MADAXWEYNE SIILAANYO OO GUDDII ISKUGU JIRA WAS IIRO IYO XUBNO KALE U SAARAY FULINTA GO,AANKII LAGA SOO SAARAY KHILAAFKII BALIGA DIIRIYE

 


 


Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay aa Gudi u saaray Fulinta Go’aankii Golaha Guurtidu ka soo saareen Sanadkii hore Shaqaaq adii ka taagnayd deegaanka Bali Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco . Madaxweynaha oo Kulan la qaatay Odayaasha deegaanka Bali Diiriye ayaa sheegay in Go’aankaasi fulintiisu raagtay aaney ahayn Canaad xaga Dawladda ah ,ee ay doonayaan in Go’aankaasi Fulo ,isla markaana dadka deegaanka la walaaleeyo ,si ay nabad-gelyo ugu wada noolaadaan Laba da beelood ee halkaasi iska hor-imaadku ku dhex-maray.

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna u sheegay Oda yaasha Bali Diiriye in aanu jirin wax hortaagan Fulinta Go’aankaasi ,maadaama uu yahay G o’aan Gole


Guurti. Liiska Magacyadda Gudiga Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Fulinta Go’aank a Bali Diiriye ee Guurtidu soo saartay ee Imika looga fadhiyo Fulintiisa oo Saxaafadu heshay ayaa kala ah.


1) Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxed Waran-cade.
2) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.
3) Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan).
4) Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo).
5) Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamaal Cadydiid Ibraahim.
6) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.