WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu baaqaasi ku yidhi "Nabadgelyada, is xaqdhawrka, wada
noolaanshaha iyo degenaansh uhu waa tilmaamaha tolmoon ee lagu
tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somalilan d isla markaana aynu ku
caanno maalnay muddo ka badan rubuc qarni. Nabadgelyadu waa
aas-aaska jiritaanka qarannimadeena waana waajib
inaynu dhammaanteenba ka wada shaqayno adkaynta nabadaiyo
xasiloonida.
Sidaa darteed waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labada beelood
ee walaalah a ah ee dhiig, dhalasho iyo dhaqanba wadaaga inay
joojiyaan colaadda, dilka iyo dhiiga macno darrada u daadanaya.
Dalkeena kama go'do maanta in dad inagaga dhinto dag aal aan loo
baahnayn, wixii is maandhaaf ah ee jira ha lagu dhameeyo tubta aynu
dha qanka iyo caadada u lahayn ee ahaa wada xaajood, is afgarad iyo
talo walaalnimo oo la isu tanaasulo.
Dagaal waxa ku dhinta wiil, walaal, hooyo, habaryar, eedo, seedi,
soddog. soddoh iyo ehel ka kaleba ee dagaal dad kuma dhasho.
Walaalayaal ha la joojiyo dagaalka iyo dhi iga aan inaga go'in ee
dhexdeena ku daadanaya.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba ehelada dadkii ku
naf waayey dag aalkaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.
Ugu dambayna waxan ku celinayaa baaqaasi nabadgelyada ah in loo
hoggaansamo, waxanan si toosa ula hadlaya madaxdhaqameedka
deegaamadaasi, waxgaradka iyo waayeelkaba inay ku dedaalaan sidii
loo xakamayn lahaa colaadaasi, intaanay si fidin".
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|