WAR-SAXAAFADEED

16/06/2016
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Silaanyo, ayaa afur iyo cas ho sharaf ugu sameeyey barxada qasriga
madaxtooyada haldoorka culimo awdiinka dalka, kuwaas oo isaga kala
yimid gobolada dalka.
Afurkan oo ah mid sanad walba uu sameeyo madaxweynuhu bisha Ramadaan
ee barakaysan dhex deeda intii uu xilka hayey, ayaa kani waxa uu
noqday kii shanaad, iyadoo dulucda kulamada noocan ahi madaxweynuhu
uga jeedo is xog waraysi hogaamiyeyaasha diinta ee dalka layska
waraysto xa alada dalka iyo diintaba, isla markaana wixii talooyin ee
jira laysku waydaarsado.
Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa culimada uga mahadnaqay sida
fiican ee ay u soo ajii been sooryadiisa afurka iyo cashada ah, isla
markaana sida saraaxada iyo waddaniyadu ku jirto ee ay talooyinka
ugu soo jeediyeen isaga iyo xukuumadda uu hogaamiyaba.
Isagoo madaxweynuhu ka jawaabaya talooyin badan oo culimadii halkaa
ka hadashay isaga hortii ay soo jeediyeen ayaa hadalkiisa ku
bilaabay “Waan ku dhaqmaynaa taladaa wax ku oolka ah ee aad culimo
ahaan soo jeediseen, waan raacaynaa waan ku shaqaynaynaa, waayo waa
sidii aynu u horumarin lahayn dalkeena ee aynu nabadgelyadiisa uga
shaqayn lahayn, iyadoo ay gacmaha is haystaan culimadiisa
shacabkiisa iyo dawladiisuba. Insha Allaahu tacaala wada jir ayeynu
waddan keena uga wada shaqayn doonaa, waxan ilaahay ka baryeynaa inuu
dedaalkeena iyo cibaadadee naba inaga aqbalo aad iyo aadna waad u
mahadsan tihiin”.
Madaxweynaha ka hor waxa halkaasi ka hadlay, Madaxweyne ku xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),
isagoo sheegay inay caado tahay sanad walba kulankan oo kale in uu
madaxweynuhu u qabto culimada dalka, ujeedaduna tahay ka wada
shaqaynta iyo iskaashiga ku aaddan amniga iyo horumarka dalka.
Waxa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbig a Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu
tixraacay hadal culimo awdiinka ka horeeyey iyo wasiirka ar rimaha
gudaha mudane Warancade ay halkaa ka jeediyeen oo ku saabsanaa
akhlaaqaadka da’yar ta oo ay ka dayriyeen iyagoo tilmaamay inay
nafahoodana u daran yihiin oo ay isdilaan, ta dadka na ay u daran
yihiin, markuu ka hadlaayey hogaamiyaha xisbiguna waxa uu sheegay in
loo baahan yahay in cilmi badhis lagu sameeyo wax ugu wacan
da’yarteena dhibaatada ay geystaan, si loo he lo talo wada jir loogu
maareeyo, habdhaqan wanaagsan oo ay yeeshaan dhalinyarteena lagu soo
dabbaalo. Waxa ka mid ahaa talooyinka uu soo jeediyey in uu u arko
in fakhriga iyo qoysaskeena oo u badan danyar uu ka mid yahay waxa
caruurteena diiqada gelinaaya, isagoo tilmaamay in wa da jir inteena
waa weyni u keeno fikradii wax lagaga qaban lahaa, dawlad, culimo,
ganacsato iyo waalidiinta meel uga soo wada jeesto daahiradan.
Waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane
Maxamuud Xaashi Ca bdi, waxaanu ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay
xukuumada uu hogaaminaayo mudane Axm ed Maxamed Silaanyo inay qaadato
nasteexooyinka loo soo jeediyey isla markaana ay u soo jeedi yeen
culimadii waaweynayd ee dalku, isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu
yidhi “Martiqaadkan madaxweynuhu wuu ka gundheer yahay afurka iyo
cashada aynu ku kulanay, waxaanu daaran yahay in ay isku xidhnaadaan
hogaamiyeyaasha diinta oo idinka ah iyo annaga oo ah masuuliyiintii
qaranka ee uu hoggaamiyaha u yahay madaxweynuhu. maruu ka hadlayay
hadday kala xidhiidh fur taan culimada iyo masuuliyiinta qaranku
wuxuu sheegay inay taasi culays ku tahay nayso qaranka. Waxaanu
tusaale u soo qaatay waxa ka dhacaya liibiya, suuriya, Ciraaq, iyo
Yemen, kuwaasoo burbur dhaxlay, ka dib markii ay kala tageen culimo
awdiinkii iyo masuuliyiintoodu”.
Waxa uu intaa raaciyey”Noo nasteexeeya oo wax noo sheega oo nala
taliya, balse hana caayina oo khudbadaha aad jeedinaysaan ha nagu
soo darina idinkoo na dhaleecaynaha, annagoon idin ku diidin talo
aad noo soo jeediseen sida ay culimada qaar yidhaahdaan iyagoo waxba
nagu caddayn Karin hadii aanu maxkamad geyno, oo xatooyo xoolo
dawladeed ayey nagu sheegaane, aan si la taaban karo u sheegi karin”.
Wuxuu u soo jeediyey culimada in meel looga soo wada jeesto
xagjirnimada, argagaxisada iyo kuwa banaystay dhiiga la daadinayo ee
sida khaladkaa u weeciyey islaanimadii naxariista ahayd.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade oo
munaasibada ka hadlay ayaa she egay in gacan ka hadalka kuraydu meel
ba’an marayo oo halis ah, haddii ay waalidiintu tahli waay aan inay
wax ka qabtaana oo caruurtooda ay dhawrsanaantii ku soo celin
waayaan ay iyagu xuk uumad ahaan tallaabo qaadidoonaan. Wuxuu intaa
raaciyey in uu nidaam cusub oo isu socodka gaadiidka ah iyo ciidan
cusub oo kuwa baabuurta kala haga ah ay keenayaan dhawaan, taasoo
wax lagaga qabanayo saxmada gaadiidka ee tirada badan iyo qaab
darada iyo sharci darada ay gaadiid badani ku tallaabsanayaan.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Caddaani oo isna halkaa ka hadlay ayaa
sheegay in goboladii waa weynaa iyo Gabileyba Ilaacadaha Qur’aanka
Kariimka ah laga wada furay oo afar iyo labaatanka saacadoodba dalka
gudihiisa iyo dibediisaba laga dhegeysanayo, taasina ay sharaf gaara
u tahay madaxweynaha.
Culimo awdiin tiro badan oo halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha ku
hambalyeeyey soor yadan afurka ah ee uu u sameeyey iyagoo soo
jeediyey talooyin ay ka mid ahaayeen in wax laga qabto akhlaaqdii
suubanayd ee dadkeenu lahaayeen gaar ahaan dhalinyarada oo sii
lumaya, saxmadda baabuurta oo wax laga qabto, waddooyinka oo la
hagaajiyo, ku dhaqanka diinta islaamka oo la xoojiyo, barista sekeda
ee dadka oo kor loo qaado, wada shaqaynta dawlad iyo culimada oo la
horumaiyo, lana tayeeyo, iyagoo intaa raaciyey inay si buuxda ula
shaqayn doonaan goor walba iyo wakhtigii loo baahdaba.
Gudoomiyaha diiwaanka sekada Dr Siciid Maxamed Faarax Jire oo halkaa
ka hadlay ayaa dawlada ku hambalyeeyey heshiiskii ay la gashay
shirkada reer Dubai ee DP world oo kaasoo uu ku sifeeyey mid faa’iio
ugu jirto dalka iyo dadka.
Culimada waa weyn ee halkaasi ka hadashay waxa ka mid ahaa sheekh
Cabdillaahi Sheekh Cali Ja whar, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed,
sheikh Maxamed Cali Gadhle, Dr Xasan, Dr Axmed Jaamac Ismaaciil, Dr
Sacad Suldaan oo ka mid ah culimada qurba-jooga ah, kaasoo kuna
tilmaamay halga nkii dalka lagu xoreeyey mid barakaysan, oo horseeday
in si xoriyada diinteena iyo dalkeenaba aan u maamulano.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.





 |