WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-



Ku: Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere) Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

Og: Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Og: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Q aranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto n oqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xi geenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.


 

 

 


Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland