Askartii shalay ku geeriyooday shilkii baabuur oo aas Qa ran loo
sameeyey iyo Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka qayb galay

Aaskan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin.........
Hargeysa (TNN) - Askartii ku dhimatay shilkii baabuur ee shalay ka
dhacay degmada Halaya ee ba riga magaalada Hargeysa ayaa aas qaran
loogu sameeyey xabaalaha naasa Hablood ee magaalada Hargeysa.
Aaskan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin
Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed
Nuur Caraale (Duur), Taliyaha Ciidamnka Booliska Cabdilaahi Fadal
Iimaan, Masuuliyiin badan oo ka tirsan Ciidamada Dalka iyo dadweyne
kale oo tiro badan.
Masuuliyiintii aaskan ka soo qayb gashay oo xabaasha dusheeda
warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay ILAAHEY uga baryeen
marxuumiinta dhimatay inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo
qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somalliland
|