WAR-SAXAAFADEED

 


 


Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guu radda

25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in s annadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimado oda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka jo ogaan.

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magaca abay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska sa ari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamulla da Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha GuddidaAgaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.


1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye

2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Guddoomiye Ku-xigeen

3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xubin

4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xubin

5. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Xubin

6. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Xubin

7. Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin

8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Xubin

9. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada) Xoghaye

10. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada) Xubin

11. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF) Xubin
12. Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF) Xubin

13. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD) Xubin

14. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO) Xubin



Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Digreeto Mada xweyne oo Summ addeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhigna yd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid Guddi



Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictira af buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somalil and waxaan mas'uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Icti raaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilm aameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire Guddoomiye

2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar

5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed

6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan

7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil

8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees

9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

12. Professor, Macalester College, Minnesota Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax

14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac

15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe

16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde

17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

18. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska sa ari doontaan mas'uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqo ontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid ka sta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada haws han.



ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.