TACSI MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba
waxa uu Bulshada Somaliland ka tacsiya daynayaa Shilka naxdinta leh
ee maanta ka dhacay inta u dhaxay Gabiley iyo Kalabaydh, shilkaas oo
sababay 14 Dhimasho ah, iyo 9 qof oo dhawac ah ka dib markii ay isku
dhace en laba Baabuur oo midna land cruiser yahay midna NOAH, kuwaas
oo siday dad shicib ah.
Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyadaynayaa isagoo ka tiiraanyeysan
Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka
geeriyoodeen dadkaasi, waxaanu Alle uga ba ryay inta dhaawaca ah inuu
caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadh ay. Waxaanu
amray in la xoojiyo baadhista sida shilku u dhacay, lana badiyo
Gurmadka adeega caafimaad ee shilkaas.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu
naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii,
Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir
iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. |