Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Baaqii Beesha Caalamka Ee Kala
Qaadista Doorashooyinka

Hargaysa (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Sila ny o go’aankii uu qaatay in uu dib u dhigo Doorashooyinka
Golaha Wakiillada, wuxuu ahaa g o’aan uu si qoto dheer uga fikiray,
sharci ah oo haysta taageerada bulshada isla markaana salka ku haya
Distoorka Qaranka, duruufaha siyaasadeed iyo kuwa farsamo ee haatan
ka ji ra Jam h uuriyadda Somaliland.
Arrinta dib-u-dhigista doorashooyinka Golaha Wakiillada,
Madaxweynaha JSL arrimaha uu ku go’aan qaatay waxa ka mid ahaa:
Ka dib markii uu daliishaday Qodobka 8-aad farqadiisa 1-aad iyo
2-aad; Qodobka 22-aad iyo Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka,
Ka dib markii uu cuskaday qaraarkii ay Maxkamadda Sare ee Distooriga
ah ee JSL ahi
ka soo saartay doorashooyinkii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, kaas
oo nuxurkiisu ahaa in Sa ami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee
xilligaa hal mar oo keliya doorasho lagu galo, wi xii ka dambeeyana
saami-qaybsiga lagu salayn doono tiro-koob guud oo dalka laga qabto,
Ka dib markii uu gar-waaqsaday saluuga ka soo yeedhay bulshada ku
nool Gobollada Awdal, Sool, Sanaag iyo Maroodijeex iyo cabashada ay
muujiyeen Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee la xidhiidha
saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee JSL,
Ka dib markii uu tix-raacay go’aankii ay wadajirka u soo saareen
Axsaabta Qaranka ee ay Madaxweynaha kalsoonida buuxda ku siiyeen in
uu go’aan ka gaadho arrinta Saam-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada
JSL, ka dib markii ay saddexda xisbi ku adkaatay in ay talo midaysan
iyo xal rasmi ah ka gaadhaan,
Ka dib markii uu yaqiinsaday muhimadda ay Qaranka u leeyihiin
dedaalada loogu jiro nabaday nta iyo dib-u-heshiishiinta Qaran ee
haatan ka socda Gobollada Sool iyo Sanaag,
Ka dib markii uu gar-waaqsaday baahida weyn ee loo qabo in ay dalka
ka qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada
qayb galaan,
Ka dib markii uu arkay in ay lagama maarmaan tahay in la helo waqti
ku filan si arrimaha kor ku xusan loo dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo
hab xigmad iyo xeeladba ku dhisan,
Muran kama taagna in Golaha Wakiilladu uu muddo dhaaf yahay,
Sidoo kale, waa arrin gar ah in ay muwaadiniintu helaan xuquuqdooda
distooriga ah si ay ugu codayn karaan ciddii ay u doortaan inay
iyaga u matalaan Golaha Wakiillada JSL,
Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah in Bulshada Caalamku ay si weyn u
maal-galiyeen dhammaanba doorashooyinka iyo geeddi-socodka
dimuqraadyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo aanu ka
mahad-celinayno abaalna ugu hayno Beesha Caalamka,
Hase ahaatee nuxurka iyo mucda arrintu maaha taa!! Arrintu waxay
tahay: Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan
Bulshada Caalamku taas oo ku qabsoonta xilligii ay u qoondeeyeen?
Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL
ka wada qayb galaan oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha
siyaasadeed ee ka jira dalkeena?
Mugdi kuma jiro dariiqa iyo sida aynu doonayno: Waxanu doonaynaa
inaan qabano doorasho sax ah oo ku qabsoonta waqti iyo xaalad ku
habboon!! Laakiin ma doonayno in aynu qabano doorasho sax ah oo la
qabto xilli iyo xaalad aan ku haboonayn!!
Dabcan waqtiga doorashadu waa muhiim, laakiin marka loo eego qaabka
iyo hannaanka ay doorshooyinku Somaliland uga qabsoomaan, waqtigu
maaha ka ugu muhiimsan ee leh muhimadda koowaad.
Arrimaha Qaranka Somaliland mudnaanta koowaad u lihi waa nabadda iyo
xasiloonida, midnimada iyo wada-jirka ummadda, kuwaas ayaa saldhig u
ah inay qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL iska
wada dhex arkaan.
Madaxweynaha Axmed Maxamed Silanyo waa Madaxweyne si xor ah ay u
doorteen aqlabiyadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aan kasta
oo Madaxweynuhu gaadho iyo tallaabo wal oo uu qaado (ha adkaadeen
ama ha fududaadeene) waxa saldhiga u ihi waa danaha Qaranka iyo
maslaxadaha ummadda. Sidaa darteed, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya
sida ugu habboon ay danaha ummaddu ku aslaxayaan wuxuu go’aamiyey:
In aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu geli karin nidaamka
Saami-qaybsiga Kuraasta Gobollada ee haatan jira,
In Doorashada Madaxweynennimada la qabto waqtigii loogu talo galay,
28 March 2017,
In dib loo dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyadoo la raacayo
nidaamka iyo xeerarka u dhigan. Taasoo macnaheedu tahay in ugu
horraan Madaxweynuhu qoraal Codsi ah u gudbiyo mudanayaasha Golaha
Wakiillada si ay u ansixiyaan. Ansixinta kaddib, Madaxweynuhu qoraal
u diri doona Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL, kaddibna waxa
loo gudbin doonaa mudanayaasha Golaha Guurtida si ay uga soo talo
bixiyaan,
Bulshada Caalamku ha naga taageeraan ama yaanay naga taageerine,
waxa naga go’an in Doorashada Madaxweynennimada iyo ta Golaha
Wakiilladuba ay ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyo, inkasta oo aanu
weli naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan
labada doorashaba.
Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo,
degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo
jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi, is
qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu anagu leenahay
go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu.
Sida ay awalba yeeli jireen, waxaanu ku rajo weynahay in Bulshada
Caalamaku ay arrimahayaga nagu tix-gelin doonaan.
ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,
Xuseen Adan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,
|