WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;


Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaar adda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigee nka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)

ALLAA MAHAD LEH

 


Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.