyo argagixiso, laakiin waxba qarsoon, waxaan filayaa in dawlada Ingiriisku ay kala gedisan tahay wakhtigii aannu annagu (xukuum addii UDUB) joognay iyo iminka, waxaanan filayaa inay wakhtigan u xaglinayso Somaliya marka hadalka meeshiisa loogu yimaado.”

Waxa kale oo Md. Axmed Yuusuf ka digay farogelin Qaramada Mibooday ku hayso Somaliland, “Waxaad moodaa in qolada Qaramada Midoobay iminka aad inoo soo faro-galiyeen, iyagga oo Somaliya boqol dawlad goboleed u sameeyay, iminkana halkan soo faro-galiyey. Markaa waxa an leeyahay Madaxwaynaha shirkaa sahan inooga sii dir, ta kale waxa weeyaan inaan la aqbalayn dawlad-goboleedyo inaga dhex dilaaca haddii wax kasta keenayso inaan la aqbalin,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
 

source;Jam