WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo
waxa u u digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-3881/022016
uu magacaabid, isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida
Masuuliyiinta laam aha kala duwan ee Xukuumadda.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somalila nd;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru Dawlaha
Wasaaradda Qorsh aynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaad o Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo
Horumarinta ee Jamhuuriyad da Somaliland. (Bedel Wakiilkii hore
Somaliland u fadhiyey Itoobiya).
Ø MAGACAABIDDA WAKIILKA CUSUB EE ITOOBIYA:
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka
dibeddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka
Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Aaden Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.
Ø ISKU BEDELKA AGAASIMEYAASHA GUUD:
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud
ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Agaasimaha
Guud ee Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: in ay hanan karaan xilalkaa loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka
Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Agaasimihii Guud ee hore
ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha)
2. In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada
Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( Bedel Agaasimihii Guud ee hoe
ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda)
Ø MAGACAABIDDA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA:
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (j) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u
leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Gudoomiye Ku-xigeenka
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ø Magacaabidda & Xilka Qaadista Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka
saarka Qaranka (NDC)
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay:Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, xarafka (kh) ee
Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranku u
leedahay Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Hay’adda
Abaabul ka saarka Qaranka.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku qancay:in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Ibraahim Axmed Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Ø Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahim
Maareeyihii Hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)
Mudane,
Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha
Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey
dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo
dhiibo.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha
Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso
xilka aad haysay Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah
u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|