Axmed Silaanyo oo Dawladda Ingiriiska Kale Hadlay Arrimaha Somaliland
 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta wadahadal fool ka fool oo ku saabsan arrimaha Somaliland la yeeshay masuuliyiin sare oo katirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Ingiriiska.


Kulankan oo ka dambeeyay martiqaad ay dawladdu Ingiriisku u fidisay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo hadda safar ku jooga dalka Ingiriiska iyo xoghayihiisa Arrimaha Dibaddu wuxuu maanta ka dhacay xarrunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Ingiriiska ee ku taala magaalada London.


Xoghayha Arrimha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi oo saxaafaddu kula xidhiidhay khadka telefoonka shirka ka dib wuxuu sheegay in arrimaha shirka lagaga wada hadlay ay ka mid ahaayeen kobcinta barnaamijka geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, sugidda doorashooyinka madaxwaynanimada Somaliland ee dhawrka jeer dib uga dhacay wakhtigoodii iyo kordhinta gargaarka iyo macaawinada dawladdu Ingiriisku u fudiso Somaliland.


Wuxuu xoghayuhu intaa ku daray in Axmed Silaanyo dawladda Ingiriiska siiyay warbixin balaadhan oo nuxurkeedu ka tarjumayay xaaladdaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Somaliland hadda ka jira. Ka dibna wuxuu shirku si qoto dheer u lafa guray doorashada madaxwaynanimada Somaliland oo si isdabajoog ah hakad ugu yimid, dalkana u horseeday khilaafaad siyaasadeed oo murakoodu circa isku shareeray.


Waxay labada geesood kawada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa in aanay doorashooyinku mar denbe dib ugu dhicin, iyo sidii loo taageeri lahaa talooyinka iyo heshiisyada ay asxaabta qaranka, komishanka, guddiga dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed iyo wakiilada bulshada caalamka ay soo wadagaleen,oo uu ka mid yahay heshiiskii ay dhawaan wada ogolaadeen seddexda guddoomiye ee xisbiyada qaranka Somaliland.


Guddoomiyuhe Axmed Silaanyo wuxuu caddeeyay in mawqifyadii uu ka qaatay xisbigiisu dib u dhacyada doorashooyinka ay ahaayeen qaar tixgalin badan siinaya maslaxadda guud ee shacabka Somaliland iyo xaaladda siyaasadeed ee ku gedaamay Somaliland, isagoo arkaya sida dawladdu ugu guul daraysatay qabashada dooraashada ee uu waajibaadku ka saaraa.


Ugu denbayntii wuxuu Axmed Silaanyo ugu mahadnaqaya dawladda Ingiriiska gargaarka joogtada ee ay had iyo jeer la garab taagan tahay shacabka Somaliland, wuxuuna ka codsatay inay dawladdu Ingiriisku sii kordhisa mucaawinada ay siiso Somaliland.

 


Muniir Axmed Cigaal

freelance Journalist.
E-mail muniir10@gmail.com