TACSI

 


Mustashar Axmed Carwo:"Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan, waxuu ka mid ahaa inta yar ee ka nool aasaasayaashii Golaha Guurtida" La-taliayaha Mada xweynaha JSL, Mustashar, Axmed Xasan Carwo. waxa uu tacsi u dirayaa labada gole qaran ee baarlamaanka iyo guurtida, , qoyskii, eheladii, asxaabtii, qaraabadii xigto iyo xigaal iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Sheekh Khaliif She ekh Xasan Gudaal oo 15/04/2016 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, kana mid ahaa xildhibaanada yar ee ka sii nool aasaasayaashii Golaha Guurtida.

Marxuumku waxuu miisaan weyn ku dhexlahaa bulshada reer Somaliland oo uu ka mid ahaa, odayaashii, waxgaradkii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimada dalka ka jirta, isagoo ka mid ahaa ururkii SNM. waxaanu ahaa sheekh caalima oo ku xeel dheer diinta islaamka, dadkna ugu adeega samaha iyo wada jirka.

Mustashar Axmed Carwo, waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu janooyinkiisa balaadhan dejiyo, guurtida, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland uu waafajiyo samir iyo duco.


Mustashar Ahmed Hassan Arwo

samotalis@gmail.com


https://www.facebook.com/aharwo/



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
http://samotalis.blogspot.com/