Askarta Illaalada
Madaxtooyada Somaliland Oo Mayd Ahaan Uga Tagay Siday U Garaacayeen
Sawirqaade Ka Tirsan TV-ga Madaxa-banaan ee
SSPC

Qaar ka mid ah Illaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta
gelinkii hore siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Sawir-qaade Nuur
Axmed Gaagaab oo ka mid ah Sawirqaadayaasha TV-ga Madaxa-banaan ee
Somaliland Space Chanal. Isla markaana waxa ay u gaysteen nabarro
badan oo aan muuqan iyo kuwo muuqdaba.
Sawirqaade Nuur Axmed Gaagaab, oo ka tirsan Sawirqaadayaasha TV-ga
SSPC, ayaa abooro 1:000- tobankii subaxnimo ee maanta isaga oo u
qalab-qaatay qabashada shaqadiisa, hase ahaatee, markaa aan ku guda
jirin wax shaqo ah, balse si caadi ah u marayay dhinaca waddada
Laamayga ah ee hormarta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee
Magaaladda Hargeysa, ayay si xun oo xamaqnimo iyo naxariis-darro ah
u garaaceen qaar ka mid ah Illaalada Madaxtooyadu.
“Anniga oo dar Illaahay u maraya waddada Laamiga ah ee Madaxtooyada
hormarta dhinaca ay Kaabaduhu ka yaalaal ee xagga Madaxtooyada xigta,
ayaa Midka mid ah Illaalada Madaxtooyadu inta uu Diintayda caayey
igu amray inaan istaago, kana baydho waddada. Intaa ka dib, waxaan
ugu jawaabay Askarigii ila hadlayay, ‘waddadi waatan oo Baabuur ayaa
buuxdhaafisay ee halkii lugta dadku inay ku maraan loogu talagalay
ayaan marayaaye xageed illeedahay u joog ee aan maraa?.” Sidaa waxa
yidhi Sawirqaade Nuur Axmed Gaagaab.
Waxaanu Nuur isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi,
“Intaasi markay afkayga ka soo baxday, ayaa Cir iyo dhul meel aan
joogo iigu dambaysay, ka dib markii Raxan ka tirsan Askarta
Illaalada Madaxtooyadu ay isugu kayteen, isla markaana igu garaaceen
Qoyihii ay siteen dabadooda, Laad iyo Feedh, markay Dhulka iigu
tuureena waxay igu karbaasheen Qoriga dabadiisa.Nabarro badan
ayaanay ii gaysteen, waxaana iigu daran Nabarkan Luqunta igaga yaala
oo Qoriga Afkiisa ay igaga dhufteen Anoo jiifa.” Ayuu yidhi
Sawirqaade Nuur.
Ma jirin dhibaato uu Sawirqaaduhu u geystey ilaalada Madaxtooyada,
hase ahaatee, sabab la’aan waxay u egtahay inay mar kale soo
celiyeen dhaqamadii xumaa ee astaanta u ahaa ilaalada
hogaamiyayaasha kali-taliska ah. “Inanka waanu is daba soconay oo
meesha ayaanu wada maraynay, si aan ka yaabay oo bina-aadannimada ka
baxsan ayay u garaaceen, waanu ku qaylinay oo aanu ku nidhi waar ka
daaya sidaas oo kale qofaan waxba galbsan looma garaaco’e. laakiin
Askartii Illaalada ee Sawirqaadaha garaacayay way na maqliwaayeen
intaanu lahayn ka daaya, illaa iyo ay dhulka ugu tureen oo ay sidii
Maska oo kale u tumeen isaga oo dhulka jiifa, iskood ayaanay mayd
ahaan ugaga tageen markay in badan garaacayeen.” Sidaa waxa yidhi
mid ka mid ah dadkii wakhtigan Askartu Sawirqaadaha ay garaacayeen
marayay Madaxtooyada horteeda.
Xiligaa la garaacay Sawirqaaduhu wuxuu marayay barxadda hore ee
Madaxtooyada oo intii ka dambaysay qaraxyadii 29-kii October
2008-dii ka dhacay Madaxtooyada iyo meela kale oo Hargeysa ka mid
ah, la dhoobay Kaabado waaweyn oo loogu talagalay si aanay baabuurtu
khasab ugu marin. Laakiin, waxaa ku dhacay waxaanu filayn. Waa
dabeecadda Ilaalada Madaxtooyada inay mar kaliya Askartu isugu
tagaan qofka, iyagoon eegin ama aan is weydiinin qofku muxuu
sameeyay. Tani waa dhaqan jaahilnimo oo aanu lahayn Askariga Anshax
ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan ilaalinta xuquuqda dadku. Kani
wuxuu garanayaa oo kaliya qofka uu ilaalinayo, xitaa ma garanayo
ciqaabta uu ka mudan doono falalka noocan oo kale ah, marka uu
caddaalada soo hor-maro.
Maaha markii ugu horeysay ee ay Askarta Illaalada Madaxtooyada
Somaliland sidan oo kale u garaacaan Sawirqaade ama Wariye ka tirsan
qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, hase ahaatee, waxa mar
walba soo noqnoqda tacadiyada iyo garaacista noocan ah ee ay u
gaystaan hawl-wadeenada warbaahinta dalka, oo ay caadaysteen
Illaalada Madaxtooyadu inay si xun oo arxan-darro ah u tumaan sabab
la’aan.
Hadhwanaagnews
|