TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Silaanyo Isa goo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga
Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon
yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, As xaabtii iyo shacbiga
somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siyaasi
Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ku geeriyooday Hargeysa maanta
18.06.2016.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah,
aqoonyah an ahaa oo muruqiisa iyo maalkiisaba kagaga soo qaybqaatay
dib u xorayntii dalka, sidoo kalena qayb weyn ku lahaa aas-aaskii
iyo hirgelintii xisbi weynaha kulmiye, wax a kale oo lagu xasuusan
doonaa inuu aha nin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan iyo
nabadayntii, iyo dib u dhiska dalka. Marxuumku waxa uu xilal kala
duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu
naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka,
Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland
ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiy o.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|