AXMED
SIILAANYO IYO MUUSE BIIXI OO MAR KALE KHILAAF KU
DHEX MARAY TALADA XISBIGA KULMIYE
Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha
Xisbiga Kulmiye ayaa shalay ku gacan saydhay codsi uu Guddoomiye ku
xigeenkiisa Muse Biixi ku dalbaday in laga saaro Xisbiga Kooxdii
kaga soo biirtay Urur Siyaasadeedkii Qaran gaar ahaan Sadexda masuul
ee kala ah Dr: Gaboose ,Maxamed Xaashi iyo Baashe Cabdi Gaboobe oo
laba kamid ahi haatan yihiin Guddoomiy ayaasha Xisbiga ee
Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo uu magacaabay Siilaanyo
Arrintan ayaa shalay ka dhacday Guriga Guddoomiyaha oo ay shir ku
lahaayeen Hogaan ka sare ee Xisbigu oo kala ahaa Guddoomiyaha
Xisbiga Siilaanyo iyo ku xigeenadiisa Muu se Biixi, C/raxmaan
Maxamed Talyanle, C/raxmaan Saylici iyo Xoghayaha Guud Keyse
Xas an Cige kuwaasoo ujeeddada Shirkoodu ku saabsanayd sidii
dibu-habayn loogu samayn lahaa dhismaha Xisbiga oo in badan ay
dhibaato ka taagnayd taasoo dhalisay inay isku dhacaan Axmed
Siilaanyo iyo Muuse Biixi kadib markii sida la sheegay uu Muuse
Biixi ka codsaday Guddoomiyaha inaanu ogolayn talada Xisbiga inay ku
jiraan Masuuliyiinta Qaran ee uu Siilaanyo magacaabay isagoo ku
eedeeyay inaanay wadin dan uu isagu leeyahay ee ay u shaqaynayaan
uun Siilaanyo
Arrintan ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhaysiisay Siilaanyo
kuna tiraabay inaanay ka tagaynin xilkaas uu u magacaabay cida
Xisbiga u sharaxan ee ay u shaqaynayaana ay tahay isaga sidaasi
daraadeed aanu marnaba ka ogolaanayn Muuse iyo cid kale toona
in uu ka aqbalo xilka qaadista nimankaasi, isagoo la sheegay markay
intaa isdhaafsadeen inay arrintu cirka isku sii shareertay isla
markaana ay sababtay inuu Muse Biixi Albaabka ka baxo.
Dhacdadan ayaa sababtay inuu halkaa ku burburo shirkii ay hogaanku
iskugu yimaadeen iyadoo raga qaarkii dibada u soo baxeen si ay ugu
kala ergeeyaan labada Oday balse tal aabasadaasi may noqon mid
lagu guuleysto, waxaanay aarintu maraysaa meel xaasaasi ah oo sababi
karta inay ku wiiqanto talada Xisbigu iyadoo uu khilaaf weyn ka dhex
aloos naa tan iyo markii uu Xisbigu qabsaday Shirweynihiisii Labaad
ee Hargeysa oo ay dhama an ragii ugu cad-cadaa Xisbigu iskaga
baxeen markii la isku qabtay Hogaaminta Xisbiga.
Source: Wargayska Waaheen
|